Sidee u dalbataa gunada guriyeenta
How to Claim Housing Benefit
Bogaganu waxay ku siinayaan macluumaadka gunada (lacagta) gureyantausing (HB) marka ugu horaysa.
Waa maxay gunada guriyeenta?
Gunada guriyeentu (HB) waa lacag konsulku bixiyo siduu ugu kaalmeeyo dadka dakhliga yar ama caydha qaata. Waxaad dalban kartaa HB-ga hadii aad kirayste tahay ama konsulka aad laysan ka haysato, oo aad kiro bixiso, ama (kirada siiso) ururada guriyeenta, wakaaladaha ama shakhsiyaadka xor ta ah (kireeyayaasha)
Kee dalban kara?
Qof kastaba ma heli karo HB ga. Ma heli kartid hadii aad tahay:
- Qof debeda ka yimi, kaasoo aanu fasaxayn sharciga soo galku
- Aad tahay arday waqti buuxa waxbarta (hadii aanad caruur hayn ama aanad naafo ahayn)
- Aad haysato kayd ka badan £16 000
Hadii aanad hubin inaad xaq u leedahay HB, talo raadso.
Sidee loo dalbadaa
Waxaad ka dalban kartaa HB ga konsulka. Waxa muhiim ah inaad si dhaqso ah u dalbato, sida had iyo jeer aad helayso HB ga marka aad foomka soo celiso. Waa inaad foomka buuxisaa marka ugu horaysa ee aad istidhaahdo waxaad u baahantahay in kirada lagaa bixiyo.
Foomamka waxa laga helayaa qaybta guriyeenta ee konsulka. Waxa suuro gal ah in aad foomaka ka hesho:
- Ururka la talinta bulshada talada (a citizens advice bureau)
- Rugta talada guriyeenta
- Qolada shaqada bixisa
- Internedka: (www.dwp.gov.uk/lifeevent/benefits/housing_benefit.htm).
Macluumaadka aad u baahantahay inaad dhiibto
Waxaad u baahanatahay inaad dhiibto macluumaadka ku saabsan dakhligaaga iyo/ama gunada, wixii kayd ah ama maal ah iyo caddayn kirada aad bixisid ah (sida heshiiska kirada ama buuga kirada).
Intee la i siinayaa?
HB ga lagu siinayaa waxa uu ku xidhanyahay guriga aad ku jirto inta uu leegyahay. Da’daada, inta guriga kugula nool, dakhligaaga iyo inta aad kiro bixiso. Hadii aad tahay doob, aadna ka yartahay 25 aadna ku nooshahay guri barafit ah, waxay u dowdahay inaad hesho kiro daboolaysa qolka aad ku jirto guriga aad la wadaagto (dadka kale) oo keli ah.
Waxa laga yaabaa in kirada lagu wada siiyo, badh lagu siiyo, ama HB gu kuu diidaan inaad xaq u leedahay, waayo dakhligaaga ama kaydkaaga ayaa badan. Hadii kiradaadu badantahay waxa laga yaabaa in aan lagaa wada bixin dhamaanteed.
Hadii wax biilal ah lagu daray kirada, sida gaasta, biyaha, korontada, HB gu ku dari maayo kirada. Si kasta ha ahaatee, khidmadaha kiraynta qaarkood wuu ku darayaa hadii uu digayo heshiishka kiradu.
Hadii aad tahay kirayste xor ah ama kirayste ah ururada guriyeenta (housing associations), waxa aad ogaan kartaa inta aad kiro qaadanaysid inta aanad gelin. Tan waxa la yidhaahdaa go’aansiga inta aanad kiraysan. Waxaad buuxinaysaa foom, kaas oo kuugu diyaara qaybta HB.
Hadii konsulku xadido kiradaada ama hadii aad u malayso in go’aanku qalad yahay, talo raadso.
Sidee kirada (HB) loo bixiyaa
Konsulku waa inuu bixiyaa muddo 14 cisho gudohooda hadii ay heleen wixii macluumaad ay u baahnaayeen, in kastoo sida dhacda muddo intaa ka badan qaadato. HB ga waxa dib loo dhigaa oo labixiyaa afartii wiig mar. waxa lagu siin karaa adiga sidaad ugu gudbiso kireeyahaaga, ama isagaa toos loogu diraa. Hadii aad tahay kirayste konsul iyagaa toos loogu diraa.
Gunada cashuurta ee konsulka
Hadii aad xaq u leedahay HB aadna bixiso cashuurta konsulka, waxaad xaq u leedahay (Gunada cashuurta ee konsulka [council tax benefit (CTB)]. CTB ga had iyo jeer waxa lagu dalbadaa foomka HB ga. Laakiin nidaamka lagu xisaabiyo way kalo duwanyihiin.
Wixii macluumaad dheeraad ah
Bogaganu waa tusid asaasi ah sidii aad u dalban lahayd gunada guriyeenta. Wixii faah-faahin ah ee dheeraada tag www.shelternet.org.uk. Waxa kale oo aad heli kartaa buuga yar ‘gunada guriyeenta’ kaas oo aad ka helaysid guriyeenta deg deg ah ee deegaankaaga, ama tilifoon u dir Shelterline on 0808 800 4444 (24 hour freephone).
Published August 2002.