Deris qaylo badan
Noisy Neighbours
Miyaad haysataa deris qaylo badan oo ku dhiba? Inkastoo qaylada tiifiiga iyo caruurta ciyaaraysa qaarkood uu caadi yahay, jaarka qaylada badani wuxuu noqon karaa mushkilad. Bogaganu waxay eegayaan wixii lasamayn karo hadii aad tahay kirayste ama mulkiile guri.
Helitaanka kaalmo sidaad u joojiso qaylada
Qaylada meel danbe ka yeedhaysaa qaarkood waa la aqbali karaa, markaa in wax laga qaban karo iyo in kale waxay ku xidhantahay qofba xaalkii. Sidaad u awoodid inaad wax ka qabato qayladu way inay noqotaa mid aad u badan oo aanad gurigaaga si caadi ah ugu noolaan karin. Tani waxay noqon kartaa xaalka marka hurdada lagaa toosiyo, ama aanad maqli karin tiifiiga qaylada awgeed. Daliyayaasha (sababaha) kale ee la eegi karo:
- Xiliga maalintii ama habeenkii ay qayladu dhacday
- Sida joogta ah ay u dhacdo
- Muddo intee leeg ayay socotaa
- Sida ay dadka wax u yeesho
Keebaa kaalmeen kara?
Xaalado badan konsulka ayaa awood u leh inuu waajaho dhibaatada qaylada. Waxa kaloo aad awoodaa inaad qaado talaabo maxkamadeed adigu.
Konsulku had iyo jeer wuxuu diraa qof soo baadha qaylada xadigeeda, laakiin way ku adkaan kartaa inuu talaabo qaato. Masalan, hadii aanay qaylada iyagu maqlin. Konsulada qaarkood waxay diraan saraakiil shaqaysa fiidkii siday u cabiraan qayladu markay dhacayso. Baadh inay jirto nambar deg-deg ah oo garaaci karto.
Qaadis talaabo
- Talaabada hore waa wada hadal. La hadal qofka arintu idinka dhaxayso, u tilmaam dhibaatada si aad dhexdhexaad u gaartaan. Waxa fiican inaad (arintaas) samayso inta aan xaalku aad xumaan. Meelaha qaarkood waxay leeyihiin adeeg dhexdhexaadin ah, oo ku caawin karta. dhexdhexaadinta UK (Tel 0117 904 6661) waxay ku siin kartaa adeega dhexdhexaatinta xaafadaada (nambarkooda).
- Hadii jaarkaa yihiin kiraystayaal, waxaad la hadli karta qofka ka kireeyay. Waxa laga yaabaa inay shuruudii kirada jebinayaan, iyagoo qaylo badan sameenaya.
- Hadii dhibaatadu sii socoto samayso buug diary-ah,adoo ku qoraya inta (qayladu) ku dhamaato, sida ay u dheertahay (masalan caruurta ma toosisaa), cid kale ma maqashaa, IWM. Samee (qor) marka u horaysa ee aad awoodid ee qayladu dhacdo.
- La xidhiidh qaybta caafimaadka deegaanka konsulkaaga. Sarkaal caafimaadka deegaanka, ama xataa sarkaal laguu dooray oo qaylada ah ayaa kaala hadlaya wixii dhibaato ah, talona ku siinaya. Waxa laga yaabaa inay baadhis sameeyaan kuna soo booqdaan.
- Hadii dhibaatadu badantahay sarkaalka konsulku wuxuu sameenayaa ogaysiis sharciyeesan si qaylada loo joojiyo (waa inaad (gelisaa) buugaaga –diaryga ah, waa intaasoo aad ubaahataaye hadii dhibku sii bato) hadii aan arintani shaqayn konsulku waxa dacwada u gudbiyaa maxkamada hoose, taas oo ganaaxi karta jaarkaaga. Waxa lagu waydiin karaa qoraal, iyo xataa in maxkamada lagaago baahdo markhaati ahaan.
Hadii aad goosato inaad maxkamad tagto, waxaad u baahanaysaa lataliyaha guriyeenta ama qareenka talo.
Wixii faah-faahin ah ee dheeraada
Bogaganu waa hordhac asaasi ah sidii aad wax uga qaban lahayd dhibaatada ay dhaliyeen jaarka qaylada badani. Wixii faah-faahin ah ee dheeraada tag: www.shelternet.org.uk. Waxa kale oo aad la xidhiidhi kartaa Shelterline on 0808 800 4444 (24 hour freephone).
Published August 2002.