multikulti

Hel kaalmo aad gurigaaga ku habayso

Getting Help to Adapt Your Home

Qofka aad xanaanaysaa wuxu yeelan karaa baahi gaar ahaaneed oo mudan in lagu habeeyo gurigiisa ama kaaga haddii uu kula noolyahay. Gurigu wuxu u baahan karaa in laga hagaajiyo waxyaabo kala duwan sida qallajinta qoyaanka derbiyada (damp treatment) ama saqafka oo la beddelo.

Haddaanad haysan lacag hawshaasi lagu fuliyo, waxad dalban kartaa deeq kaa kaalmaysa kharashka hagaajinta iyo habaynta guriga. Xaaladaha gaar ah, waxa hawshaasi ku bixi kara kumanaan Gini.

Siyaabo kale duwan ayaa deeqdaasi loo dalban karaa waxaanay ku xiran tahay hadba meeshaad ku nooshahay sida; England, Woqooyiga (Northern) Ireland, Scotland ama Wales.

Haddaan weydo deeqdaasi ama aad heshid inaan dabooli karin hawsha idil ahaanteed, waxa jira wadooyin kale oo lagu helo lacag lagu fuliyo hagaajinta iyo habaynta.

Sidaad u dalban karto deeq haddaad ku nooshahay England ama Wales

Deeq saddex nooc ah ayaa jira England iyo Wales haddaad u baahato kharash lagu fuliyo hagaajinta iyo habaynta guriga:

Haddaad heliweydo deeq (grant) ama aad heshid in aan dabooli Karin kharashka hawsha idil ahaan waxa jiri kara wadooyin (siyaabo) kale oo lagu helo lacag lagu kharash gareeyo dayactirka iyo habaynta.

Deeqaha dib u cusboonaynta

Waxa suurta gal ah inaad heshid deeq dib u cusboonayn oo mug ballaaran (aan yarayn) laguna kharash gareeyo dayactirka, hagaajinta iyo habaynta gurigaaga

Yaa heli kara dib u cusboonayn (Renovation grant)?

Si aad u hesho deeq dib u cusboonayn waa inaad:

Maxaa lagugu siin karaa deeq dibu cusboonayn?

Waxa deeq aad ku heli kartaa sababo kale duwan ooy ka mid yihiin:

Sidee dawladda hoose ay u go'aamin karaan in deeq lagu siiyo iyo intay dhantahay lacagta deeqdaasi?

Dawladaha Hoose iyagaa u madax banaan deeqaha dibu cusboonaynta guryaha waxaanay mid kastaaba leedahay mudnaan (priorities) u gooni ah ooy u tixgeliso cidda ay siinayso deeq qaarna maba bixiyaan deeqaha dibu cusboonaynta guryaha gebi ahaan. Warbixin arrinta ku saabsan waa inay haysaa Waaxda Guriyeynta ee golaha dawladda hoose.

Golaha dawladda hoose ayaa go'aamiya intay dhantahay lacagta ay bixinayaan markay eegaan:

Haddii deeqda loo dalbo ilmo ka yar 18 sano, tirada lacagta ay bixinayaan dawladda hoose waxay ku xidhantahay dakhliga iyo kaydka waalidkiisa

Sharci ahaan, majirto tiro ugu badnaan u xadidan lacagta mashruuc kasta lagu bixin karaa inkastoo dawladaha hoose ay xadidi karaan tirada lacagta ay bixinayaan.

Waa maxay shuruudaha dawladda hoose ay ku xidhaan haddiiba ay deeq ku siiyaan?

Waa inaan shaqo la bilaabin ilaa deeqda la ogolaado. Marka deeqda la ogolaado, dawladaha hoose badidoodu waxay filaan in shaqadu ku dhamaato 12 bilood gudahood. Shaqada waxa loo baahan yahay inuu fuliyo mid ka tirsan qandaraaslayashii (dhisayaasha) la weydiiyey inay soo qiyaasaan kharashka shaqada intii dalabka laga fiirsanayey.

Haddaad iibiso gurigaaga shan sano gudahood oo ka bilaabma markii deeqda lagu siiyey waa inaad soo celisaa lacagta, hase yeeshee, deeqaha caadi ahaan lama soo celiyo haddii qofkii la siiyey uu geeriyoodo.

Sidaad u codsan kartaa deeqda cusboonaysiinta?

La xidhiidh waaxda guriyeynta ee dawladda hoose ama waaxda caafimaadka deegaanka oo weydiiso foomka (form) lagu codsado deeqda.

Markaad buuxiso foomka (form) waxad u baahan doontaa inaad ku dartid warbixin ku saabsan guriga iyo shaqadaad rabtid in la qabto.Haddaad adigu leedahay guriga waxa kaloo lagu wediin doona inaad soo buuxisid shahaadad (certifiacate) caddaynaysa in adigu ama qof ka tirsan qoyskaagu ay rabaan inay ku noolaadaan guriga shanta sano ee soo socda. Haddaad tahay kirayste (tenant) adiga iyo hantiilaha (landlord) gurigu waa inaad soo buuxisaan shahaadado (certificates) isku mid ah. Shahaadadahaasi waxad dhiibi doontaa isla marka lagu siiyo foomka (form) codsiga.

Foundations
Bleaklow House
Howood Town Road
Glossop
SK13 8HT
Tel: 01457 891909

Wakaalad u qaybsan Hagaajinta Guryaha ayaa ku siin karta gargaar iyo talo sugan oo ku saabsan codsiga deeqda oo maamuli karta shaqada iyadoo adiga kaa wakiil ah. Si aad u hubiso in wakaaladdaasi ay ka jirto halkaad deggan tahay la xidhiidh.

Foundations
Bleaklow House
Howood Town Road
Glossop
SK13 8HT
Tel: 01457 891909

Sida dacwad loo sameeyo

Haddaad codsato deeq (grant) oo aanad u bogin adeegga (service) lagu siiyey ama go'aanno arrintaa ku saabsan, waad dacwoon kartaa.

Deeqaha tashiilaadka naafada

Deeqaha tashiilaadka naafada (Disabled facilities grants) waxa lagu bixiyaa si dadka naafada ah looga caawiyo si ay iskood aad isugu maamulaan guryahooda.

Who can get a disabled facilities grant?

Waad dalban kartaa Deeqda Tashiilaadka Naafada (Disabled Facilities Grant) haddii adiga ama qof kula nooli yahay naafo. Si aad u heshid deeqda tashiilaadka naafada, waa inaad tahay mid ka tirsan kuwa soo socda:

Goluhu waxay u baahan doonaan inay guriga booqdaan ooy eegaan inuu munaasib ku yahay shaqada la soo jeediyey in laga qabto. Waxa kalooy u baahan doonaan inay ku qancaan in shaqada la soo jeediyey ay tahay mid uu u baahan yahay qof naafa ahi waxaanay kala tashan doonaan waaxda adeegga bulshada ee degaanka (local social services department). Waaxda adeegga bulshada ee degaanku waxay diri doontaa qof booqda oo soo hubiya baahida qofka dalbanaya deeqda.

Maxaad ku heli kartaa deeqda tashiilaadka?

Xaaladaha qaar, waa inay goluhu bixiyaan lacag lagu (magacabo deeq idman (waajiba) 'mandatory grant' kuwo kalana iyagaa go'aamin kara inay bixiyaan iyo in kale waxaana (lagu magacaaba mid loo madax banaanyahay 'discretionary'). Si shaqada loogu bixiyo deeqda tashiilaadka naafada (disabled facilities grant) waa in baaniye hawlgelineed (occupational therapist) oo ka tirsan adeegga bulshada ee degaankaagu uu soo jeediyaa in shaqada uu u baahan yahay qof naafa ahi si u raaxo ugu noolaado gurigiisa.

Deeqda taashiilaadka naafada (disabled facilities grant) ee waajibka ah 'mandatory' waxad ku heli kartaa:

Tirada ugu badan ee lacagta aad ku heli kartid deeqda waajibka ah waa £20,000 haddaad joogto England iyo £24,000 haddaad joogto Wales. Haddii kharashka shaqadu ka bato tiradaasi ugu saraysa, goluhu waxay bixin karaan korodhsiimo ay u madax banaan yihiin oo ah deeqda tashiilaadka naafada ('discretionary' disabled facilities grant) (eeg hoos).

Fadlan ogow in deeq bixintu ay raagi karto ooy qaadan karto 12 bilood oo ka bilaama goorta aad dalbatid.

Deeqaha taashiilaadka naafada ('discretionary' disabled facilities grants) ee goluhu u madax banaan yahay waxa loo bixiyaa in guriga laga dhigo mid aad ugu haboon in qof naafa ahi ku noolado kuna dhex shaqayn karo. Waxa kaloo loo bixin karaa inay kaabaan (buuxiyaan) deeqda waajibka ah (mandatory grant). Golayaasha kala duwan ee degaanadu waxay leeyihiin arrimo kale geddisan ooy u tixgeliyaan ciday deeq siinayaan - waaxada guriyeynta ee degaankaagu waa inay arrintaa kaa siiyaan faahfaahin.

Sidee dawaladda hoose u go'aamin kartaa intay dhantahay lacagta lagu siinayo?

Goluhu waxay go'aamiyaan tirada lacagta lagu siinayo iyagoo eegaya dakhliga iyo kaydka qofka naafada ah (iyo cidda wehelisa 'partner' haddii uu leeyahay) habkaasi waxa lagu magacaabaa "means-testing". Haddii qofka naafada ahi uu ka yar yahay 18 sano waxa la eegi doona dakhliga iyo kaydka waalidkiisa.

Waa maxay shuruudaha dawlaada hoose ay ku xidhaan haddii lagu siinayo deeq?

Shaqada guriga laga qabanayo waa inaan la bilaabin ilaa deeqda lagu siiyo. Haddii dalab (application) deeq tashiilaad naafo (disabled facilities grant) la ogolaado laakiin xaaladdu isbeddesho intaan shaqadu dhaman ka hor (tusaale, haddii qofka naafada ahi u guuro guri kale, dhinto ama shaqadu noqoto mid aan loo baahnayn (aan munaasib ahayn) waxay goluhu u baahan doonaan inay dib u eegaan inay deeqda joojiyaan iyo in kale.

Sideed baad u dalbataa deeqda tashiilaadka naafada?

La xidhiidh waaxda guriyeynta ama waaxda caafimaadka e dawladda hoose oo weydiiso foomka (form) dalbashada deeqda tashiilaadka (disabled facilities grant). Waa inaad islamarkiiba la xidhiidhaa adeegga bulshada ee degaankaaga oo weydiiso in baaniye hawlgelineed (occupational therapist) uu soo sameeyo qiyaas isla wakhtigaasi. Waaxayaha baaninta hawlgelintu (occupational therapy departments) waxay badiba leeyihiin liistada lagu qoro sugayaasha ee ula xidhiidh sida ugu dhaqso badan. Deeqda tashiilaadka naafada lama bixin karo haddii baaniye hawlgelineed (occupational therapist) aanu ansaxin shaqada loo qabanayo qofka naafada ah.

Markaad buuxiso foomka (form) waxad u baahan doontaa inaad ku darto warbixin ku saabsan guriga iyo shaqadaad rabto in la fuliyo. Haddaad adigu leedahay guriga waxa lagu weydiin doonaa inaad buuxisid shahaadad (certificate) sheegeysa in qofka naafada ahi rabo inuu guriga ku noolaado shanta sano ee soo socda haddii cafimaadkiisu u ogolaado. Haddaad tahay kirayste (tenant) adiga iyo hantiilaha guriga (landlord) waxa buuxin doontaan shahaadado isku mid ah oo aad dhiibi doontaan isla wakhtiga lagu siiyo foomka (form) dalabka.

Foundations
Bleaklow House
Howood Town Road
Glossop
SK13 8HT
Tel: 01457 891909

Wakaalad u qaybsan hagaajinta guriyaha ayaa gargaar iyo talo sugan kaa siin karta sida loo dalbado deeqda oo ilaalin doonta habka shaqada loo fulinayo iyadoo adiga kaa wakiil ah. Si aad u ogaatid in wakaaladda hagaajinta guryuhu ay ka jirto degaankaaga la xidhiidh.

Foundations
Bleaklow House
Howood Town Road
Glossop
SK13 8HT
Tel: 01457 891909

Sidaad u dacwoon kartid

Haddii aad dalbatay deeq oo aanad u bogin wixii laguu qabtay ama go'aanadii arrintaada laga gaadhay waad dacwoon kartaa.

Kaalmada dayactirka guryaha

Kaalmada dayactirka guryuhu waa deeq la ogolaan karo ama la diidi karo (discretionary grant) oo lagu bixin karo dayactir kooban laakiin aad loogu baahan yahay. Waxa kaloo lagu bixin karaa hagaajinta iyo dibu habaynta guryaha. Waad ogaan doontaa in golayaasha kala duwani ay leeyihiin mudnaan (priorities) kala geddisan ooy u tixgeliyaan deeq bixinta.

Yaa heli kara kaalmada dayactirka guryaha?

Si aad u heshid kaalmada dayactirka guryaha waa inaad:

Xitaa haddaad buuxin kari weydo shuruudahaasi dhamaantood, haddana weli waad dalban kartaa kaalmada dayactirka guryaha haddaad tahay 60 jir, ama ka weyn tahay, ama tahay naafo ama waayeel taag gabay ama haddaad xanaanaysid qof 60 jir ah ama ka weyn,ama qof naafa ah ama waayeel taag gabay ooy guriga kugula noolyihiin.

Haddaanad adigu lahayn guriga ama kirayste ahayn laakiin aad xuquuq deganaansho oo gooni ah u leedahay guriga, waa inaad ku noolayd guriga ugu yaraan saddex sano ka hor intaanad dalban kaalmada dayactirka guryaha, haddii kale waa in:

Haddaad ku nooshay guri hadba meel loo jiidi karo (mobile home) weli waad filan kartaa inaad hesho kaalmada dayactirka guryaha.

Maxaad ku heli kartaa kaalmada dayactirka guryaha?

Ma xadidna nooca dayactirka, hagaajinta iyo habaynta guryaha ee lagu bixin karo kaalmada dayactirka guryaha inkasta oonad heli karin deeq lagu kharash gareeyo shaqo lagu qurxiyo gurigaa (sida midabyo lagu xardhayo).

Fadlan ogow inaan shaqada la bilaabi karin ka hor inta la bixinayo deeqda.

Siday dawladda hoose u go'aamisaa in kaalmo lagu siiyo iyo intay dhantahay lacagta lagu siinayaa?

Golayaasha kala duwan ee degaamadu waxay leeyihiin mudnaano (priorities) kala geddisan ooy u tixgeliyaan cidday deeq siinayaan waase in gole kastaaba ay faafiyaan mudnaanahooda. U doono warbixin siyaado ah waaxda guriyeynta ama ta caafimaadka deegaanka ee golaha degaankaaga.

Waxa dhici karta in deeqda lagu siiyaa ay noqoto ugu badnaan £2,000 markiiba iyo £4,000 muddo kasta oo saddex sano ah.

Sidee u dalban kartaa kaalmada dayactirka guryaha?

La xidhiidh waaxda guriyeynta ee golaha degaankaaga ama waaxda caafimaadka ee deegaanka oo weydiiso foomka (form) lagu dalbado kaalmada dayactirka guryaha.

Markaad buuxiso foomka (form), waxad u baahan doontaa inaad ku darto warbixin ku saabsan guriga iyo shaqadaad rabto in laga qabto.

Foundations
Bleaklow House
Howood Town Road
Glossop
SK13 8HT
Tel: 01457 891909

Wakaalad u Qaybsan Hagaajinta Guryaha ayaa ku siin karta gargaar iyo talo sugan oo ku saabsan sida loo dalbado deeqda, waxaanay ilaalin kartaa shaqada iyadoo kaa wakiil ah. Si aad u ogaato in Wakaaladda Hagaajinta Guryuhu ay ka jirto degaankaaga la xidhiidh:

Foundations
Bleaklow House
Howood Town Road
Glossop
SK13 8HT
Tel: 01457 891909

Sidaad u dacwoon kartid

Haddaad dalbato deeq oo aanad u bogin adeegga laguu fidiyo ama go'aanno kastooy gaadhaan, waad dacwoon kartaa.

Sidaad u dalban karto deeq haddaad ku nooshahay Woqooyiga (Northern) Ireland

Woqooyiga (Northern) Ireland waxa jira deeq saddex nooc ah haddaad u baahato in lagaa caawiyo kharashka dayactirka, guriyeynta iyo habaynta guryaha:

Haddaad weydid deeq ama aanay deeqdu wada dabooli karin kharashka shaqada, waxa jiri kara wadooyin (siyaabo) kale oo loo helo lacag lagu fuliyo dayactirka iyo habaybta guryaha.

Deeqaha dibu cusboonaysiinta

Deeqaha dibu cusboonaysiinta waxa bixiya Maamulka Guriyeynta (Housing Exceutive) si loogu hagaajiyo guryaha 'mustawahoodu hooseeyo' iyadoo ay ku xidhan tahay baahida jirta ayaa la bixin karaa kharashka shaqooyin kala duwan ooy ku jiraan qallajinta qoyaanka derbiyada (damp treatment), beddelida saqafka, beddelida dhuumaha qiiqa saara ee guriga korkiisa (chimneys) majaroorka biyaha roobka (gutters) iyo talbiista guriga (pasterwork).

Yaa heli kara deeqda dibu cusboonaysiinta

Waad dalban kartaa deeq haddaad adigu leedahay ama rabtid inaad gadato guri, kelidaa ama cidi ku weheliso. Waxad kaloo dalban kartaa haddaad guriga kiraysatay ood mas'uu ka tahay dayactirkiisa.

Deeqda dibu cusboonaysiinta waa la bixin karaa hadduu gurigu yahay:

Maxaad ku heli kartaa deeqda dibu cusboonaynta?

Xaaladaha qaar, Maamulka Guriyeynta (Housing Executive) waa inay bixiyaan lacag lagu magacaabo deeqda waajibka ah (mandatory grant) kuwa kalena iyagaa go'aamin kara inay bixiyaan iyo in kale waxaana lagu magacaabaa deeq loo madax banaan yahay (discretionary).

'Deeq waajib ah' (mandatory grant) waa la bixin karaa haddii Maamulku (Executuve) ay la tahay in gurigu yahay mid aan dad ku noolaan (u hoyan) karin halkaana ay jiraan dhibaatooyin darani (sida isagoon lahayn musqul gudaha ah).

Deeqda la ogolaan karo ama la diidi karo (discretionary grant) waa la bixin karaa hadday Maamulka (Executive) la tahay in guriga dad ku noolaan karo laakiin loo baahanyahay hagaajin iyo dayactiro aan ahayn kedis (degdeg) si guriga loo gaadhsiiyo mustawa aad u sareeya ama, tusaale, in dhismo loo geddiyo qaybo la galo (housing unit).

Siday Maamulka Guriyeyntu u go'aamin karaan intay dhantahay lacagta lagu siinayaa?

Maamulku (Executive) waxay qiyaasi doonaan dakhliga (income) soo gala hantiilayaasha/kiraystayaasha ku nool guriga markay go'aaminayaan intay dhantahay lacagta ay ku bixiyaan shaqo kasta - habkaa waxa la yidhaahdaa 'means-testing'. Maamulku waxay dabeeto buuxin doonaan faraqa u dhaxeeya kharashka shaqooyinka la ogolaaday iyo inta adigu aad bixinaysid.

Intay qaadataa in go'aan laga gaadho dalab (application)?

Maamulku waxay ku ogaysiin doonaan in dalabkaagii la ogolaaday iyo in kale lix bilood gudahood.

Goormaa deeqda la bixin doonaa?

Deeqda waxa sida caadiga ah la bixi doonaa markay shaqadu dhamaato - Maamuku (Executive) rasiidh (receipt) ayay uga baahan doonaan qandaraaslaha (contractor) ka hor intaanay bixin deeqda. Sikastaba, waxad dalban kartaa in lacagta loo bixiyo afar qaybood oo isdabajoog ah (four instalments). Maareeyaha deeqaha (Grants Manager) ayaa dabeeto go'aamiya in habkaasi lagu bixiyo iyo inkale.

Waa maxay shuruudaha ay Maamulka Guriyeyntu ku xidhaan haddii deeq lagu siiyo?

Qof kasta oo la siiyo deeq dibu cusboonaysiin ah waa inuu:

Sideed u dalbataa deeqda cusboonaysiinta?

Waxad ka codsataa Xafiiska Deeqda ee Dagaankaaga Foomka (form) Weydiinta Bilawaga ah (Prelminary Enquiry Form), waana inaad buuxisaa oo ku celisaa Xafiiska Deegaha (grants Office).

Xageed ka heshaa talo ku saabsan Nidaamka Deeqaha?

Haddaad u baahato talo saayid ah oo ku saabsan Nidaamka Deeqda (Grants Scheme), la xidhiidh Xafiiska Deeqaha ee degaankaaga - way ku farxi doonaan inay ka jawaabaan sua'alahaaga waxaanay ku siin doonaan warbixin ku saabsan ururada caawin kara dadka leh baahi gaar ah ama kuwa waayeelka ah ee wax soo codsada dhibaatana kala kulmi kara la macaamilka qareenada (lawyers), qandaraaslayaasha, khabiirada qorshaynta dhismayaasha iwm.

Sida loo dacwoodo

Haddaad dalbato deeq oo aanad u bogin adeegii lagu siiyey ama go'aanno kastoo ay gaadheen, waad dacwoon kartaa.

Deeqaha tashiilaadka naafada

Deeqaha tashiilaadka naafada (disabled facilities grants) waxa la siiyaa dadka u baahan in qof naafa ah gurigiisa ay ka dhigaan mid ku haboon baahidiisa. Shaqada la soo jeediyey waxay u baahantahay inuu ogolaado baaniye hawlgelineed (occupational therapist) oo ka tirsan degaankaaga.

Ku dhufo xidhiidhada soo socda si aad u heshid warbixin saayid ah oo ku saabsan dalbashada deeqda tashiilaadka naafada (disabled facilities grant):

Yaa heli kara deeqda tashiilaadka naafada?

Haddaad adigu leedahay guriga aad ku nooshahay ama tahay hantiile (landlord) ama aad gui kiraysatid (waxa ka reebban kiraystayaasha guryaha maamulka guriyeynta 'housing exceutive') oo tahay naafo ama qof naafa ahi kula noolyahay waad dalban kartaa deeqda tashiilaadka naafada (disabled facilities granted).

Maamulka Guriyeyntu waxay u baahan doonaan inay ku qancaan in shaqada loo baahanyahay ay ku haboontahay baahida qofka naafada ah - waxa kaloo laga fiirsan doonaa cimriga iyo xaaladda guriga.

Maxaad ku heli kartaa deeqda tashiilaadka naafada?

Xaaladaha qaar, Maamulka Guriyeynta (Housing Executive) waa inay bixiyaan lacag lagu magacaabo deeqda waajibka ah "mandatory grant" kuwo kalana ayagaa ogolaan kara ama diidi kara (waxaana lagu magacaaba "discretionary").

Deeqda waajibka ah (mandatory) waxa lagu bixin doonaa shaqo uu soo ogolaado baaniye hawlgelineed (occupational therapist) oo ka tirsan degaankaaga. Shaqada nooceeda waxa ka mid noqon kara:

Deeqda la ogolaan karo ama la diidi karo (discretionary grant) waxa lagu bixin karaa shaqo loo bahanyahay oo deeqda waajibka ahi (mandatory grant) aanay daboolin.

Sideed Maamulka Guriyeynta u go'aaminayaan intay dhantahay lagacta lagu siinayaa?

Maamulku waxay qiyaasi doonaan dakhliga iyo kaydka qofka naafad ah iyo cidda wehelisa (partner) haddayba leyihiin, markay go'aaminayaan intay dhantahay lacagta ay ku bixiyaan shaqo kasta waxaana habkan lagu magacaabaa "means-testing". Maamulku waxay dabeeto buuxin doonaan faraqa u dhexeeya kharashka ku baxaya shaqooyinka la ogolaaday iyo intuu bixin karayo qofka naafada ahi.

Sideed u dalbataa deeqda tashiilaadka naafada?

Weydiiso Xafiiska deeqaha (Grants Office) ee degaankaaga foomka (form) Weydiinta Bilowga ah (Preliminary Enquiry form), waana inaad buuxisaa ood ku celisaa Xifiiska Deeqaha.

Xageed ka heli kartaa talo ku saabsan nidaamka deeqaha?

Haddaad u baahato talo saayid ah oo ku saabsan Nidaamka Deeqaha (Grants Scheme), la xidhiidh Xafiiska Deeqaha ee degaankaaga. Way ku farxi doonaan inay ka jawaabaan sua'alahaaga ooy ku siiyaan warbixin ku saabsan ururada caawin kara dadka leh baahi gaar ah ama dadka waayeelka ah ee soo dalbada deeq dhibaatana kala kulmi kara la macaamilka qareenada, qandaraaslayaasha, khabiirada qorsheey dhismayaasha iwm.

Sidaad u dacwoon karto

Haddaad dalbato deeq oo aanad u bogin adeeggii laguu fidiyey ama go'aanno kastooy gaadheen, waad dacwoon kartaa.

Kaalmada shaqooyinka yaryar

Waxay Maamulka Guriyeyntu ku bixiyaan in lagu fuliyo dayactir, hagaajinno iyo habayno yaryar oo suurtagelinaya in guriga qofka deggani uu aad si raax leh ugu noolaado.

Yaa heli kara kaalmada shaqooyinka yaryar?

Haddaad adigu leedahay guriga aad ku nooshahay ama aad guri kiraysatid (waxa ka reebban kiraystayaasha guryaha Maamulka Guriyeynta "excluding Housing Executive tenants) oo aad qaadatid ugu yaraan mid ka tirsan gunnooyinka hoos ku xusan, waad dalban kartaa:

Maxaad ku heli kartaa kaalmada shaqooyinka yaryar?

Waxa jira shan nooc oo kala duwan ahna shaqooyinka yaryar.

Halkooda ku nagaanaya (staying put): kaalmadan waxa la siiya hantiileyaasha ama kiraystayaasha ah 60 jir ama ka weyn ee qaata mid ka tirsan gunnooyinka hoos ku xusan:

Kaamada la bixiyo waxa ku jiri kara dayactirrada daaqadaha, iridaha, majaroorada (gutters) iyo dhuumaha qiiqu ka baxa ee guriga korkiisa (chimneys) iyo habayno yaryar sida ku kordhinta guriga ee biraha la cuskado marka jaranjarta la korayo (handrails), marino tulux koraad leh (ramps oo lagaa kaaftoomo jaranjarta ama qubeys (bath) musqul (toilets) ama wajidhaq (washbasin). Guriga xaaladdiisu waa inay tahay mid guud ahaan wanaagsan.

'U habaynta deggane waayeel ah' (Elderly resident adaptation): kaalmadan waxa lagu bixiyaa in si yar wax looga bedelo guri uu ku noolyahay qof waayeel oo ehel ahi ama saaxiib ahi ay kuula deggan yihiin si joogto ah. Dalbaduhu (applicant) waa inuu qaataa mid ka tirsan gunooyinka hoos ku xusan:

Deeqda la bixiyo waxa ku jiri kara in la siiyaadiyo ama la dayactiro biraha la cuskado (handrails), marinada taagga ah (ramps), waji-dhaqyada ama qubayska istaagga (showers).

Dayactirka ku meelgaadhka ah (Patch and mend): waxa heli kara qof gurigiisu hadda ka tirsanyahay ama dhaqso uga tirsanaan doono dhul dib loo dhisayo ama la banaynayo. Waxa loogu taalagalay in guriga intii suurtagal ah, laga dhigo mid raaxo loogu noolaan karo ilaa inta qokfa dib loo guriyeynayo. Dalbaduhu (applicant) waa inuu qaataa mid ka tirsan gunnoyinka hoos ku xusan:

Deeqda Habaynta ee Naafada: waxa la siiyaa/loo diyaarshay dadka qaata gunooyinka soo socda:

Shaqo kastaa waxay u baahantahay inuu soo ogolaado baaniye hawlgelineed (occupational therapist) - Maamulka Guriyeynta waxay la xidhiidh karaan baaniye hawlgelineed iyagoo kaa wakiil ah hadday kula tahay inaad mudantahay deeqdan. Deeqda la bixiyo waxa ku jira hagaajinta ka galidda daafyaha guriga si loo fududeeyo diyaarinta iyo kariska cuntada iyo hagaajinta isticmaalidda ilaha kulaylinta ama nalka (source of heating or lighting) tusaale, haddii qofka naafada ah ay dhibaato ka hayso xagga aragga ama uu u baahanyahay diirimaad.

'Qasabadaha naxaasta ah' (lead pipes) dadka qaata gunnada la xidhiidha dakhliga sida taageerada dakhliga ee DSSta (Income Support) ee qasabadaha gurigooda biyaha soo galiyaa ay yihiin naxaas (lead) waxa la siin karaa deeq ay iskaga beddalaan naxaasta.

Siday Maamulka Guriyeyntu (Housing Executive) u goa'amiyaan intay dhantahay lacagta lagu siinayaa?

Caddedka ugu badan ee la bixiyaa sida caadiga ah waxa weeye £1,080 goor kastaba. Waxa kaloo ugu badnaan la bixin karaa £3,240 muddo saddex sano ah.

Intee in le'eg ayay qaadataa in go'aan laga gaadho dalab?

Maamulku markay dalabka helaan saddex bilood gudahood ayey ku soo ogolaadan in shaqada la bilaabo.

Sideed u dalbataa kaalmada dayactirka yaryar?

Weydiiso Xafiiska deeqaha (grants office) ee degaankaaga Foomka (form) Wediinta Bilowga (Preliminary Enquiry Form), waana inaad buuxisaa ood u celisaa Xafiiska Deeqaha.

Xaggeed ka heli kartaa talo ku saabsan Nidaamka deeqaha (Grants Scheme)?

Haddaad u baahato talo saayid ah oo ku saabsan Nidaamka Deeqaha, la xidhiidh Xafiiska Deeqaha (Grants Office) ee degaankaaga. Way ku farxi doonaan inay ka jawaabaan su'aalahaaga kuna siiyaan warbixin ku saabsan ururada/heyadaha caawin kara dadka leh baahi gaar ah ama dadka waayeelka ah ee deeqda soo dalbada dhibaatana kala kulmi kara la macaamilka qareenada (solicitors), khubarada qorshaynta dhismayaasha (architects) iwm.

Wakaalad u qaybsan hagaajinta guryaha (Home Improvement agency) ayaa iyana kaa caawin karta si aad u dalbato deeq kuguna gargaari karta inay ilaaliso (supervise) shaqada. Si aad u ogaato in Wakaalada Hagaajinta Guryuhu ay ka jirto degaankaaga, la xidhiidh:

Fold Housing Association3 Redburn SquareHolywoodBT18 9HTTel: 02890 428314

Sidaad u dacwootid

Haddad dalbato deeq oo aanad u bogin adeeggii laguu fidiyey ama go'aan kastoo ay gaadheen waad dacwoon kartaa.

Xafiisyada Deeqaha (Grants offices) ee lala xidhiidhi karaa waa hoos ku xusan:

Belfast:
32-36 Great Victoria Street
Belfast BT2 7BA
Tel: 028 9031 7000

Newtownards:
Strangford House
28 Court Street
Newtownards BT23 7NX
Tel: 028 9182 060

Lisburn:
4-6 Graham Gardens
Lisburn BT28 1XE
Tel: 028 9266 5222

Craigavon:
Marlborough House
Central Way
Craigavon BT64 1AJ
Tel: 028 3834 1188

Newry:
35-45 Boat Street
Newry BT34 2DB
Tel: 01693 67331

Ballymena:
Twickenham House
Mount Street
Ballymena BT43 6BP
Tel: 028 2565 3399

Ballyclare:
141 Mill Road
Ballyclare BT39 9DZ
Tel: 019603 52849

Londonderry:
Richmond Chambers
The Diamond
Londonderry BT48 6QP
Tel: 028 7137 2000

Omagh:
McAllister House
Woodside Avenue
Omagh BT79 7BP
Tel: 028 8224 6111

Fermanagh:
Riverview House
Head Street
Enniskillen BT74 7DA
Tel: 01365 325770

Sidaad u dalbato deeq haddaad ku nooshahay Scotland

Deeq saddex nooc ah ayaa ka jira Scotland haddaad u baahato in lagaa caawiyo kharashka dayactirka, hagaajinta ama habaynta (adapting) guriga:

Haddaad heli weydo deeq ama aanay deeqdu wada dabooli karin kharashka shaqada, waxa jira wadooyin/siyaabo kale oo lagu heli karo lacag lagu fuliyo dayactirada iyo habaynta guryaha.

Deeqaha hagaajinta (Improvement grants)

Deeqaha hagaajinta (Improvement grants) waxa lagu bixiyaa in si aad ah loo hagaajiyo ama loo habeeyo guryaha. Waxa maamula waaxda guriyeynta ee golaha degaanka.

Yaa heli kara deeqda hagaajinta (improvement grant)?

Ta qudha e aad ku heli kartaa deeqda hagaajintu waxay tahay inaad adigu leedahay gurigaaga - kiraystayaashu (tenants) ma heli karaan deeq.

Siday golaha degaanku ay u go'aamiyaan cidda ay tahay inay siiyaan deeqda hagaajinta (Improvement grant)? Ma jiro nidaam qoran (national system) oo lagu qiyaaso dalabyada deeqaha inkastoo golahaasha qaar ay degaanadooda u sameeyeen nidaamyo lagu xaqiijiyo in deeqaha la siiyo dadka baahida ugu weyni ay hayso. Waxad arki doontaa in golayaal kala duwani ay leeyihiin mudnaano kale geddisan ooy u tixgeliyaan bixinta deeqaha.

Siduu golaha degaanku u go'aamiyaa intaay dhantahay lacagta lagu siin doono?

Xadka cadiga ahi waxa weeye £12,600 inkastoo golaha degaanku ay la xidhiidhi karaan Xafiiska Scotland hadday rabaan inay xadkaasi kor u dhaafaan.

Badiba, golaha degaanku waxa qudha ooy bixin doonaan ilaa 75% kharashka shaqada dib u cusboonaysiinta (renovation work) inkastooy taasi kordhin karaan ilaa 90% hadday la tahay in qofka guriga leh ee ku nool ay dhibaato lacageed la soo gudboonaan doonto haddii isagu bixinayo/iyadu bixinayso kharashka shaqada inta ka hadhan.

Sideed u dalbataa deeqda hagaajinta (Improvement grant)

La xidhiidh waaxda guriyeynta ee golaha degaanka (council's housing department) (qaybta deeqaha ee qaabilsan hantida gaar ahaaneed) oo weydiiso warbixin ku saabsan sida loo dalbado deeqda dibu cusboonaynta (renovation grant).

Sideed u dacwoon kartaa

Haddaad dalbato deeq oo aanad u bogin adeeggii laguu fidiyey ama go'anno kastoo ay gaadheen, waad dacwoon kartaa.

Deeqaha dayactirka

Deeqaha dayactirka waxa lagu bixiyaa dayactirro yar. Sida caadiga ah deeqaha la bixiyaa waxay gaadhsiisanyihiin 50% ah kharash dayactir (ugu badnaan waxay noqonayaan £2,750)

Sideen u dalbadaa deeq dayactir?

La xidhiidh waaxda guriyeynta ee golaha degaanka (qaybta deeqaha ee qaabilsan hantila gaar ahaaneed) oo weydiiso warbixin ku saabsan sida loo dalbado deeqda dayactirka.

Deeqaha daryeelka iyo dayactirka

Deeqaha daryeelka iyo dayactirka waxa lagu bixiyaa in lagu caawiyo dad waayeel ah iyo dad naafa ah oo iyagu iska leh hoyga ay degganyihiin inay joogaan guryahooda, tusaale, waxay bixin karaan kharashka habayno yar yar (small adaptations).

Dakhliga iyo kaydka dalbadayaasha (applicants) waa la qiyaasi doonaa marka la go'aaminayo in la siiyo deeq iyo in kale waxaana taa lagu magacaabaa "means-tesing".

Sideed u dalbataa deeqda daryeelka iyo dayactirka?

La xidhiidh waaxda guriyeynta ee golaha degaanka qaybta qaabilsan deeqaha dhaqaalaha gaarka ah (private sector grants section) oo weydiiso warbixin ku saabsan sida loo dalbado deeqda daryeelka iyo dayactirka.

Xafiika Daryeelka iyo dayactirka ee Scotland wuxu isaguna ku siin karaa talo. Waxa lagala xidhiidhi karaa:

Care and Repair Scotland
236 Clyde Street
Glasgow G1 4JH
Tel: 0141 221 9879

Fursado kale oo lacag lagu heli karo

haddaad deeq heli weydo ama aanay deeqdu wada dabooli karin kharashka shaqada, waxa jira wadooyin/siyaabo kale oo lagu helo lacag lagu fuliyo dayactirrada iyo habaynada (repairs and adaptations):

Caawimada laga helo Nidaamka Waxtarka Tamarta Guriga

England iyo Wales waxa lagaa caawin karaa in guriga laga dahaadho (insulation) inaanu qabow soo galin, in la dhigo mid aan debedda dabayli kasoo gelin (draught proofing) iyo arrimo kale oo lagu hagaajiyo waxtarka tamarta loona kaashado Nadaamka Waxtarka Tamarta Guriga (Home Energy Eeeiciency Scheme (HEES).

Waxa kaloo jira deeq ay heli karaan dadka leh guriyaha (home owners) iyo kiraystayaasha guryaha hantida gaar ahaaneed (private tenants) ee Scotland iyo Woqooyiga (Northern) Ireland inkastoo qaanuunadu ay waxoogaa yar kala duwan yihiin. Daryeelayaasha jooga Scotland waa inay wacaan 0800 072 0150 daryeelayaasha jooga Waqooyiga (Nohthern) Ireland waa inay iyana wacaan 0800 181667.

Yaa heli kara deeqda HEES (Nidaamka Waxtarka Tamarta Guriga)?

Waad heli kartaa deeqda HEES iyo weliba deeqo kale haddaad ku nooshahay England ama Wales. Sidaad u samayn kartid haddii cimrigaagu ka yar 60 jir iyo/ama mid ka mid ah kuwa hood xusan ku quseeyo:

Maxay HEES ku bixisaa deeqaha?

Waxa lagaa caawin karaa dahaadhida (insulation), in gurigaaga laga dhigo mid aan hawo xoog badani soo geli karin (draught proofing) iyo waxyaaba kaloo hagaajinaya waxtarka tamarta (energy efficiency) ee gurigaaga gudihiisa. Waxa kaloo lagaa caawin karaa qayb ka mid ah habka kulaylinta dhexe ee ku shaqeeya gaaska (partial gas central heating system), meelaha qaarna waxa lagaa caawin karaa in gurigaaga lagu rakibo habka badbaada ilaalinta (security system).

Siday HEES u go'aamisaa intay dhantahay lacagta aan mudanahay in la siiyo?

Deeqda ugu badan ee la bixin karaa waa £2,000.

Sidee loo dalbadaa HEES ama deeq HEES oo dheerad ah?

Si aad u dalbato deeqda HEES, waxad wacdaa 0800 181 667

Haddaad dalbanayso deeqda HEES iyo weliba saayid (HEES Plus grant) waa inaad ka wayntahay 60 jir oo aad qaadataa mid ka tirsan gunooyinka, Taageerada Dahkliga ee DSSta (Income Support), Gunnada Guriyeynta (Housing Benefit), Gunnada Cashuurta Golaha (Coucil Tax Benefit) ama Gunnada Shaqo Raadsayaasha ee ku salaysan taageerada dakhliga (Income-based Job Seekers Allowance).

Sidaad u heshid deyn adigoo gurigaaga ka dhigaya dammanad (security)

Haddaad adiga leedahay guriga aad ku nooshahay, waxad heli kartaa deyn adigoo guriga ka dhigaya dammaanad, si kastaba, fadlan aad u hubso inaad dib u gudi karto deynka intaanad dalban ka hor. Haddaad dib gudi weydo deynka waxad waayi kartaa gurigaaga.

Sidaad deyn uga hesho sanduuqa (fund) sadaqadda ama samafalka

Ururada sadaqaddu iyo samafalku waxay bixiyaan hurin ah deeqo iyo deyman kaa caawiya kharashka waxyaabo aanay dawladdu lacag ku bixin karin.

Ururada sadaqadda iyo samafalka ee waaweyn badidoodu waxay ku yaalaan buug la yidhaahdo a Guide to Grants for Individual in need. Maktabataha (libraries) iyo rugaha taladu(advice centres) sida caadiga ah waxay hayaan nuqul/koobi (copy).

Sidaad u dacwoon kartid haddaad ku nooshay England

Haddaad dalbato deeq oo aanad u bogin adeeggii laguu fidiyey ama go'aan kastooy gaadheen, waxad u dacwoon kartaa golaha degaanka. Dacwadaadu waa inay ahaato qoraal.

Haddii aanad weli qanacsanayn, waxad u dacwoon kartaa loo dacwoodaha Idman (Ombudsman) ee dawladda hoose - mid ka xulo adareesyada/cinwaanada (addresses) hoos ku xusan:

London:
21 Queen Anne's Gate
London SW1H 9BU
Tel: 020 7915 3210

Coventry: The Oaks
No 2 Westwood Way
Westwood Business Park
Coventry CV4 8JB
Tel: 024 7669 5999

York Beverley House17 Shipton Road York Y03 6FZ Tel: 01904 663200

Cardiff:
Derwen House
Court Road
Bridgend CF31 1BN
Tel: 01656 661325

Sidaad u dacwoon kartid haddaad ku nooshahay Woqooyiga (Northern) Ireland

Haddaad dalbato deeq oo aanad u bogin go'aan kastoo la gaadhay waxad u dacwoon kartaa Wakiilka Barlamaanka ugu qaybsan Arrimaha Maamulka (Parliamentary Commissioner for Administration) iyo Wakiilka u qaybsan Dacwadaha (Commissioner for Complaints) oo laga helo:

33 Wellington Place
Belfast BT1 6HN
Telephone: 028 9023 3821

Sidaad u dacwoon kartid haddaad ku nooshay Scotland

Haddaad dalbato deeq oo aanad u bogin adeeggii laguu fidiyey ama go'aan kastooy gaadheen, waxad u dacwoon kartaa golaha degaanka. Dacwadaadu waa inay ahaataa qoraal.

Haddaad dalbato deeq oo aanad u bogin adeeggii laguu fidiyey ama go'aan kastooy gaadheen, waxad u dacwoon kartaa golaha degaanka. Dacwadaadu waa inay ahaataa qoraal.

Haddaanad weli qanacsanayn, waxad u dacwoon kartaa loo dacwoodaha idman (Ombudsman) ee Dawladda Hoose oo laga helo:

23 Walker Street
Edinburgh EH3 7HX
Telephone: 0131 225 5300

www.multikulti.org.uk