Qaxoontiga
Refugees
Yaa codsan kara?
Qof kastoo u baahan ilaalin caalami ah magan gelyo waa ka codsan karaa dalka Ingriiska.
Qaxoonti Macnaha erayga "Qaxoonti" waxa laga soo qaatay Heshiiskii Geneva ee 1951kii iyo Axdigii la xidhiidhay ee 1967kii. Xeer socdaalka ee Dalka Ingriiska waxay banaynayaan in magan gelyo la bixin karo haddii, marka la eego duruufaha xaaladdan saameeya oo dhan, in qofka laga doonayo inuu dalka ka baxo ay tahay inuu tago dal aanay/aanu doonayn inuu tago cabsi sugan oo uu ka qabo awgeed in lagu cadaadiyo ama halis lagu geliyo diirkiisa/jinsigiisa (race), diinta, dhalashada, xubinimo bulshada, koox ka mid ah oo gaar ah ama aragtidiisa siyaasadeed awgeed.
Goormaa la codsan karaa?
Codsiga magan gelyada dalka Ingriiska (UK) waa in lagu hagaajiyo Adeegga Socdaalka ama Xafiiska Arrimaha Gudaha sida ugu dhakhso badan ka dib markaad ka baxdo dalkii in lagaa ilaaliyo aad u baahnayd. Codsiga magan gelyada waa inaad ka dhiibato dalka ugu horreeya ee aad gaadho, ama ugu yaraan dalka ugu horreeya ee aan si fudud dib kuugu celinayn dalkaagii.
Haddii dalka Ingriiska (UK) aad ku soo gashay hab khayaano ah ama oggolaashno la'aan, waxad tahay "qof sharci darro ku soo galay".Qofka sharci darro ku soo galaana wuxu baylah u yahay xadhig, sii hayn iyo dembi lagu oogo iyo masaafuris degdeg ah laakiin wuxu badanaaba xaq u leeyahay inuu racfaan qaato inta aan la masaafurin. Haddii aad dalka Ingriiska (UK) ku soo gashay hab sharci ah, laakiinse aad welwel iyo cabsi ka qabto cadaadin dalkaagii kaaga iman karta, codsigaaga magan gelyo waa inaad u samaysaa sidii ugu dhakhsa badan, hubaal ahaanna ka hor inta aanay kaa dhammaan muddadii hore laguu siiyay.
Shahaadada Arimaha aan Raadka Laheen(S1):
Xoghayaha Dawladdu wuxuu cadayn karaa ama go'aamin karaa dhacdooyin gaar ah isagoo aan si tifaftiran caddaynta la soo hor dhigay u tixgelin, isagoo ku tilmaamayo arinta in ay si qayaxan ayan raad u laheen, si markaas racfaanka laga qaatay diidmada magan gelyada loogu qaato hab gaar ah oo degdeg ah. Racfaanka habkaas oo kale ihi waxay ku dhammaanayaan eegitaanka Garsoore Khaas ah (Special Adjudicator) oo qudha iyadoo aanay jirin wax xaq ah oo loo leeyahay racfaan kale oo loo qaato Maxkamadda Racfaanka Socdaalka (Immigration Appeals Tribunal.
Shahaadadaha Dal Saddexaad (S2):
Xoghayaha Dowladdu waa caddayn karaa dacwado kuwaasoo racfaan diidmoo magan gelyo laga qaadan karo oo qudha ka dib markii codsadihii laga saaray dalka Ingriiska (UK) loona masaafuriyay dalkii ay/uu uga soo safray dalka Ingriiska (United Kingdom).
Caddayn: Shaqadayadu waxay tahay in aanu adiga wakiil kaa ahaanno si aannu ugu qancino Xafiiska Arrimaha Gudaha in cabsida aad ka qabto cadaadin kugu timaadda ay wax jira tahay kuna salaysan tahay xaqiiqo jirta. Waxaannu kugu caawineynaa inaad gudbiso codsi faahfaahsan, kaala showro oo hello wax kasta oo qoraal climi ah iyo caddayn markhaati ah ee la heli karo. Waxaannu isla markaa raadinaynaa marag muujin madax bannaan oo laga heli haro ilo kale oo uga qaateen ah.
Cadaynta magan gelyadu waxay qof ahaan isku halleeyaan doodo aan xaqiiqadooda la cadayn karin. Xaqiijinta qofka xadhiggiisa, haynta, bahsaadda iyo si xun ula dhaqanka waxay la iman kartaa dib u dhac gudbinta codsiga magan gelyada ama helitaanka xaqiiqo faahfaahsan. Wax kasta oo daacad darro ah, soo gudbinta qoraallo been abuur ah ama waxyaalo aan la caddayn oo aan xidhiidhsanayn ayaa iyana wiiqi kara codsiga. Waxa markaa loo baahan yahay inaad nagu caawiso oo na siiso xog warran buuxa intii suurta gal ah iyo tafaasiil sido ugu dhakhso badan.
Maxaa dhaca markaad codsato magan gelyo?
Xafiiska Arrimaha Guduhu waxa la arkaa inay kuugu yeedhaan waraysi baadhitaan ah isla markaad magan gelyada dalka Ingriiska (UK) codsato kadib. Taasu waxay Xafiiska Arrimaha Gudaha gacan ka siinaysaa inay qoraal kayd ah u sameeyaan adiga iyo dalabkaaga, waxa lagaa qaadayaa raadka faraha si loo sugo in aanu qof kale magacaaga magan gelyo ku dalban.
Ka dib markaad ku dhawaaqdo inaad dalkan Ingriiska (UK) magan gelyo ka doonayso, waxa la arka in laguu dhiibo sua'alaad qoraal ah oo aad soo dhammays tirayso lana xidhiidha codsigaa. Waa inaad sua'alaha oo dhammays tiran muddu laba todobaad ah ugu soo celiso Xafiiska Arrimaha Gudaha. Markaa ka dib Xafiiska Arrimaha Gudaha waxa dhici karta innuu kuugu yeedho waraysi ballaadhan. Waraysigu wuxu qaadanayaa muddo ila saacad ah. Waa inaad sii qaadaa wax kasta oo caddayn ah oo la xiddiidha aqoonsigaaga ee aan hore Xifiiska Arrimaha Guduha loogu gudbin. Wixii kale ee caddayn ah ama marag muujin ah waa inaad haysataa ilaa lagu wayddiiyo.
Sarkaalka Socdaalku wuxuu wax kaa wayddiin doonaa cadaadinta laguu geystay iyo war faahfaahin ah oo ka dhalata jawaabaha aad waraysiga ku bixisay. tusaalo:
- Maxaad ugu baahantahay inaad magan gelyo codsato?
- Marnaba ma lagugu xidhay ama lagugu bahsay dalkaagii?
- Taariikhihii iyo wakhtiyadii lagu xidhay goormay ahaayeen?
Waa inaad sii qaadataa oo qudha wixii caddaymo ah ee aqoonsigaaga la xidhiidha. Wixii caddayn ah ee kale, sida xaashadaa qabsashada (arrest warrants) warka dalka aad ka soo jeedid, iyaga mar dambe ayaa loo bahan doonaa.
Waraysiga ka dib, waa inaad sugtaa inta Xafiiska Arrimaha Guduhu codsigaagii go'aan ka soo gaadhayo. Waxay ka fiirsanayaan wax kasta oo aad waraysigaagii ugu sheegtay iyo wixii caddaymo ahaa ee aad siisay. Wax yaabaha kale ee ay eegaan waa:
- Intay tahay muddada aad dalka Ingriiska (UK) joogtay (waa haddii taasu ay tahay 14 sano ama wax ka badan)
- Xaaladda dalkaagii siday ku sugan tahay
- Wixii war ah ee aad siisay markii lagu waraysanayey
- Xaalado kasta oo kale oo dadnimada iyo naxariista awgeed laga eego.
Waad sii joogi kartaa dalka Ingriiska (UK) inta aad sugayso jawaabta go'aanka, Xataa haddii muddadii hore laguu ogolaaday inaad joogto ay dhammaatay ka hor intaan codsiga la soo gudbin.
Intay qaadanaysaa muddada aad go'aan ku heli kartaa?
Waa adagtahay in la sii melaawaalo/saadaaliyo (predict) wakhtiga codsigaagii magan gelyo Xafiiska Arrimaha Guduhu go'aan kaga soo gaadhayo. Waxay qaadan kartaa muddo 3 bilood ilaa 2 sano ah inta go'aan laga soo gaadhaa. Mararka qaarkood Xafiiska Arrimaha Guduhu waxay codsigii go'aan kaga soo gaadhaan muddo toddobaadyo gudahood ah.
Maxaa la yeelayaa inta codsiga la eegayo?
Muddada codsigaagii laalan yahay, waa in aanad ka bixin dalka Ingriisaka (UK). Haddii aad dalka Ingriiska (UK) debadda uga baxdo waxa looga howl galayaa inaad codsigaagii la noqotay.
Taageero: Siduu dhigayo xeer hoosaadka Socdaalka iyo Magan Gelyada ee sannadkii 1999kii (Under the Immigration and Asylum Act), habkii taageerada ee jiray waxa lagu beddelay hab taageero oo cusub ooy toos u maal gelinayaan Xifiiska Arrimaha Guduhu. Laga bilaabo 3dii Abril 2000kii dadka magan gelyada doonaya ee codsigooda magan gelyo ka dhiibta gegidii/dekedii ay ka soo degeen waxa si toos ah u taageeraya Xafiiska Arrimaha Guduha. Dadka magan gelyada aan ku dalban gegidii/dekedii marka laga bilaabo taariikhdaa waxa taageeri doona Waaxda Adeegga Bulshada ee madaxda dawladda hoose (local authority Social Services Departments) si ay qeexayaan ku talagelladda ku meel gaadhka ah ee loo qorsheyey taageerada dadka magan gelyada doonaya
Dadka magan gelyada codsaday intii ka horraysay 3dii Abril 2000kii habki hore ee ay taageerada ku qaadan jireen ayaay ku sii qaadanayan ilaa inta ama codsigaoodii laga gun gaadhayo ama marka ay noqoto in lagu wareejiyo nidaamka taageerada ee cusub.
Warar Dheeraad ah: Haddaad dalka Ingriiska (UK) sharci darro ku joogto, waa lagu hayn karaa (detained), laakiin waa haddii Xafiiska Arrimaha Guduhu ay ka shakiyaan in laga yaabo inaad dhuumato/baxsato (absconded) oo qudh ah. Tusaalo, haddaad mar hore dhuumatay/baxsatay (absconded), haddii lagu qabtay adigoo dalka ku soo gelaya sharci darro ama haddii aanad haysan wax qoraal ah oo adiga kugu saabsan, waxay u badan tahay in lagu hayo (detained).
Haddii codsigaagii uu najaxo oo laguu aqoonsado qaxoontinimo?
Haddii codsigaagii uu najaxo oo laguu aqoonsado qaxoontinimo, waxa lagu siinayaa deganaasho rasmi ah oo aad ku joogto dalka Ingriiska (UK). Wixii ka mid ah qoyskiisa waa loo oggolaanayaa inay ku soo biiraan isaga/iyada ka dib marka la siiyo degganaashaha.
Waa maxay ogglaasho gaar ah oo lagu joogo dalka Ingriiska (UK)?
Haddii codsigaagii la soo diido, waxa lagu siin karaa oggolaasho gaar ah oo aad ku joogto (exceptional leave to remain' (ELR). Waa oggolaasho aan xeer ahaan jid ahayn oo lagu bixiyo sababo daryeelka iyo naxariista loo yeelay (discretionary status). Wax xuquuq ah laguma helo, laakiin waxa dhici karta in marka hore lagu siiyo 12 bilood, ka dibna laguu kordhiyo 3 sannadood. Dabayaaqada 4ta sannadood, waxaad dalban kartaa oggolaasho aan muddaysnayn oo aad ku joogto dalka Ingriiska (UK). Mar labaad taasu waxay iyana ku salaysan tahay naxariista qof ahaaneed (discretionary basis) codsi kasta oo noocaas ahaa waa inuu la socdaa racfaan, haddiiba uu Xafiiska Arrimaha guduhu soo diido codsigaagii. Dadka codsada magan gelyo xaq uma laha inay keensadaan dadkooda masuuliyad ahaan ugu xidhan, ilaa rasmi ahaan loogu aqoonsado qaxoonti ama haddii la siiyo ogglaasho gaar ah waxa dadkooda loo ogol yahay inay keensadaan 4 sano ka dib. Haddaad wax talo ah u baahan tahay in lagaa siiyo dhaafiyaha safarka ama dal ku gal ehelkaaga aad u doonayso, fadlan na soo waydii.
Maxay noqonaysaa haddii codsigaagii la soo diido?
Waxa laga yaabaa inaad xaq u yeelan karto racfaan dalka Ingriiska gudihiisa (United Kingdom) oo aad ka qaadato diidmada magan gelyada. Haddii aanad racfaanka xaq u lahayn, waxa suurta gal ah inaad isku difaaci karto dib u Eegista Garsoorka (Judicial Review) ee Maxkamada Sare. Mid kastaba ha ahaatee waxad u baahan tahay talada qof sharci yaqaan ah sida ugu dhakhsaha badan.
Haddii arrintaadu ay tagto racfaan, waxa fursad laguu siinayaa inaad gartaada toos ugu gaysato Garsoore khaas ah (special Adjudicator). Sarkaalka ka Socda Xafiiska Arrimaha Gudaha ayaa isna joogaya Maxkamadda oo wakiil ka ahaan doona Xafiiska Arrimaha Gudaha wixii howl looga baahdo. Isaga ama iyada waxay ku wayddiin doonaan sua'alo faahfaahsan Garsooraha khaaska ah hortiisa, sidaa darteed waa inaad si cad u odhan karto wixii aad doonayso inaad tidhaahdo. Garsoora khaaska ahi wuxu ku qiimaynayaa dacwadda wixii aad tidhaahdo iyo wixii caddaymo ah ee adiga iyo Xafiiska Arrimha Guduhu soo bandhigeen waxaanu go'aan ku soo gaadhayaa toddobaayada soo socda gudahooda in lagu siiyo magan gelyo ama inuu/iyadou soo bixiyo/bixiso tilmaamo/talooyin (recommendations). Tilmaamahaa/talooyinkaa (recommendation) macnahoodu ma aha inuu garsooraha khaska ihi racfaankii oggolaaday laakiin wuxu samayn karaa soo jeedin in arrintu u qalanto in Xafiiska Arrimaha Guduhu dib u eego. Garsoori khaas ihi wuxu soo jeedinta samaynayaa marka iyadu/isagu uu ku qanco in Xafiiska Arrimaha Guduhu aanu tixgelin ama ka fiirsan xaalado ay ka mid yihiin caafimaadka ama xaalado naxariis mudan, oo dacwaddaada saameeya.
Racfaanada
Rugta Sharciga ee Coventry waxay kaala talinayaan habka racfaanka waxaana la arkaa inay kaaga noqondoonaan wakiil dacwadda dhegaysigeeda. Rugta Sharciga Coventry waxay fidisaa talo bixin sharci iyo wakiilnimo lacag la'aan ah.
Coventry Law Centre
The Bridge
Broadgate
Coventry CV1 1NG
Tel: 024 76223053
Registered with Charity Commission as Coventry Law Centre: 1087312
Registered as a limited company in England & Wales: 4149673
Waxay Guddoonka Samafalka kaga diiwaan gashan tahay Rugta Sharciga Coventry : 1087312.
Waxay England iyo Wales kaga diiwaan gashan tahay Shirkad Xaddidan limited: 4149673.
In kastoo aan waxba lagala hadhin in la sugo warka qoraalkanu sidaa uu dhammaystiran yahay, waa inaan loo qaadan sidii wax aan dhallil lahayn iyo inuu yahay qoraal awooddii sharci ku idishay loomana qaadan karo talo bixin sharci oo dhan. Annagu uma aanowno wax kasta oo sugnaan waaya iyo wixii ka yimaadda. Warka qoraalkan ku yaalla waxa loo qoray ama loogu talo galay dadweynaha deggan ama ay saamayso xeerka England iyo Wales oo qudha.
This document was provided by Coventry Law Centre www.covlaw.org.uk
Document Links
- www.covlaw.org.uk
-
Coventry Law Centre
http://www.covlaw.org.uk/