Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Gunnada Daryeelka Naafada iyo Korodhsiimada Daryeelaha
Carer’s Allowance & the Carer Premium

Haddaad tahay daryeele, waxa laga yaabaa in aad heli karto Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance). Taasi waa faaiido weyn oo dawladdu siiso daryeelayaasha waana muhiim inaad doonto haddaad heli karto - hadda waxay joogtaa £41.75 todobaadkii.

Waxa kalo laga yaabaa inaad heli karto Kordhsiimada Daryeelaha (Carer Premium) - taasi waa caddad lacagoo dheeraad ah (ilaa iyo £24.40) todobaadkii oo ka mid ah Tageerada Dakhkiga (Income Support), Dakhli ku salaysan Gunnada Dadka Shaqo Raadiska (Income-based Job Seekers' Allowance), Faaiidada Guriyenta (Housing Benefit) iyo Faaiidada Cashuurta Golaha (Council Tax Benefit)(oo Woqooyiga (Northern) Ireland looga yaqaan lagacta kiro celinta "Rent Rebate"). Haddii lagu siiyo Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance), hubi in aad xaq u leedahay Korodhsiimada Daryeelaha (Carer Premium) laga yaabee inaad lacag dheeraada heshid.

Ma heli kartaa Gunnada Daryeelka Naafada?

Si aad u hesho waa inaad shuruudaha oo dhan ka soo baxdaa. Fadlan akhri qoraalada ku caawinaya maadaama ay aad uu adagyahay.

Waa in aad ka yartahay 65 jir

Gunnada Daryeelka Naafada waa Faaiido dadku dalbadaan ka hor intaanay gaadhin 65 jir.

Waad dalban kartaa haddaad hadda uun gaadhay 65 jir waayo waxa gunnada dib loogu dhigi karaa wakhti ilaa 3 bilood ah ka hor taariikhda aad dalbatay. Si tan aad u samayso waa inaad buuxisay shuruudihii qaanuunka ee gunnada daryeelka naafada (invalid care allowance) intii aanad gaadhin 65 jir.

Sida qaalibka ah, haddaad mar hore gaadhay 65 jir ama aad ka weyntahay sida caadiga ah xaq uma yeelan kartid Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance). Hase ahaatee, waxa jira qaanuun gaar ah oo quseeya haweenka dhashay 13kii Abril 1911kii iyotan iyo 27kii Oktoobar 1929kii ee hore soo daryeeli jiray intaanay gaadhin 65 jir.

Daryeelayasha ka weyn 65 jir waxa laga yaabaa in ay heli karaan Gunnada Daryeelka Naafada mar hadduu qanuun cusubi soo baxo (kaasoo la filayo Oktoobar 2002). Hase yeeshe, qaanuunka gunnada isku labanlaabanta (overlapping) ayaa ku qusayn doonaa haddaad dalbato Lacagta Howlgabaka ee Dawladda (state retirement pension).

Waa inaad ugu yaraan 35 sacadood qof ilaalisaa todobaakii

Waxa qudha ood dalban kartaa gunnada daryeelka naafada (invalid care allowance) markaad ilaaliso qof muddo aan ka yarayn 35 sacadood todoobaadkii. Todobaadku wuxu ka bilaabmaa maalinta Axadda ilaa iyo dhamaadka Sabtida so socota. Dhibaato ayaa ka dhalan karta taasi. Tusaale, haddaad qof daryeesho todobaad kasta dhamaadkiisa sidii todobaad gooni ah oo ka bilaabmaya saacadaha maalinta Axadda eed qofka daryeesho, saacadaha maalmaha Sabtida waxa loo xisaabinayaa sida todobaaka kale Axadda. Taasi macnaheedu waxay tahay in aanad samayn 35 saacdood oo daryeel ah todobaad kasta.

Wakhtiga aad boqashadda u diyaar noqoneyso, ama nadiifinta ka bacdi markaad soo booqatay, waa laga yaabaa in lagu xisaabiyo 35 saacadod ee loo baahnaa todobaadkii - waxa iyaana la mid ah wakhitga aad u socdaalayso soo qaadidda qof aad daryeesho ee aad ka soo qaadayso meeaha uu ku noolyahay ama marka dambe aad geynayso.

Waa inaad qof daryeeshaa muddo 35 saacadood ah todobaadkii. Iskuma geyn kartid muddada add daryeesho dad kala duwan si aad u hesho 35 saacadood.

Qofka aad ilaalisaa waa khasab inuu helo Gunnada Nolosha Naafada, Gunnada Ilaalinta ee Joogtada ah ama Gunnada Ilaalinta.

Qofka aad daryeeleysaa waa inuu qaataa mid faaiidooyinka so socoda ka mid ah:

  • Gunnada Nolosha Naafada - oo la siiyo heerka dhexe ama ka sare oo uu isku daryeelo;
  • Gunnada Ilaaliyaha Joogtada ah- taas oo gunno dheeraada ah oo la siiyo howlgab dagaal ama qof ku nafoobay shaqo. Waa in lagu siiyaa lacag cayiman oo qadar ah todobaab walba.
  • Gunnada Ilaaliyaha - waxa loo bixiyaa heer kasta.

Haddii qofka aad daryeelaysid aanu markaas qaadan Gunnada Nolosha Naafada Disability Living Allowance), Gunnada Ilaalinta Joogtada ah (Constant Attendance Allowance) ama Gunnada Ilaalinta (Attendance Allowance), waa inaad dalbataa Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance) sida ay iyaguba u dalbadaan gunooyinkooda. Haddii dib u dhac ka yimaado habeeynta gunnada qofka aad ilaalineyso, waa laga yaabaa inaad hesho waraaq odhanaysa in aanad heli karin Gunnada Daryeelka Naafada. Haddii qofka aad ilaalinaysaa helo gunooyinka wakhti dambe adiguna waa inaad dib u dalbataa Gunnada Daryeelka Naafada, gunnadaada bixinteedu waa inay ka soo bilaabantaa taariikhdii aad ugu horayntii dalbatay.

Waa in aad qaadataa lacag ka yar ilaa qader ah

Si aad u hesho Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance), waa inaad qaadataa lacag ka badan £72.00 todobaadkii. Waxbaa laga jari karaa lacagta wadar ahaan aad qaatado (total wage)marka la go'aamiyo inaad qaadato in ka yar heerka aan la dhaafi Karin (limit) jaro marka la eego in aad heli karto mid heerkaa ka yar.

Waxa laguu ogolyahay in lacagta guud ee aad qaadato laga reebo kuwa hoos ku qoran:

  • cashuurta dakhliga
  • caysmiska qaranka
  • nus ah lacagta aad ku bixisid dhigaalka hawlgabka

Haddaad qof lacag ku siiso ilmo inuu ku daryeelo, ama qofka aad ilaaliso, waxad wax ka jari karta lacagta guud (gross wage) ee aad qaadato. Haddaad lacagtaas bixiso waa la dhaafi karaa nus lacagta aad qadato. Laguuma ogola in aad lacagta ilaalinta ilmaha u dhaafto ehelkaaga ah ama daryeel kalaba.

Haddii dakhligaagu isbedelo todobaad ilaa todobaad waxa laga soo qaadayaa inaad qaadatay dakhli isku celcelis ah (average). Haddaad shaqada hadduun ka taktay marka kuugu horeysey ee aad bilawday daryeelka, lagama yaabo inaad xaq u yeelato Gunnada Daryeelka Naafada marka hore sababtoo ah dakhligaagii ugu dembeeyey iyaa loo arki karaa inuu ka soo jeedo todobaadyada ugu horeeya ee dalabkaaga - xataa haddii lagu siiyey iyadoo ururtay.

Lacagta ay qaataan dadka shaqada ka fadhiista markay cimri gaadhaan (occupational or personal pensions) ama markaad wakhtiga howlgabka gaadho midna ma tirsana. Haddii saaxiibkaa qaato gunno howlgab ama shaqo ka fadhiisi uguma dalban kartid faaiido dheeraada. Gunnada Hawlgabka Dawladdu (State Retirement Pension) ayaa wax u dhimi karta xaqaad u leedahay inaad hesho Gunnada Daryeelka Naafada.

Waa in aanad qaadan mid ka mid ah taxane dhowr gunno ah (oo loo yaqaan gunooyinka isku laablaabma).

Haddaad qaadato mid ka mid ah gunooyinka hos ku qoran markaas xaq uma heli kartid Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance):

  • Faaiidada Awood La'aanta
  • Gunnada Bukaanka Sharciyaysan
  • Gunnada Hawlgabka Dawladda
  • Gunnada shaqa ka firiisiga ee qofka xaaska ka dhintay
  • Gunnada Haweenka Uurka leh
  • Lacag bixinta Sharciyaysan Haweenka Uurka Leh ee
  • Gunnada Naafada Daran (Severe)
  • Gunnada ku salaysan lacag bixinta Shaqo Raadashaha.

Haddaad hesho mid ka mid ah faaiidooyinkaas, weli waa haboontahay inaad dalbato Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance) sababto ah waxa la arkaa inaad weli hesho Daryeelka Korodhsiimada (Carer Premium). Daryeelka Korodhsiimadu waa cadded lacagoo ka mida Gunnada Shaqo Raadiska ee ku salaysan Dakhliga (income-based Job Seeker's Allowance), Dakhliga Taageerida ah (Income Support), Faaiidada Guriyeynta (Housing Benefit) ama Faaiidada Cashuurta Golaha (Council Tax Benefit) (oo looga yaqaan Wooqiya (Northern) Ireland heerka lacag celinta "Rate Rebate"). Waad heli karta daryeelka korokhsiimada haddaad qaadato Gunnada daryeelka Naafada, ama waxa qudha ee kaa joojon kara helitaanka Gunnada Daryeelka Naafda waa adiga oo qaata faaiidada isku labanlaabanta (overlapping).

Waa inaad dalka Ingriiska (United Kingdom) ku nooshahay markaad dalbanayso Gunnada Daryeelka Naafada

Dadka ku nool Dalka Ingriiska (UK) oo keliya ayaa heli kara Gunnada Daryeelka Naafada. Waa inaad dalka ku noolayd ugu yaraan 26 todobaad oo ka mid ah 52 todobaad ee u dambeeyey.

Sida badan, kuma dalban kartid Gunnada Daryeelka Naafada haddii xayiraddi kaa saarantay xagga socodaalka saammeeynaya joogitaankaaga dalka Ingriiska (UK). Waxaase jira waxyaabo qaanuunkaasi dhaafo. Talo kale doono hadday kula noqoto in qaanuunkaasi ku khuseyo.

Haddii adiga iyo qofkaad daryeeleysaa debadda dalka uga baxdaan, waxa laga yaaba in aydun heli kartan Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance) muddo ah ilaa 26 todobaad. Qofkaad daryeesha waa inay u socotaa Gunnada Nolosha Naafada (Disability Living Allowance) iyo Gunnada Ilaalinta (Attendance Allowance). kadib 26 todobaad, weli faaiidada waad heli kartaa haddii qofkaad ilaalinaysaa uu dalka uga baxay si loo soo daweeyo.

Iskaa dalka debedda waad uga bixi kartaa muddo afar todobaada ah oo lix bilood oo kastaba gudahooda adiga oo weli faaiidada qaadanaya. Waa inaad qadataa Gunnada Daryeelka Naafada muddo 22 todobaada inta aanad dalka ka bixin.

Qawaanin gaar ah aya khuseeysa dalka ciidamada qalabka sida iyo dadka ka yimaadda Dalalka Isbahaysiga Dhaqaalaha rer Yurub.

Waa in aanad ahayn arday si-buuxda wax u barta

Haddii 21 saacadood ama in ka badanba aad wax barato todobaadkii, xaq uma yeelan kartid Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance). Ma dalban kartid muddo ku meel gaadh ah aad wax barashada ka maqnayd ama intaad fasaxaba ku jirto.

Haddii aad wax barato muddo ka yar 21 saacadood todobaadkii waxad heli kartaa Gunnada Daryeellka Naafada. Wakhtiga aad ku qaadato wax barashada maaraysan (supervised) oo keliya ayaa laga soo qaadayaa 21 saacadood. Nasashada iyo wax barashada gaarka ah (private) laguuma trinayo.

Sida loo dalbado Gunnada Daryeelka Naafada?

Meesha laga helo foomka dalabka

Si aad u hesho Gunnada Daryeelka Naafada waa inaad buuxisa xidhmada taageerada wax lagu dalbado (claim pack) DS700. Waxad ka heli kartaa foomkaa:

  • xaffiiska Wakaalada Faaiidada degaankaaga
  • Khadka Su'aalaha Taageerooyinka (Benefits Enquiry Line) ee tirsigeedu yahay 0800 882 200 (0800 220 764 ee Woqooyiga (Northern) Ireland)

Yaa loo dirayaa foomka

England, Wales iyo Scotland, waxad foomka dalbashada u diraysaa:

ICA Unit
Palantine House
Lancaster Road
Preston PR1 INS
Teelifoon 01253 856123

Woqooyiga (Northern) Ireland, waxaad foomka dalbashada u diraysaa:

ICA Branch
Social Security Agency
Castle Court
Royal Avenue
Belfast BT1 lSN
Tel: 028 90 336000

Go'aaminta dalbashadaada

Go'aan ka gaadhista howl socodka wuxu qaadan karaa dhowr todobaad. Warqad ayaa laguu soo diri doonaana kuu sheegeysa waxa go'aanku noqday.

Haddii laguu sheego in aad xaq u yeelaty Gunnada Daryeelka Naafada waxad haysataa bill ka bilaabmaysa taariikhda warqada ku qoran inaad racfaan ku qaadato. Si aad u hesho talo racfaan ku dhufo halkan

Haddaad heli kari weydo Gunnada Daryeelka Naafada sababtoo ah inaad faaiido kale qaadato, waxa laga yaabaa weli inaad heli karto Kordhiska Daryeelaha sida faaiidada loo bixiyo. Gunnada Daryeelka Naafada waxa loo bixiyaa laba siyood:

  • lagu bixiyo buuga xafiiska boosta laga sarifto todobaadkasta
  • lagac bixin toos loogu shubo baan/bangi ama xisaabta dhismaha bulshada

Sida loo helo talo xagga dalbashada ah

Maxaa dhaca markay joogsato Gunnada Daryeelka Naafada ama Korodhsiimada Daryeelaha?

Waxa laga yaabaa inaad weydo xuquuqda Gunnada Daryeelka Naafada iyo Korodhsiimada Daryeelka haddii qofka aad daryeeleysaa uu:

  • joojiyo helitaanka Gunnada Nolosha Daryeelka Naafada (Disablity Living Allowance) ama Gunnada Ilaalinta (Attendance Allowance)
  • uu joogto u galo hoyga daryeelka (inkasto aad weli heli karto gunnada daryeelka naafada haddaad sii waddo daryeelkooda ood dhawrto nadaamyada kale
  • hadduu ladnaado oo aanu mar dambi u baahnayn daryeel heerkaasa
  • hadduu geeriyoodo

Gunnada Daryeelka Naafada waxay joogsanaysaa isla markaad joojiso daryeelka.

Waad sii wadan kartaa qaadashada Taageerada Dakhliga ee DSSta (Income Support) sidii daryeele muddo 8 todobaad kadib markay joogsato Gunnada Daryeelka Naafada. Waxad haysan kartaa Kordhsimada Daryeelaha (Carer Premium) oo la socota Gunnada Taageerada Dakhliga muddo 8 todobaada. Caddadka Taageerada Dakhliga eed qaadataa waxa ku kordhaaya caddadkii Gunnada Daryeelka Naafada ka go'ay muddo 8 todobaada.

Laga bilaabo Oktoobar 2002ka waxa la filayaa in sharciyada cusubi ogolaadaan in Gunnada Daryeelka Naafada socon doonto muddo siddeed todobaad ah kadib geerida qofkaaad ilaaliso.

Maxaa xigee dhici doona?

Waxa laga yaabaa inaad ku dalban karto:

  • Taageerada Dhakhliga ah (Income Support) haddii dakhligaagu iyo kaydkaagu ay aad u yar yihiin oo aanad filayn inaad shaqo doonato
  • Gunnada shaqo raadiska (Gunnada Shaqa Raadiyaha) haddaad ka yartay da'ada hawlgabka (60 haweenka, 65 ragga) oo aad shaqo raadis tahay
  • Gunnada Awood La'aanta (Taageeraada Awood La'aanta) haddii aanad markaas shaqayn karin caafimaad darro awgeed ama aad ka yartay da'ada hawlgabka (60 haweenka; 65 ragga) oo aanad shaqayn karin caafimaad xumo awgeed

Waxa jira faaiidooyin kale oo laga yaabo in aad xaq u yeelan karto. Daryeelka Dalka Ingriiska (UK) wuxu ku talinayaa inaad weydiiso wakaaladda la talinta (advice agncy) inay kuu hubiyaan faaiidooyinka aad xaq u leedahay haddii Gunnada Daryeelka Naafada joogsato, ama ay kula tahay in laga yaabo inay dhaqso u joogsanayso.

Jawaabaha su'aalaha Daryeelayaasha Dalka Ingriiska (UK) ay inta badan la soo weydiiyo ee ku saabsan Taageerada Daryeelka Naafada

  • Ninkayga iyo aniguba waxaanu ilaalinaa hooyaday. Labadayaduba ma heli karnaa Gunnada Daryeelka Naafada?
  • Anigu waxaan ilaaliyaa labadayda waalidba. Ma heli kara laba meelood (lots) oo Gunnada Daryeelka Naafada ah?
  • Haddaan dalbado Gunnada Daryeelka Naafada dhaale ahaan wax may u dhimasaa (worse off) qofkaan daryeelo?
  • Waxan haystaa jaalle/saaxiib (partner) iyo caruur. Ma ugu dalban karaa dheeraad?
  • Gunnadayda Hawlgabku ma dhawrmaysaa haddaan helo Gunnada Daryeelka Naafada?
  • Waxay ahayd mar hore inay ii bilaabanto helitaanka Gunnada Daryeelka Naafada laakiin ilaa iyo hadda waxba horey kamaan maqlin. Ma dhici kartaa in lacagtayda taariikh hore laga soo bilaabo?
  • Ma joojin karaa daryeelista muddo ku meel gaadha mana heli karaa weli Gunnada Daryeelka Naafada?
  • Maxaa dhacaya haddii anigoo weli qof daryeela aan gaadho da'ada howlgabka?

Ninkayga iyo aniguba waxannu ilaalina hooyaday. Ma heli karnaa labayaduba Gunnada Daryeelka Naafada?

Maya. Qof keliya ayaa heli kara Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance) qofkii qaata Gunnada Nolosha Naafada (Disablility Living Allowance) ama Gunnada Ilaalinta (Attendance Allowance).

Haddii laba qof ama ka badan wada daryeelaan, waxa u baahantihiin inaa go'aamisaan kiina dalban kara faa'iidada. Tani waxy kaloo ku xidhantay faaiidooyin kale oo aydun qaadataan, cashuurtada dakhliga (Income tax) xaaladeeda, iyo cashuurtaada qaranka siday bixinteedu u taallo.

Waxan ilaaliyaa labadayda waalid. Ma heli karaa laba meelood oo Gunnada Daryeelka Naafada?

Maya. Wuxuun baad heli kartaa mid Gunnada Daryeelka Naafada inkastaba ha noqdeen dadka aad daryeeshaa. Haddaad daryeesho qof wax ka badan waxa loo baahanyey inaad doorato kaad ku dalbanayso faaiidada. Dalbashada Gunnada Daryeelka Naafada waa laga yaabaa inay hoos u dhigto (reduce) caddedka Taageerada Dakhliga (Income Support), Faaiidada Guriyenta (Housing Benefit) ama Faa'iidada Cashuurta Golaha (Council Tax Benefit) (oo loga yaqaan heerka lacag celiska 'rate rebate" Waqooyiga (Northern) Ireland) tan qofka aad daryeeleyso helo. Jawaabta su'aasha hoos ku qoran ayaa kaa caawin karta sidii aad u go'aamin doonto qofka aad ku dalban karto.

Haddaan dalbado Gunnada Daryeelka Naafada dhaqaale ahaan wax may u dhimi kartaa qofka aan daryeelo?

Waa suurto gal. Qofka aad daryeeshaa waa laga yaabaa inuu lacag lumiyo haddii:

  • ay gooni u noolyiin ama ay la noolyiin dad kale oo hela Gunnada Nolosha Naafada (Disability Living Allowance) iyo Gunnada Ilaaliyaha (Attendance Allowance) iyo
  • inay qaataan Taageerada Dakhliga (Income Support), Faaiidada Guriyeynta (Housing Benefit) ama Faa'iidada Cashuurta Goloha (Council Tax Benefit) (oo loga yaqaan Woqooyiga (Northern)Ireland heerka lacag celinta "rate rebate")

Isu geynta Taageerada Dakhliga, Faaiidada Guriyenyta iyo Faa'iidada Cashuurta Goloha yaa laga yaabaa inay ku jirto in cadded loo yaqaan Korodhsiimada Naafada Daran (Severe Disability Premium). Tan waxa ku jiray faaiido la isugu xisaabiyey dadka gooni u nool, ama la nool dad ku soo baxa qoraal cayiman (specific list). (Waxa ku jira dad si daran u naafoobay (severely disabled people) ama ka yar 18). Haddaad ku dalbato Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance) ilaalintooda, waxa laga yaabaa inay ka go'odo kor socodkani.

Haddii qofku aanu midna qaadan faaiidooyinka kor ku taxan, ma jiraan wax lacaga oo ka lumayaa haddaad qaadato Gunnada Daryeelka Naafada.

Haddaan haysto saaxiib/jaalle (partner) iyo caruur. Ma ku dalban karaa dheeraad dariiqa Gunnada Daryeelka Naafada?

Haa, xaaladaha qaarkood. Caddedka laga yaabo inaad heshaa waxay ku xidhanytay dakhliga soo gala saaxiibkaa. Macluumadka (claim pack) lagu dalbado Gunnada Daryeelka Naafada ayaa ka heleysaa faahfaahin.

Ma dhawrmayaa gunnadayda hawlgabka haddaan helo Gunnada Daryeelka Naafada?

Caddedka Gunnada Hawlgabka Dawladdu wuxu ku xidhanyahay qaybta aad u bixiso cashuurta cymiska qaranka.

Badanaaba daryeelayaasha qaata Gunnada Daryeelka Naafada waxa laga bixiyaa Caymiska Qaranka todobaadkii marka faaiidada la bixiyo - tani waxay dhawraysaa xuquuda ay u leeyihiin Gunnada Hawlgabka Dawladda iyo faaiidooyinka kale. Waxa ka reebban haweenka la qabo ee doortay inay bixiyaan cashuurta cymiska qaranka oo la dhimay iyagoo isku hallaynaya qaybta raggoodu u bixiyaan hawlgabka.

Waxad kalood isticmaali kartaa Deynta Cashuurta Qaranka oo la bixiyo markaad hesho Gunnada Daryeelka Naafada oo kaa caawinaya inaad ku dalbato Gunnada Shaqo Raadiska (ku xidh) iyo faaiidada awood la'aanta (Incapacity Benefit) (ku xidh - link). Mashruuc cusub oo dheeraada oo ku saabsan gunnada hawlgabka, oo loo yaqaan Gunnada Labaad ee Howlgabka Dawladda (Second State Pension), ayaa lasoo bandhigi doonaa laga bilaabo Abril 2003ka. Helitaanka Gunnada Daryeelka Naafada waxay kaa caawinaysaa inaad xaq u yeelato gunnada howlgabka dawladda dheeradka ah (additional state pension) markaad shaqada ka fadhiisato.

Waxay ahayd in wakhti hore aan helo Gunnada Daryeelka Naafada laakiin ilaa iyo hadda ka hor ma maqlin. Ma heli karaa lacagtaa oo wakhti hore lagaga soo qabto?

Haa. Waad heli kartaa Gunnada Daryeelka Naafada seddex bilood ka hor intaanad dalban. Waa inaad buuxisaa shuruudaha Gunnada Daryeelka Naafada muddada aad dalbanayso.

Ma heli doonti faaiido buuxda haddaad qaadanaysay faaiidooyinka qaarkood muddadaa dalbashada (ku xidhiidh qaynuunka faaiidada isku labanlaabanta "overlapping") ama saaxiibkaa hore kuu dalbaday sida qof mas'uul ka yahay (dependant's allowance) inay ka faa'iidaan darteed. Arrimuu markay sidaa yihiin, waxaad heli doonta waxa u dhexeeya faaiidada lagu siiyo iyo caddedka Gunnada Daryeelka Naafada aad leedahay.

Haddaad qaatado Taageerada Dhakhliga(Income Support) waxa keliya ood heli kartaa lacag wakhti hore lagaga soo qabtay oo u dhiganta mid le'eg Kordhsiimada Daryeelka (Carer Premium). Wixii Faaiido Guriyen ah ama Cashuurta Faaiidada Goloha (oo looga yaqaan Woqooyiga (Northern) Ireland heerka lacag celinta "rate rebate") dibaa loogu xisaabinayaa si ay u tusto xaaladdada cusub ee daryeele ahaan.

Si taariikhda dalbashada dib loogu celiyo, doon qaybta foomka (form) dalabku halkuu ku weydiinayo taariikhda faaiidada aad ku dalbanayso. Qor taariikhda markii ugu horesey eed xaq u yeelatay Gunnada Daryeelka Naafada Invalid Care Allowance).

Si meel gaadha ma u joojin karaa anoo weli qaadan kara Gunnada Daryeelka Naafada?

Wakhtiyada qoorkood waad heli kartaa. Nadaamku aadbuu u adagyey sidaa darteed waxannu kuu soo jeedinaynaa inaad u sheegtid Qaybta (Unit) ICA (ku dhufo halkan si aad u hesho meesha lagala xiriiro) markaana way kuu sheegi doonaan waxa ku dhici doona faaiidadaada.

Waa laga yaabaa inay ku caawiso haddaad akhrido kuwa soo socda:

  • Haddaad fasax qaadanayso - sidee baad u wadan kartaa inaad hesho faaiidada
  • Haddaad isbitaal geleyso - sidee baad u wadan kartaa inaad hesho faaiidada
  • Haddaad qaadanayso nasasho lacag la'aana

Haddaad fasax tegeyso: mar haddaad qaadanaysey Gunnada daryeelka Naafada muddo 22 todobaada waxad qaadan kartaa afar todobaad oo nasasha ah lixdii biloodba laguna siinayo faaiidadii muddaas nasashada ah. Muddadaa 22 todobaada waxa ku jiri kara ilaa siddeed todobaad oo marka adiga iyo/ama qofka aad daryeeleysaaba isbitaal ku jirtaan.

Waxa laga yaabaa inaad heli kartid afarta todobaad ee nasashada ka hore 22 todobaad haaddaad muujiso inaad xaq u leedahay Gunnada Daryeelka Naafada intaanad helin ka hore.

Afarta todobaad ee nasashada ah waxad u isticmaali kartaa sidaad doonto. Waad bixi kartaa ama joogi karta guriga inta qofka aad daryeesho qof kale ilaalinaayo.

Haddaad geleyso isbitaal: haddii adiga ama qofka aad daryeeshaa gelayo isbitaal weli Gunnada Daryeelka Naafda waad heli kartaa haddii:

  • tirada todobaadyada aanad daryeelayn aanay ka badnayn 12 todobaad muddo lixdii bilood oo kasta iyo
  • qofkaad daryeesha qaadanayo Gunnada Nolosha Naafada (Disability Living Allowance) ama Gunnada Ilaalinta (Attendance Allowance).

Qaadasho nasasho aan lacag lahayn: kol haddaad qaadanaysey Gunnada Daryeelka Naafada muddo 22 todobaada ah waxad si ku meel gaadh ah u heli kartaa nasasho lacag la'aan ah marka aanad qaadanayn Gunnada Daryeelka Naafada haddii aanad sameyn daryeel buuxa todobaad kasta. Waxa laga yaabaa inay tani kuu sahlan tahay haddii:

  • qofkaad daryeeleyso qof kale ilaalinayo (tusaalo ahaan hoyga dejinta, hoyga xanaanada, dugsi lagu xeroodo)
  • aad dooneyso ka badan afar-todobaad oo nasashada ah
  • aad dooneyso inaad la qaybsato qof kale daryeelka.

Maxaa dhici kara haddii intaan qof daryeelayo aan gaadho da'ada hawlgabka?

Haddii Gunnadaada Howlgabku Dawladdu ka badan yahay (State Retirement Pension) tan Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance) waad joojin doontaa qaadashada Gunnada Daryeelka Naafada. Waxase laga yaabaa inaad weli heli karto Kordhiska Daryeelaha haddii aanad heli karin Gunnada Howlgabka, ama Gunnada Howlgabku ay hoosayso sababtoo ah kamaad qayb qaadan Bixinta Cashuurta Qaranka

(National Insurance contributions) waad wadan kartaa inaad hesho Gunnada Daryeelka Naafada markaad gaadho 65 jir. Hase yeeshee, Gunnadaada Daryeelka Naafada waxay u noqonaysaa (reduced) caddedka Gunnada Howlgabka (retirement pension) aad ku qaadato. Weli waad heli kartaa faaiidada xataa haddaad joojiso daryeelista iyo xataa haddaad shaqayso oo aad hesho mid ka badan tan Gunnada Daryeelka Naafada dakhliga u xaddidan. Iyada naftigeeda ayaa noqota gunnada howlgabka.

Wax ka bedelka qaanuunku waxa la filayaa (due) Oktoobar 2002ka taa ayaa kuu ogolaan doonta inaad dalbato Gunnada Daryeelka Naafada wakhtigii ugu horeysey haddaad dhaaftay 65 jir. Isbedelyadan qaanuunku waxa la arkaa in looga baahan yahay dadka gaadhay da'ada howlgabka taariikhda isbedelka ka dib ay dhamaystiraan shuruudaha qaanuuka Gunnada Daryeelka Naafada si ay u helaan lacag.

Ma heli kartaa Korodhsiimada Daryeelaha?

Kordhsiimada Daryeelaha ma aha faaiido laakiinse waa caddad lacaga oo dheerada ah oo ku jirta isugeynta Taageerada Dakhliga (Income Support), Gunnada Shaqo Raadisayaasha ee ku salaysan Taageerada Dakhliga (Income-based Job seekers' Allowance), Faaiidada Guriyenta (Housing Benefit) iyo Cashuurta faaiidada Golaha (Council Tax Benefit) (oo looga yaqaan Wooyiga (Northern) Ireland lacag celinta kirada "Rent Rebate").

Waxad u baahnaan doontaa inaad dalbato Gunnada Daryeelka Naafada si aad u hesho Korodhsiimada Daryeelaha (Carer Premium). Waa inaad buuxisaa dhammaan shuruudaha qaanuunka oo ay ka reebbantay shuruudaha faaiidada isku labanlaabanta (overlapping). Ugu horayn hubi inaad xaq u leedahay Gunnada Daryeelka Naafada.

Haddii dalabkaagii Gunnada Daryeelka Naafada uu najaxo

Haddaad si habaysan u dalbatay Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance), aad heshana Taageerada Dakhliga (Income Support) ama gunnada Shaqo Raadisayaasha ee ku salaysan taageereada dakhliga (Income-based Job Seeker' Allowance), waa inaad u heshaa Korodhsiimada Daryeelka (Carer Premium) si toosa. Haddaan laguugu darin Korodhsiimada Daryeelaha (Carer Premium) tan Taageerada Dakhliga (Income Support) ah muddo laba todobaada oo aad ku hesho go'aanka ku saabsan faaiidada, gaadhsii warqada laguugu soo ogolaaday dalabka faaiidada Wakaalada Faaiidada ee Degaankaaga (local Benefit Agency) waxaanad weydiisa in lagu siiyo Korodhsiimo Daryeele.

Haddaad si habaysan u dalbatay Gunnada Daryeelka Naafada oo aanad qaadan Taageero Dakhli ah waxa laga yaabaa inaad weli xaq u leedahay Taageero Dakhliga ah iyo Korodsiimada Daryeelka. Fadlan la xidhiidh Rugta Latalinta Dadweynaha (Citizens Advice Bureau), ururka naafada ama Xidhiidhka Daryeelayaasha (Carers Line) hadday kuugo muuqato suurakal - way istaahishaa inaad sidan samayso laga yaabee inaad lacag dheeraada ku hesho.

Haddii laguu diido Gunnada Daryeelka Naafada sababtoo ah qaanuunka faaiidada isku labanlaabnta

Waxa laga yaabaa inaad hesho Korodhsiimada Daryeelaha haddaad haysato 'xuquuq ahmiyad gaara leh' (underlying entitlemet) oo aad ku leedahay Guunada Daryeelka Naafada. Xuquuqda ahmiyad gaara leh waxa looga jeeda inaad heli Gunnada Daryeelka Naafada laakiin aad hore u qaadan jirtay mid ka mida faaiidooyinka soo socda (ee loo yaqaan faaiidada isku labanlaabanta "overlapping"):

  • Faaiidada Awood La'aanta
  • Lacagta Bixinta Sharciyeysan ee Bukaanka
  • Gunnada Howlgabka Dawladda
  • Gunnada Agoonta
  • Gunnada Haweenka Uurka leh
  • Lacag bixinta Sharciyeysan ee Haweenka Uurka leh
  • Gunnada Naafada Daran
  • Bixinta Gunndana ku salaysan Shaqo Raadiska

Fadlan la xidhiidh Rugta Latalinta Dadwenaha (Citizens' Advice Bureau), ururka naafada ama Qaybta Daryeelayaasha si aad u ogaato haddii laga yaabo inay suurto gal tahay - way istaahishaa inaad sidan sameyso laga yaabee inaad lacag dheerada ku hesho.

Haddaad qaadato Korodhsiimada Daryeelaha, oo aad horena u qaadanaysay Faaiidada Guriyeynta iyo/ama Faaiidada Cashuurta Golaha (oo looga yaqaan Woqooyiga (Northern) Ireland Heerka lacag Celinta "Rate Rebate")

Haddaad qaadato Korodhsiimada Daryeelaha (Carer Premium) oo aad horena u qaadanaysay Faaiidada Guriyeynta (Housing Benefit) iyo/ama faaiidada Cashuurta Golaha (Council Tax Benefit) (oo looga yaqaan Woqooyiga (Northern) Ireland Heerka lacag Celinta "Rate Rebate"), la socodsii xafiiska faaiido/yinga qaabilsan in lagu siiyey Gunnada Daryeelka Naafada ama yasato ahmiyad aad xaq u leedahay. Dib ayay markaas u eegi doonaan faaiidada iyagoo tan u fiirsan doona.

This document was provided by Carers UK