multikulti

Guriyeen deg-deg ah

Emergency Housing

Bogaganu waxay kuu sharxayaan fursadaha kuu diyaarka ah markaad markiiba hoy u baahantahay.

Meelo noocee ah ayaa jira?

Doorashooyinka waxa ku jira: kuwa konsulka, la joogista asaxaabta, hoteelada yaryar, meelaha dumarku magan-galaan, hoteelada sariirta iyo quraacda leh, ku xeroodka (guri aanad lahayn), iyo fursadaha ugu danbeeya – inaad debeda seexato. Kuu qalanka doorasho kasta waxay ku xidhantahay, baahidaada, dooroshadaada, dakhligaaga, iyo wixii ku diyaara xaafadaada.

Waxa la sameeyo marka hore

Hadii aad khatar deg-deg ah ku jirtid tag meel aamina, kadibna raadso talo fursadaha kuu banaan. Masalan, hadii aad ka cararayso rabshad ama waxyeelo, waxaad u baahan kartaa saaxiibo ama qaraabo, booliiska ama magan gal.

Hadii aad ka tagtay hoygaagii ama lagu yidhi ka bax, aanaad doonaysid inaad ku noqoto talo raadso xuquuqdaada, in aad ku noqon kartid. Xuquuqdaadu way balaadhan tahay iyadoo ku xidhan shuruudaha kirada ama hadii aad guri leedahay. Hadii aanad wax xuquuq ah lahayn, ama aanad rabin inaad ku noqoto (hooygaaga), la taliyahaagu wuxuu kuu sheegayaa fursadahaaga (kuu banaan)

Guriyeenta konsulka (dawladda hoose)

Qaybata guriyeenta konsulka ee deegaankaaga (housing-ka) waa inay kooxaha hoyga la’ qaarkood siiyaan guriyeen deg-deg ah. Tanu had iyo jeer waa hoteelada yar-yar, hoteelada sariirta iyo quraacda ah. Hadii konsulku uu ku siiyo guriyeen deg deg ah – tanu waxay dhaci kartaa marka tafaasiishaada ay ka fiirsadaan.

Hadii aanad kaalmo xaq u lahayn, caruurna aad haysato, ama aad yartahay, ama jidhka ama maskaxda naafo ka tahay, waxa laga yaabaa inaad kaalmo ka hesho ururka adeega bulshada.

La joogista saaxiibadaada

Hadii ay jiraan saaxiibo ama qaraabo aad la joogi karto, waxa laga yaabaa inaad ogaatid inay tahay xaalada deg-deg ah ee ugu diiqada yar, nabad gelyana dareentid. Laakiin saaxiibadaa waxa laga yaabaa inay doonayaan inaad muddo yar oo keli ah la joogtid, markaa raadso talo ku saabsan muddada dheer.

Hoteelada yaryar (hostelada)

Waxa jira hostelo noocyo badan ah, sida meelaha magan galka habeenkii, hoy’ada (xiliga qabowga) jiilaalkii. Hostelada sida tooska ah loo heli karo, iyo kuwa muddada dheer (la degenaan karo). Waxaad u baahanaysaa hostel aad heli karto, adoon diiwaanka sugitaanka lagu gelin. Hostelada qaarkood waxay leeyihiin xeer ogolaansho, oo ku xidhan intaad jirto, ama inaad lab ama dhadig tahay. Hostelada qaarkood markiiba waa la buuxiyaa, markaa la xidhiidh maalintii goor hore hadii ay meel banaan hayaan, ama waydii wakaalada talooyinka inay kuu gudbiyaan.

Magan galka dumarka

Hadii aad tahay dumar aanad ka baxsanaysid waxyeelo ama hadidaad waxyeelo waxaad joogi kartaa (hoyga) magan-galka. Kuwanu waa guryo caadi ah oo qaybsadaan dumarka iyo caruurtu. Canaawiinta guryahanu waa la qariyaa si loo ilaaliyo (nabad-gelyada) dumarka. Waxay haystaan shaqaale ka caawiya dalbashada binifidka iyo raadsashada hoy rasmi ah.

Hoteelada hurdo iyo quraac ah

Kuwanu waa hoteelada (shacbiga) si xora loo maamulo. Waxa laga yaabaa in qol maalintiiba hesho, laakiin had iyo jeer waa qaali, waxaanay doonaan qadimaad. Waa inaad iska eegtaa qolka xaalkiisa, adeega ay bixiyaan iyo in ay leeyihiin meel wax lgu karsado.

Ku xeroodka

Ku xeroodka daar banaani ma’aha had iyo jeer denbi, laakiin waxaad naftaada u banaynaysaa inaad denbi gasho. Hadii aad ku xerood la timaado, si dhakhso ah baa lagaaga saari karaa.

Debed seexasho

Debed seexashada waxa fiican in la iska dhaafo, waayo khatar bay keeni kartaa. Hadii ay tahay fursada kuugu dhow ee kuu banaan, waxa muhiima inaad is kulayliso. Tijaabi inaad doonato meelaha dedan, oo iska dhaaf seexashada dhulka. Waxa yara aamina inaad seexato meelaha dadku joogo. Waydii rugta talooyinka wixii macluumaad ah ee ku saabsan xarun maalmeedka, kooxaha debeda, kijooyinka iyo meelaha suubka (maraqa) lagu sameeyo

Wixii macluumaad dheeraad ah

Bogaganu waa hordhac basiid ah oo khuseeya fursadaha guriyeenta deg-deg ah. Wixii macluumaad dheeraad ah eeg, www.shelternet.org.uk ama soo qaado buuga yar ee hoyga ee bilaashka ah: ‘doonashada meel aad ku noolaato’ ka soo qaado xarunta hoynta, ama telefoon udir: Shelterline on 0808 800 4444 (24 hour freephone).

Published August 2002.

www.multikulti.org.uk