sinaan la’aanta qof ee meelaha shaqada ee ku salaysan qofka diintiisa, ama waxa uu rumaysanyahay waa sharci darro.
DISCRIMINATION ON GROUNDS OF RELIGION OR BELIEF
marka laga soo bilaabo Disember 2 2003 waxa sharci darro ah in sinaan la’aan ay ka dhacdo meelaha shaqada taas oo ku salaysan diinta iyo waxa uu rumaysanyahay qofku. Diinta iyo runaysnaanta waxa lagu qeexay diin kasta ama afkaar (philosophical) uu qofku rumaysanyahay. Tanu iyadoo koobaysa diimaha waaweyn, haddana waxa lagu daraa kuwa yaryar sida kuwa bani-aadnimo (humanism). waxa xataa lagu daraa ‘pacifism’ ama ‘vegetarianism’. Laguma daro fekred siyaasadeed, hadii aaney gaadhsiisneen heer ay isu bedesho rumaysnaan loo dhigi karo diin. Sababtaa awgeeg xubnaha ururka siyaasada ‘Conservative Party’ ma noqon karo diin, laakiin waxa lag-yaabaa in ururka ‘Green Party’ laga soo qaado diin ama rumaysnaan diin u dhiganta.
Sinaan la’aan toos ah
Sinaanla’aanta tooska ahi waxay dhacdaa marka shaqaale ama qof dalbaday shaqo loola macaamilo si sinaan ka maqantahay, waayo waxa uu aaminsanyahay qofkaasu ama aanu aaminsanayn diin ama wax la rumaysanyahay. Matalan, qofka shaqada laga eryey, ama loo diiday, ama aan lasiin tababar, ama in la dalacsiiyo la diidey waayo waxa uu aaminsanyahay ama diin uu ku dhaqmo awgeed, tanu waxa ay noqonaysaa sinaan la’aan toos ah.
Duruufoaad u yar oo xadidan waxa suurogal ah in ay tahay qayb kamid ah shaqada (GOR) uu qof ku ka shaqeenayo in loo baahanyahay in diin ama rumaysnaan gaar ah haysto. Hasa yeeshee ‘GOR’ waa la doodi karaa shaqa-doontuhu, waxa laga doonayaa shaqa-bixiyaha in uu caddeeyo in arintaasu jirto. Shaqo bixyayaashu waa inay aad uga taxadiraan marka ay leeyihiin waxa jira ‘GOR’.
Sinaan la’aan aan toos ahayn
Sinaanla’aan aan toos ahayni waxa ay timaadaa marka shaqo-bixiyahu uu fuliyo dhaqan ama qorshe dadka isku diintaha ah aan dhibaato u lahayn, laakiin qofka diin kale kasoo jeeda dhibaaya marka loo eego shaqaalaha kale. Hadii shaqo bixiyuhu diido ama fuliyo qorshe arin dad diin u ah waa inuu caddeeyaa sababta ganacsi ahaan kaliiftey, matalan, hadii uu dalbado in madaxa qofku qariyo ama aanu qarinin iyadoo wershed cuno diyaarin ah laga shaqeenayo, waa inuu caddeeyaa sababta kaliiftey arintaa in ay tahay mid sharci ah.
Cadaadis
Cadaadiskuwaa dhaqan kasta oo qofka sharaftiisa wax u dhimaaya, oo ah waxyeelo, cabsi-gelin, ama diiqad beerid. Tan waxa ka mid ah waxa loo yaqaano ‘bulling’ama wax udhimis wax lagu yeelayo qof, sida jeesjeesida, naanees ugu yeedhida, ama magac xun u bixinta. Dhaqamada noocaas ah qofka wax bay u dhimi karaan, waxaan shaqo bixiyaha ku qasab ah in uu baadho arimaha noocaas ah waxna ka qabto.
Dhibistadhibane
Dhibista dhibane ama ‘Victimisation’ waxa ay dhacdaa marka qof loola macaamilo si xun waayo waxa ay gudbiyeen cabasho, ama doonyaan inay gudbiyaan cabasho, ama koox sadexaad oo doonaysa inay taageerto qof ashkato u gudbinaya gudi.
Lagu lahaansho
Shaqo bixiyaha waxa lagu leeyahay inay wax ka qabto wixii ay sameeyaan shaqaaluhu ama koox sadexaad, hadii uu awood u leeyahay in qaladkii dhacay dib u saxo waa inuu sameeyaa, haddii kale waxa aad samayn karaa ashkato aad wax kaga qabatid..
Hirgelinta Sharciga
Sidaloo hirgeliyo sharciga (aan lagu dhaqmin) ee sinaan la’aanta ku salaysan diinta, jinsiga, ama qofka lab iyo dhadig midka uu yahay, waxa aad ashkato u gudbin kartaa gudida shaqaalaha ‘Employment Tribunal’. Hasa yeeshee intaanad cabasho gaadhsiin gudida, waa inaad tijaabisey wixii nidaam ashkato ama cabasho kuu furan ee uu leeyahay shaqo bixyahaagu. Waa inaad soo gaadsiisaa gudida shaqaalaha codsigaaga 3 bilood gudahood marka arinta aad ka cabanaysaa dhacday, ama hadii dhoor cabasho jireen 3 bilood gudohood marka laga soo bilaabo tii ugu danbaysey.
Waxa muhiim noqon kara inaad talo ku saabsan sharciga iyo ashkatadaada raadsato goor hore si aad u ogaatid inaad kees haysatid iyo inta awoodiisu, ama ku guulaysigiisu leegyahay.
This documents was provided by Coventry law Centre, February 2004, www.covlaw.org.uk