Helista kiraysi meel gaar ah
Finding a Private Rented Place
bogaganu waxay eegayaan wixii aad samayn lahayd sidii aad u raadsanlahayd meel aad kiraysato oo gaar ah.
Waa kuwee noocyada kiro ee jiraa?
Waxa ku jira hoya’da gaarka ah ee la kireeyo guryaha, qol ku yaala guri ama falat aad la wadaagto dad kale, ama qol kijada gudaha ku leh.
Xagee ka eegtaa
Yaraanta meelaha lakireeyo aawadeed , had iyo jeer markiiba waa la buuxiyaa. Xataa meelaha kiraysigu ku badanyahay, way adkaan kartaa in meel laga helo.
Inaad tijaabiso inaad meel hesho:
- Waydii reerkaaga, saaxiibada, iyo asaxaabta shaqada – kiraysi badan waxaa lagu helaa af iska waydiin
- Eeg xayaysiiska daaqada dukaanada ama boodhadhka (sida kominitiyada)
- Eeg jaraaidka maalinlaha iyo wiiglaha, magasiinka iyo jaraa’idka xaafada. Markiiba soo iibso marka ay soo baxaan, kadibna waqti sii inaad baadhid oo aad telifoon udirtid kuwii aad xiisaynayso. Waxa kale oo aad isku xayaysiin kartaa jaraaidka meesha aad rabto inaad kiraysato.
- Tag rugta talooyinka ama konsulka xaafadaada- qaar waxay leeyihiin diiwaan ay ku yaaliin wakaaladaha guriyeenta iyo daarlayda kiraynaysa.
- Isticmaal wakaalada guriyeenta. Waxay hayaan liiska daaraha la kiraynayo, waanay hawl yareen karaan inaad guri kira ah hesho. Laakiin waxay u dhowdahay inaad khidmad bixiso.
Maxaa u baahantahay
Dhamaan intooda badani kireeyayaashu waxay ka doonaan kiraystayaasha lacag qadimaad ah. Waxay u dhowdahay inaad waxyaalahan u baahantahy intaanad soo wareegin:
- Lacagta carbuunta (had iyo jeer waa bil kiradeed)
- Lacagta qadimaada ah, tanu had iyo jeer waa bil, laakiin kireeyayaasha waxaa sharcigu u ogolyahay inay qiimaha ay doonaan waydiiyaan. Hadii aad lacagta taageerada dawlada ama shaqo raadsiga qaadato, wakaalada (dawlada) lacag-bixinta ayaa kaa caawin karta (qadimaadaas).
- Caddayn ka socota kireeyahaagii hore, cida aad u shaqaysid, hadii ay jirto iyo bangigaaga.
- Kireeyayaasha qaarkood waxa laga yaabaa inay ku waydiiyaan inaad bixiso carbuun aan laguu soo celinayn oo loo yaqaano ‘lacagta furaha’. Raadso talo intaanad (lacagtan) bixin.
Waa meel noocee ah?
Ka feker meesha aad doonaysid diyaarna utahay in aad aqbashid. Liis-grayso meelaha aad doonaysid in aad noolaato. Ka fiirso hadii aad jeceshahay: in aad dad kale la wadaagto (kirada), kulayliyaha biyaha ku shaqeeya, beer, falat sar ku taala ama dukaan ka saraysa, meel gaadiid guud u dhow, iskuul ama dukaano. Si kasta ha ahaatee, hadii dalabaadkaagu bato way adkaanaysaa in aad meel hesho.
Telifoonka ka waydii meeshu siday tahay, si aad u goosatid, bal in aad soo eegtid. La hadal kiraystayaasha kale, hadii ay suurogal tahay. Si degan u eeg marka aad meesha soo eegaysid. Laydhka, kulayliyuha, qashabadahu ma shaqaynayaan? Daartu aamin ma tahay? Ma wax burbursan baa jira?
Heshiishka kiraynta
Heshiishka kirayntu wuxuu noqon karaa qoraal ama hadal. Heshiishka kiradu ee qoraalka ahi had iyo jeer wuxuu koobayaa tafaasiisha daarta, kiradu inta ay tahay, muddada kiradu inta ay tahay, iyo waajibaadka saaran adiga iyo kireeyaha.
Intaanad saxeexin heshiishka baadh:
- Nooca (hesshiiska) kirada ee aad haysatid. Tanu waxay qeexaysaa amniga iyo amaanka aad haysato ee (daar) ka saarida ah.
- In kiradu ku jirto gaastu, korontadu, fiiga biyahu, cashuurta dawlada hoose, mise waa ku siyaado (kirada)?
- Ma jirtaa bixin kale?
- Waa intee (muddada) kiradu iyo in muddadaasu ku raaligeliso?
- Daaraha goglan ma jirtaa liis qoraaya alaabada taala (inta ay tahay)?
Wixii faah-faahin ah ee dheeraada
Bogaganu waa hordhac asaasi ah, sidii loo heli lahaa hoy gaar ah oo kira ah. Waana ikhtiyaarada mid, hadii aad rabto meel aad ku noolaatid. Wixii faah-faahin ah ee dheeraada ee ku saabsan fursadaha guriyeynta ee kuu banaan, tag www.shelternet.org.uk. Waxaad kale oo aad eegi kartaa buuga-yar ee Shelter ‘Finding a place to live’ adoo telifoon u diraya: Shelterline on 0808 800 4444 (24 hour freephone).
Published August 2002.