multikulti

Gunada daryeelaha caadiga ah iyo ta sare

Macluumaadka bogaganu waa tusin oo keliya, mana’aha go’aan xeer xadidan oo sharci ah.

Macluumaadku waxay saxanyihiin April 03.

Gunada dayeelaha caadiga ah (CA) waa kaalmada dawlada ee daryeelayaasha. Ka hor April 2003 waxa la dhihi jiray gunada daryeelayaasha ee dadban (invalid care allowance)

(the carer premium) gunadan sare ee daryeeluhu ma’aha ‘benefit’, laakiin waa xisaab dheeraada oo loogu talo galay daryeelayaasha oo lagu xisaabiyo kaalmooyinka hubinta u qalanka (means-tested benefits).

Bogaganu waxay daboolayaan shuruudaha inaad buuxiso ay tahay tan CA –ga ah iyo gunadan sareba.

Digniin: marmar dalbashadaada CA –gu waxay dhimaysaa kaalmada (dawladu) siiyo qofka aad daryeelaysid. Hadii shaki kaaga jiro qaybta CA –ga iyo kaalmooyinka kale iyo CA & Gunada Naafada aad u xun, ee hoos ku qoran, ama raadso talo dheeraada.

Gunada daryeelaha caadiga ah (Carer’s Allowance (CA))

Waa intee CA –gu?

CA –gu waxa la bixiyaa xadka asaasiga ah ee £43.15 wiigii.

Waxa dheeraad ah oo aad lamaanahaaga (partner) u heli kartaa £25.80 wiigii. Dheeraadkaa lamaanahaaga u heli maysid hadii uu qaato kaalmooyinka kale (ee qaybta; ha qaadanin liiskan kaalmooyinka kale ah , hoos ku qoran). Ama ka qaato in ka badan £25.80 oo dakhli kale ah (marka gunooyinka laga jaro) ama gunooyinka shaqo ka fadhiisi ama ka gaarka u ah.

Hadii aad dalbatay CA ka hor 6 April 2003, waxaad heli kartaa dheeraad caruurta ku xidhan. Dheeraadku waxa weeye £9.55 ilmaha ugu weyn caruurta ku xidhan iyo £11.35 midkiiba imla kastoo kale. Ma qaadan kartid dheeraadka hadii aad leedahy lamaane (partner) qaata dakhli ka badan xadka. Inaad u heshid dheeraadka ilmahaaga koowaad waa inuu lamaanahaagu qaataa £160 iyo in ka yar wiigii (marka gunooyinka laga jaro). £20 kastoo dheeraada oo soo gala lamaanahaaga waxa go’aaya dheeraadka ilmaha ugu yar.

Hadii aad dalbatay CA –ga ka dib ama 6 April 2003, ma helaysid dheeraadka ilmaha kugu xidhan.

Wiig kasta oo qaadato CA –ga, waxa helaysaa caymis celiska qaran. Tani waxay kuu xifdinaysaa inta aad helaysid gunada shaqo fadhi, (gunada) shaqo fadhi ee 2aad, kaalmada bukaanka iyo gunada shaqo raadsiga. Waxa kale oo xifdiyaysaa kaalmada murogo-saarka (janaasada, IWM).

CA-gu waa la cashuuraa.

Keebaa qaadan kara CA-ga?

Waxaa heli kartaa CA –ga hadii aad tahay:

  • Mid ilaaliya qof qaata kaalmo cayiman oo naafada ah;
  • Inaad ilaaliso qofkaas ugu yaraan 35 saacadood wiigii;
  • Aad tahay ama ka weyntahay 16 jir;
  • Aanad waxbarasho buuxda (full time) digan;
  • Ay ku soo gasho £77 iyo in ka yar;
  • Aanay kaasoo gelin dheeraad kaalmooyinka mid;
  • Aad buuxiso shuruurada joogitaanka UK.

Mid kasta oo ka mida qodobadan hoos baa lagu sharaxayaa isagoo faahfaahsan.

Hadii qofka aad daryeeshidi dhinto waxa aad qaadan kartaa CA –ga ilaa 8 wiig. Waa inaad buuxisaa shuruudahaas kor ku qoran, marka laga reebo kuwa la xidhiidha kaalmooyinta qofka aad daryeelaysid iyo daryeelida.

.

kaalmada naafada ee cayiman (The specified disability benefits)

qofka aad daryeelaysidi waa inuu qaato:

  • Gunada imashada (attendance allowance); ama
  • Gunada ku noolanshaha naafada (disability living allowance), loo siiyo xadka dhexe ama sare ee daryeelka gaar ah.
  • Ugu yaraan £46.80 wiigii gunada imashada oo joogta ah oo lagu daro gunada shaqo ka fadhiisi ee dagaalka, ama gunada kaalmada shaqo ka naafoowga (war pension or industrial disablement benefit).

Daryeelista qof 35 saacadood wiigii

Waa inaad daryeeshid qof 35 wiigii – iskuma dari kartid inta aad daryeeshid laba qof iyo in ka badan.

Waxa aad qaadan kartaa CA keli ah, intii dad ah ee aad doontid aad daryeeshide. Sidoo kale daryeele keli ah ayaa ku dalban kara CA –ga qofka naafada ah – hadii ay jiraan daryeelayaal badani waa inay ku heshiiyaan kii dalban lahaa CA ga.

Waa inaad daryeesho qof 35 saacadood wiig kasta oo aad dalbatid (laakiin eeg qaybta bireegyada daryeelista, ee hoos ku qoran). Hadii waqtiga aad ku lumisid daryeelistu ay kala badantahay ma samayn kartid celcelis. Wiiga CA wuxuu bilaabmaa bilowga Axada wuxuu ku eegyahay dhamaadka sabtida.

Daryeelistu waxay noqon kartaa caawimada jidh ahaaneed iyo dusha ka eegista qof aad daryeelaysid. Wixii caawimo ah ee ka geesato qofka aad daryeelaysidba waa inay suuro geliyaan u xaqyeelashada. Waxa ka mid noqon kara cunto kariska, wax soo iibiska iyo shaqada guriga.hadii aad ku dalbanaysid qof had iyo jeer ku soo booqda waxa laga yaabaa waqti aad u diyaar garoobaysid booqashadaa ama nadaafada marka danbe in lagu daro xiliga daryeelista.

Kala go’a (xiliga) daryeelista

Marka aad heshid CA ga 14 wiig, waxa lagu siinayaa 12 wiig hadii aad u joojisid cisbitaal aad gashay awgii.

Hadii qofka aad daryeeshid uu galo cisbitaal, waxa aad qaadan kartaa 12 wiig CA ga ama inta kaalmada naafada ah ee la siiyo ay istaagayso. Waxa ay istaagaysaa kadib:

  • 4 wiig marka cisbitaalada qaranka ku jiraan, hadii qofka aad daryeesho uu yahay 16 jir ama ka weyn.
  • 12 wiig marka cisbitaalada qaranka ku jiraan, hadii qofka aad daryeesho uu ka yaryahay 16.

Sida kale marka lagu siiyo CA-ga 22ka wiig waxa aad qaadan kartaa bireeg ah ilaa 4wiig 26kii wiigba.

CA ga lama bixinayo hadii totalka bireegu (cisbitaalka ama sabab kale) ay isku noqdaan in kabadan 12 wiig 26 wiigba.

16 jir ama ka weyn

lagu siin maayo ilaa sanadguurada dhalashadaada ee 16 la gaadho. Dalbashada waxa hore loo soo dhigi karaa ilaa 3 bilood, markaa waxa qadimi kartaa dalabkaaga marka aad jirtid 15 sano iyo 9 bilood.

Shuruudaha dadka ka weyn 65 jir

ilaa 28 Oktobar 2002 kii, maad samayn karayn dalab cusub oo CA ah (markaa waxa la dhihi jiray ‘ invalid care allowance’) hadii aad ka weyntahay 65 jir. Hada dadka ka weyn 65 way dalban karaan, laakiin intooda badani heli maayaan. Hasa yeeshee, qadimista dalabku wuxuu kuu suuro gelinayaa inaad in badan ka heshid kaalmooyinka kale ee dakhliga ku xidhan. – eeg qaybaha: Ha qaadanin dheeraad liiskan kaalmooyinka kale ah iyo Gunada daryeelaha sare, ee hoos ku qoran.

Hadii aad labadiinuba ka weynaydeen 65 sono aanad qaadanayseen CA ga intii ka horeeysay 28 Oktobar 2002, waa sii qaadan kartaa CA ga xataa hadii aad xadka dakhliga ka badsataan, ama waa joojin kartaan daryeelka qofka naafada ah. Hadii kale waa inaad buuxisaan shuruuda CA ga si la idiin siiyo.

Waxa jira sharci khaas ah oo khuseeya dumarka gaadhey 65 intii ka horaysey 28 Oktobar 1994 kii. Taariikhdan ka hor ma suuro geleen dumarka 60 ka ah ama ka weyn inay dalbadaan gunada daryeelka caadiga ah (sharcigan waa la bedelay waayo dumarka ayey takoortay). Hadii aad shuruuda CA ga buuxisay intii ka horaysey 28 Oktobar 1994 kii, laakiin aad jirtay 60 ilaa 65 dib ayaad u dalban kartaa hadda. Hadii aanad hubin raadso talo dheeraada.

Kuma jiro waxbarasho buuxda (full-time)

Ma qaadan kartid CA ga hadii aad ku jirtid waxbarasho buuxda. Koorasku waa buuxaa hadii aad baratid 21 saacadood iyo in ka badan.

Xiliga aad ku lumisay waxbarasho hagid wadata ayuun baa la xisaabinayaa. Waxbarashada hagniinka waxa kujira shaqada koorsada, shaqada koorsada oo guriga kaga shaqaysid. Nususaacyada laguma xisaabiyo waqtiga aad ku lumisay koorsada.

Saacadaha koorsada lagu xisaabiyaa xiliga waxbarashada (teemka). Ma qaadan kartid CA ga xiliga aad ku jirtid fasaxa hadii koorsadu 21 saacadood wiigii iyo in ka badan teemkii tahay. CA ga lagu siinmaayo xiliga ku meel gaadhka ah ee waxbarashada ka maqantahay hadii aad ku talo gashay inaad ku noqoto.

Haku soo gasho £77 iyo in ka yar

Hadii ay ku soo gasho shaqo lacag lagu siiyo hadii ay ka badantahay £77 wiigi, ma qaadan kartid CA ga. Xadka gelista waa la kordhiyaa sanad kasta Abriil.

Marka la xisaabinayo dakhligaaga wiigii, waxyaalahan waa laga jaraa dakhligaaga guud:

  • cashuurta dakhliga (income tax);
  • caymiska qaran (national insurance);
  • kala badh gunada aad ku dartid qorshaha shaqo ka fadhiisi (pension).

Hadii aad ku bixiso dakhligaaga qofka aad daryeelaysid, ama ilme ka yar 16 jir, kharashkan waa laga jarayaa ilaa inta ku siman dakhligaaga badh marka cashuurta laga reebo, sidoo kale caymiska qaranka, guno bixinta shaqo ka fadhiisi waa laga reebayaa. Kharashyadan laga jari maayo hadii ay kaaga baxdo qof aad kuugu dhow, sida waalidka, inanka, innanta, walaalka iyo walaasha.

Hadii dakhligaagu marba in yahay, celceliska dakhligaaga ayaa la xisaabiyaa. Hadii dakhligaagu xili la garan karo marba in noqdo (sida sanad dugsiyeedka, ama xili joogta ah oo is bedela), isku celcelis ayaa la sameeyaa mudadaas oo dhan. Hadii kale isku celcelis ayaa la sameeyaa muddo 5 wiig, ama muddo ka badan oo tilmaami karta isku celcelis sax noqon kara.

Dakhliga kaa soo gala iskaa u shaqaysi waxa loo xisaabiyaa sidii sanadkii hore. Hadii aad dhowaan iskaa u shaqaysatay, ama dakhligaagu is bedelay dhowaan, muddo yar baa la isticmaalaa.

Ha qaadan dheeraad liiskan kaalmooyinka kale ah

Ma qaadan kartid CA ga hadii aad dheeraad ka qaadatid kaalmooyinkan soo socda:

  • gunada shaqo ka fadhiisiga ee qaranka (state retirement pension);
  • kaalmada bukaanka (incapacity benefit);
  • gunada umusha (maternity allowance);
  • kaalmada murugada ama groobka (bereavement or widow’s benefits);
  • gunada naafada aad u xun (severe disablement allowance).
  • Gunada shaqo raadsi ee wax laga bixiyo (contribution-based jobseeker’s allowance);

Tan waxa loo yaqaanaa ‘’kaalmooyinka is dul saaran” .

Hadii in yar ka qaadatid kaalmooyinkaa kor ku qoran, waxa laga buuxinyaa inta ka dhiman CA –ga wiigii. Wixii dakhli da’ la xidhiidha waxa laga bixiyaa CA ga.

Hadii lamaanahaagu (partner) uu kuu qaado dheeraad ay la socoto kaalmooyinku mid ka mida waxbay yeelaysaa hadii aad qaadato CA ga. Wixii CA ga qaadato waxa laga jarayaa dheeraadka hadii CA –gu ka badanyahay ama la midyahay dheeraadka, lama bixiyo dheeraadkaa.

Hadii waxa iska kaa hortaagayaa qaadashada CA –ga ay tahay nidaamka is dul saarnaanta labada kaalmood, waa in laguu ictiraafaa daryeelka kaalmada hubinta u qalanka (means- tested benefit). Gunada sare daryeel (carer premium) ayaa laguugu darayaa xisaabta kaalmooyinka. eeg qaybta gunada daryeelka ee sare.

Hadii aad ka qaadan karto lacag leeg CA –ga iyo gunada naafada aad u xun, CA –gu had iyo jeer waa la bixiyaa. Si kasta ha ahaatee waad waydiisan kartaa gunada naafada aad u xun – waxa aad tan samayn kartaa si aad u joojiso in qofka aad daryeelayso laga dhimo kaalmooyinka, eeg qaybta CA –ga iyo naafada aad u xun.

Joogista iyo degenaashaha UK

Ma qaadan kartid CA –ga hadii aanad joogin UK 26 wiig ee 52 wiig ugu danbeeyey. Dadka waxa laga soo qaado inay joogeen UK, in kastoo ay dalka debediisa ku maqnaayeen – waxa ka mida xubnaha ciidanka qalabka sida, qaar ka mida muwaadiniinta yurub.

Had iyo jeer laguuma ogala CA –ga hadii xanibaadi kaa haysato joogitaankaaga UK – tusaale, hadii aan laguu ogolayn inaad shaqayso ama wax ka codsato sanduuqa qaranka. Dadka qaar way dalban karaan CA –ga in kastoo xanibaadi ka haysato joogitaankooda. Hadii aanad hubin in sharcigu (joogistaada) kaa mamnuucayso helista CA –ga, raadso talo dheeraada.

Waad heli kartaa CA –ga adoo wadanka debeda uga maqan

  • 26 wiig hadii qof aad daryeelayso debeda u raacdo, aanay qaadanayaan kaalmadii naafada, ujeedadaada ugu ween eed u tagtayna tahay inaad daryeeshid;
  • 4 wiig wixii sababo kale ah.

Dalbashada CA –ga

Ku dalbo CA –ga foomka DS700. waydii foomka xarunta deegaankaaga ‘local social security office’ ama rugta shaqaqda ‘Jobcentre’, ama telifoon u dir qaybta shaqada iyo gunda hawlgabka ‘Department of Work and Pensions’ khadka adeega daryeelayaasha iyo dadka naafada ah: 0800 882200 (0800 220674 in Northern Ireland). Foomka waxa laga soo dejisan karaa internedka www.dwp.gov.uk – noocan laguma isticmaali karo waqooyiga Ireland.

Dalbashada dib ayaa laga soo bilaabi karaa ilaa 3 bilood hadii aad buuxisay shuruudii aad xaq ugu yeelan lahayd waqtigaas.

CA-ga lama bixinayo ilaa qofkii aad daryeelaysay la siiyo kaalmo naafo. Marmar go’aan dalbashada CA-ga waxa la gaadhaa ka hor go’aanka naafada, kadibna waa laguu diidaa. Hadii tani kugu dhacdo dib u dalbo 3 bilood gudohood marka gunada naafada la ogolaaday. Dalbashada CA –ga dib ayaa laguu celinayaa markii ugu horaysey ee dalbatay, ama markii kaalmada naafada la ogolaaday marba kii danbeeyey.

Xarunta shaqada (Job centre plus)

Nidaam cusub oo lagu codsado CA-ga ah ayaa la soo saaray. Daryeelayaasha intooda badan waxa laga rabaa inay tagaan xarunta shaqada ‘job centre plus’ ‘waraysi ku waajahan shaqo awgii’. Nidaamkan waxa loo soo saaray si sii kordhis leh – meela kamida UK waxa khasab ah in waraysigaa timaado, meela kalena waxay hirgelayaan sanadaha soo socda.

Dadka qaarkood ee loo baahnayn inay yimaadaan waraysiga waxa kamida:

  • wixii 60 jir ka weyn
  • ka dhowaan u yeeshay waraysi kaalmo kale;
  • qofka shaqeeya in kabadan 16 saacadood wiigii, isagoon qaadan kaalmo dakhliga ah (income support).

Waraysiga shaqo ku waajahan waxa lala yeelanayaa taliye ka tirsan xarunta shaqada, kaasoo kula gorfayn doona mustaqbalka shaqadaada. Taliyehu wuxuu kaa caawin karaa helista shaqo ama tababar ku caawin kara. Qasab ma’aha in shaqo laguu fidiyey aqbasho ama talo yeesho. Si kasta ha ahaatee, waa inaad la macaamishaa taliyeha, aanad keentaa tafaashiisha waxbarashadaada iyo shaqooyinkii aad soo qabatay. Hadii aad diidid inaad timaadid waraysiga ama la macaamishid taliyaha waxa la diidi karaa dalabkaaga.

Gunada sare ee daryeelaha (carer premium)

Waa maxay gunada sare ee daryeelahu

Gunada sare ee daryeeluhu ma’aha kaalmo. Waa guno dheeraad ah oo loo isticmaalo hubinta u qalanka kaalmooyinka. Waxa loo isticmaalaa xisaabinta:

  • kaalmada dakhliga (income support);
  • damaanad qaadka dakhliga ugu yar (kaalmo dakhli oo dadka 60 ka weyn);
  • guno celis shaqo ka fadhiisi (pension credit) ee bedeli doona ‘damaanad qaadka dakhliga ugu yar’ laga bilaabo Oktobar 2003.
  • Gunada dakhliga ku xidhan ee shaqo raadsi;
  • Kaalmada kirada; iyo
  • Cashuurta konsulka (rate rebate in Northern Ireland).

Kaalmooyinkan oo dhan inta aad qaadanaysid way kala duwanyihiin (iyagoo ku xidhan) dakhligaaga iyo kaydkaaga.

Kaalmooyinka waxa loo xisaabiyaa iyada oo loo eegayo dakhligaaga gunooyin xadidan. Hadii dakhligaagu ka yaryahay gunooyinka, waxa lagu siinayaa inta dakhligaaga ka dhiman (income support), guno ku xidhan dakhligaaga oo shaqo raadsi, ama inta ugu yar ee dakhliga la damaanad qaado. Kaalmada kirada iyo cashuurta konsulka hadii ay ka yaryihiin gunooyinka waxa lagu siinayaa inta ugu badan ee aad xaq u yeelan karto; hadii uu dakhligu badanyahay, kaalmooyinka si - marba in ka dhima ah- ayaa lagaa jarayaa.

Waxa aad helaysaa gunada sare hadii lamaanahaagu (partner) (hadii aad mid leedahay):

  • qaato CA -ga; ama
  • uu helayo CA -ga, laakiin uu qaato kaalmo kale oo daboolaysa.

Gunada sare waa £25.10 wiigii. Daryeelaha kelida ahi wuxuu qaataa guno sare oo keli ah; lamaanayaashu waxay qaataan mid kastaba oo buuxiya shuruuda guno sare.

Hadii aad ujeedo u joojisay daryeelista, gunadaada sare way kuu soconaysaa iyadoo lagu dari karo gunooyinkaaga ilaa 8 wiig.

Ibedelka ay samayso Hantidu

Ma qaadan kartid kaalmada dakhliga ama gunada dakhliga ku xidhan ee shaqo raadsiga ah hadii kaydkaagu(saving-ku) ka sareeyo £8,000; inta aad qaadato waa la dhimayaa hadii kaydkaagu gaadhayo £3,000.

Ma qaadan kartid hadii kaydkaagu ka badanyahay £12,000 inta ugu yar ee dakhliga la damaanad qaado; inta aad qaadato hoos baa loo dhimayaa hadii kaydkaagu gaadsanyahay £6,000.

Ma qaadan kartid kaalmada kirada iyo cashuurta konsulka hadii kaydkaagu ka badanyahay £16,000.inta aad qaadanayso waa la dhimayaa hadii kaydkaagu gaadhsanyahay £3,000; ama £6000 hadii aad tahay 60 jir ama

ka weyntahay.

Gunada shaqo ka fadhiisi (pension) ma leh xad sare. Hantida gaadsan £6000 waxbaa laga jari karaa laakiin waa in ka hoosaysa inta laga qaado inta ugu yar ee dakhliga la damaanad qaado.

Kaalmooyinka hubinta u qalanka (means-tested benefits)

Ka dalbo kaalmada dakhliga iyo gunda shaqo raadiska xafiiska ilaalinta bulshada ee deegaankaaga ( local social security office).

Ka dalbo kaalmada kirada iyo cashuurta konsulka deegaankaaga.

Dalbo inta ugu yar ee dakhliga la damaanad qaado (minimum income guarantee) adoo telifoon u diraya ‘the Pensions Service helpline on 0800 028 1111’.

CA –ga & Gunada sare ee naafada aad u xun (Severe Disability Premium)

Gunda sare ee naafada aad uxumi waa guno lagu dari karo xisaabinta kaalmooyinka hubinta u qalanka (means-tested benefit(s)) qofka aad daryeelaysid. Qofka aad daryeelaysidi ma qaadan karo gunada sare ee aad u xun, hadii adigu aad qaadatid CA –ga. Gunada sare waxay noqotaa £42.95 qofka keli ah, ama qofkasta oo lamaane ka mid ah oo xaq u yeesha.

Gunade sare ee naafada aad u xumi waxa la siiyaa dadka qaata gunda imashada (attendance allowance) ama xadka sare ama dhexe ee gunada ku noolaanshaha naafada (disability living allowance). Waa in ay keli noolaadaan ama la noolaadaan dadka:

  • qaata gunada imashada (receive attendance allowance); ama
  • ay kuwa ka yar 18 jir; ama
  • ay shaqaysiiyaan urur samo fal oo daryeela kharashna ku qaata adeegaas; ama
  • ay yihiin kireeyaasha (gurigooda) aanay ahayn qaraabadooda dhow;
  • ay yihiin kuwa ho’yga yar ama xarunta ay ku xaraysanyihiin leh, aanay ahayn qaraabo dhow;
  • ay yihiin kuwo wada leh meesha ay ku jiraan ama ay yihiin kuwo wada kiraystay, aanay ahayn qaraabo dhow.

Reerka kireeyaasha, wada galayaasha, wada la haanshaha, wada kireestayaasha waxba uma dhibaan gunada sare, hadii heshiiska la wada galay:

  • intii ka horaysay 11 Abriil 1988, ama
  • uu marka qofka naafadi soo gelayey (hoygaa ama lamaanihiisu) ama ka hor (ay heshiiska wada saxeexeen).

Qaraabada dhow ee ujeedadanu waxa weeye lamaanaha (partner), ama waalidka, waalidka xididka, inanka, inanka xididka, inanta (aad dhashay), inanta xididka, waalidka (aayada ama ninka hooyadaa qaba), inanka ama inanta qofka aad u dhaxday dhalay, walaalka, walaasha, ama lamaanaha qofkasta oo aynu soo sheegnay.

Gunada naafada waxa keli ah oo la joojaa marka CA -ga la bixiyo. Inaad u xaq leedahay CA ga kaama mamnuucayso helida gunada sare ( premium). Sababtaa daraadeed, daryeelaha aan la siin CA ga kaalmo kale oo ay isku dhaceen awgeed, wuxuu qaadan karaa gunada dayeelaha ee sare marka la xisaabinayo kaalmooyinka hubinta u qalanka, iyadoo gunadaa naafada aad u xumi waxba iska bedelayn.

Wixii macluumaad dheeraad ah la xidhiidh, CarersLine on 0808 808 7777 waydiina macluumaadka gunada caadiga ah ee daryeelaha iyo gunada sare ee naafada aad u xun.

www.multikulti.org.uk