Waa maxay lacag bixin toos ahi?
What is a Direct Payment?
Lacag Bixin Toos ihi waa lacag laga yaabo inay ku siiso waaxada adeegga bulshadu si aad ugu iibsato taageerada aad ugu baahan tahay inaad ku deryeesho qofkaad ilaaliso.
Waad codsan kartaa Lacag Bixin Toos ah adigoo la xidhiidhaya adeegga bulshada waydiisanayana qiimayanta daryeeluhu leeyahay. Adeegga bulsho ayaa markaa kuu iman doona si aad uga wada hadashaan taageerada aad u baahan tahay waxa ay tahay.
Adigaa laga yaabaa inaad go'aamin karto in adeegga bulshadu ay ku siin karaan qayb ama dhammaan kaalmadii laguu soo qimmeeyay in loo baahan yahay. Laakiinse haddii taageerada ay kuu fidiyeen aanay baahidaadii ku habboonayn, waxad weydiisan kartaa Lacag Bixin Toos ah si aad adigu u soo iibsato wixii aad u baahnayd.
Fadlan xasuusnow in wixii Lacag Bixin Toos ah lagu isticmaali karo oo qudh ah helitaanka taageerada adiga laguu soo qiimeeyay inaad u baahan tahay.
This document was provided by Carers UK