Weerarada midabka ama diimaha
Racially and religiously motivated attacks
Macluumaadkanu waxay khuseeyaan England iyo Wales
Waa maxay Dhiirigelinta weerarada la xidhiidha midabka iyo diinta qofka
Weerarka ama jidh dilka noocan ahi waa mid qof dhaawac loogu gaysanayo diintiisa ama midabkiisa awgii, ama diin yari awgeed. Tan waxa ka mid ah:-
- Jidh dil qof ama reer ay ku sameeyaan qof ama dad kale
- Weerar lagu qaado qof, ama reer hoygooda, sida daaqad la jebiyo, wax sanduuqa boosta laga soo rido, ama gaadhiga oo dab lagu qabto
- Waxyeelada af lagaadada ah, ama hanjabaada
- Cay qoraal ah, sida warqad, iimayl, fariin telifoon ama iimayl.
- Cay (ama aflagaado) lagu sawiro gidaar ama daar
Weerarada midabka ama diimaha
Hadii lagu soo weeraray ama wax lagu yeelay diintaada ama cidda aad tahay awgeed, qofka arintaa sameeyey waxa uu ku kacay denbi (sharci darro ah).
Sidoo kale hadii qof dhiiri geliyo nacayb la xidhiidha midab ama qolo, sida qoraalo la qaybiyo, waxa lala tiigsan karaa sharciga. Waa isku sharci diimaha qofka wax lagu yeelaa.
Sharciga khuseeya weeradada qofka wax lagu yeelayo diintiisa ama midabkiisa waa adagtahay fahankiisu, waxaana aad u baahantahay talo ay ku siiyaan ururadu, sida ururka la talinta muwaadainka ‘Citizens Advice Bureau’.
Waxyeelada (denbiyada) la xidhiidha midabka iyo diinta
Hadii denbi (waxyeelo) ay ku raadleedahay midab ama diin waxa maxkamadu siinaysaa denbiilaha ciqaab ka badan hadii aanu denbigaasu ku shaqo lahayn midab ama diin. Waxaana kamid ah denbiyada la xidhiidha midabka iyo diinta tusaalooyinka:-
- Waxyeelo denbi (qof, ama hanti)
- Jidh dil
- Dhaqan-xumi rabshad wata
- cadaadis.
- Denbigu waxa uu noqonayaa mid la xidhiidha xaga diinta ama cida uu yahay qofku ama kooxdu, haddii marka waxyeelada la geestey loola jeeday qofka ama kooxda dhibanayaasha in waxa lagu yeelo diintooda, ama cidooda marka shilkaasu dhacay.
Waxyeelooyin hore xaafada uga dhacay oo wax lagu yeelay dad diintooda ama cida yihiin awgeed ayaa laga eegaa. Waxa jiri kara kooxo, sida ururka latalinta muwaadinka ‘Citizens Advice Bureau’ oo sheegi kara arintaa. Sidoo kale kooxda ‘local Racial Equality Council’ ayaa sheegi karta shilalka ka dhaca xaafada, iyagaa macluumaad arimahaas ku saabsana haya. Taas waxaad booliska kaga dhaadhicin kartaa in shilku la xidhiidho diinta ama cida aad tahay, ama qofku yahay.
Wax ka qabashada weerarada la xidhiidha diinta ama cida (qolada) qofku yahay
Hadii aad tahay dhibane wax lagu yeelay weerar la xidhiidha diin ama qolo, waxa ku taageeri kara hadii aad macluumaadkan keento:-
- sida laguu weeraray
- hadii aad taqaanid cida ku soo weerartay iyo meesha ay deganyihiin, hadii kale sida ay u eekaayeen iyo waxay xidhnaayeen
- hadii wax hadal ama cay dhaheen kuwa waxyeelada geestey, sida cay diinta ama qoladaada ah
- wixii kale ee aad ugu malaynayso in weerarka la xidhiidho diin ama cida aad tahay
- hadii hore wax laguu yeelay cida ama qofka wax ku yeelay
- meesha weerarku ka dhacay
- xiliga weerarku dhacay (taariikhda maalin ama habeen)
- wixii dhaawaca ee laguu geestay, waxa haboon inaad dhakhtarka iska baadho
- hadii cid kale wax la yeelay
- cinwaanka iyo magacyada wixii markhaati jira
hadii aad taageero sidii aad ula xidhiidhi lahayd booliiska u baahantahay waxa arintaa caawin kara citizen’s advice Bureau’. Hadii booliiska ama xubin ka mida booliiska wax ku yeeleen waxa haboon inaad talo raadsato.
U sheegista shilka dhacay booliiska
Qeexida dawlada ee waxyeelada la xidhiidha diinta ama qolada waa ‘shil kasta oo dhibane ama qof kale u arko cunsuriyad (midab kala sooc). Tan macnaheedu waxa weeye hadii qof ama dhibane u arko shilka mid la xidhiidha cunsiriyad waa in booliisku u sajilaa mid la xidhiidha midab ama diin.
Marka aad booliiska la xidhiidho waxa aad waydiisan kartaa in lagugu wareesto xarunta booliiska ama gurigaaga ama meel kale oo dhexdhexaad ah oo ku heshiisaan. Waxa aad codsan kartaa in qof kale kula socdo sida qareen ama qof ka socda ururka ‘Citizens Advice Bureau’ ama saaxiib.
Hadii ay luqada af ingriiska kugu adagthay waxa haboon inaad turjubaan haysato. Waxaad booliiska ka codsan kartaa inay kuu diyaariyaan turjubaan, ama saaxiibka ama qaraabo. Hadii booliisku diido inay turjubaankaa kuu diyaariyaan waxaaad ka codsan kartaa inay ku tusaan siyaasadooda ku wajahan keenista turjubaanka intaanad booliiska ka ashkatoon.
Waxaad samayn lahad haddii booliisku aanu wax talaabo ah qaadin
Marka aad wargeliso booliiska waxay gaadhayaan go’aan inay baadhitaan sameeyaan iyo in kale. Hadii ay go’aan gaadhaan inaaney baadhayn waa inay muddo 5 cisho ah kugu wargeliyaa.
Hadii booliisku ay baadhis sameeyaan, waa inay marba kula socodsiiyaan wixii soo kordha. Tusaale ahaan, waa inay soo wargeliyaan hadii qof la xidhay la tuhmayo, ama lasii daayey, ama la damiintey. Marka booliisku soo af-jaraan kiiska ayey go’aan gaadhaan in cid dacwad lala tiigsanayo.
Hadii aad ka shakisantahay in booliisku aanu kiiska si fiican u fulin, waxaad samaynaysaa ashkato.
Waa sharci daro in booliisku uu sinaan la’aan kugula kaco midabkaaga, naafo, iyo lab iyo dhadig kii aad tahayba. Hadii aad daraymaysid in aan ashkatadaada aaney si dhab ah wax uga qabanayn waa inaad talo raadsataa wixii aad ka qaban karto.
Weerarada gurigaaga ama meel u dhow ka dhaca
Hadii wax lagugu yeeley gurigaaga ama meel u dhow dawlada xaafadaada ayaa wax ka qaban karta.
Waa sharci daro in dawlada xaafadaada uu sinaan la’aan kugula kaco midabkaaga, naafo, iyo lab iyo dhadig kii aad tahayba. Hadii aad daraymaysid in aan ashkatadaada aaney si dhab ah wax uga qabanayn waa talo raadsataa wixii aad ka qaban karto.
Weerarada ka dhaca iskuulada
Waxa dhici karta in ilmaha iskuulka ama meel u dhow wax lagu yeelo. Iskuuladu waa inay leeyihiin nidaam ay wax kaga qabtaan shilalka, aaney la shaqeeyaa qaybta waxbarashada ee dawlada hoose iyo booliiska.
Waa sharci daro in maamulka waxbarashada iyo booliisku aysinaan la’aan kugula kacaan midabkaaga, naafo, iyo lab iyo dhadig kii aad tahayba. Hadii aad daraymaysid in aan ashkatadaada aaney si dhab ah wax uga qabanayn waa talo raadsataa wixii aad ka qaban karto.
Taageero dheeraad ah
Hadii aad tahay dhibane weerar, waa inaad had iyo jeer raadsato talo. Waxaad ka helaysaa talada kooxda ‘Citizens Advice Bureau’. Waxa kale oo talooyin ka helaysaa kooxda ‘Racial Equality Council (REC)’, iyo ‘local Victim Support scheme’ ama kooxaha ama ururada xaafadaada.
Waxa kale oo la xidhiidhi kartaa kooxda ilaalada khadkooda bilaashka ah: ‘Monitoring Group Freephone Emergency Helpline’. Khadku waxa talo siiyaa dadka sinaan la’aan cida ay yihiin ama aflagaado la kulma. Waana khad 24 saacadood ah. Waa dad tabaruca oo ka socda jaaliyadaha dadka madow iyo dadka laga tirada badanyahay, si loo hubiyo inay qof ay isku af yihiin la hadli karaan. Khadka talada waa: 0800 374 618. waxa jira khad taageero qofka Muslimka ah oo wasaarada arimaha guduhu leedahay. Waxa talo ku siinayaan hadii diintaada iyo waxii aad rumaysantahay wax lagugu yeeley. Khadka tilifoonka ee Muslimku waa: 0208 840 4 840 waxaanu diyaar yahay inta u dhaxaysa 9:30am ilaa 6.00pm Isniin – Jimce.
Hadii ay waxyeelo laguu geestey diintaada ama cida aad tahay la xidhiidha waxa codsan kartaa magdhow adoo adeegsanaya xeerka denbiyada iyo qorshaha magdhowyada (Criminal Injuries Compensation Scheme).
This document was provided by Citizen Advice from their website, www.adviceguide.org.uk.