Daweynta takhasuska caafimaadka qaran (NHS) iyo khidmada cisbitaalaada
Specialist NHS treatment and hospital services
Balamaha kuwa gudaha ku jira/buukaan socodka
Hadii xaalkaagu u baahanyahay ra’yi khabiir, waxa laguu gudbinayaa taliye ku takhasusay qayb gaar ah oo dawada. Balantu inta badan waa cisbitaalka. Hasa yeeshee wadanka meelo ka mid ah, taliyuhu wuxuu balan ugu sameeyaa dadka xarunta GP –ga iyo xarumaha caafimaadka.
La talinta shacabka waxa laga horaysiiyaa qorshe lagu eegayo cabashada dadka buka, inta mudada sugitaanka liiska, balan baajinta, iyo daweenta. Qorsheha qaranku ee NHS tu wuxuu leeyahay heer la xadido oo la tiigsado sidii loo horinmarin lahaa sugitaanka liiska. Laga soo bilaabo maarso 2003 dadka aan cisbitaalka ku jirin ee la daweenayo mudo 21 wiig gudohood ah, marka GP soo gudbiyo. Dadka (cisbitaalka) ku jiraa waa inaan lagaga badin mudo 12 wiig ah. Marka lagaado 2005 waxa la rajeenayaa in mudada dadka cisbitaalka ku jira looga dhigo 3 bilood, kuwa kalena 6 bilood gudohood.
Kuwa khaaska ah ee inta badan lasugo waxa kamid ah qaliinka misigta iyo ruuga. Qorsheyaal badan baa lasoo saaray si arinta wax looga qabto. 2002 ‘bilaabsta qorshaha dadk buka’ ayaa loo soo saaray dadka suugayey qaliinka wadnaha 6 bilood iyo in kabadan. Waxa loo fidiyey in fursada in lagu daweeyo cisbitaal kale oo si dakhso leh u daweenaya. Mustaqbalka dheer waxa la rajeenayaa in dadka la siiyo ikhtiyaar badan oo ku saabsan sida, iyo meesha lagu daweenayo.
Qorshe kale oo la doonayo in lagu dhimo liiska sugitaanka waa soo saarka xarumaha dabiibista iyo daweenta (DTCs) wadanka dhamaantii. DTC waxay diyaar u tahay in ay dadka is qora ay baadho ayna ka qasho indhaha, degaha. Xarumaha qaarkood waxay daween karaan xanuunada indhaha, dhegaha, afka, iyo cunaha. Is qorid la’aan, iyo xaalad degdeg ah toona wax ku qaban maayaan. Waxa jira toban xarumood hada, iyadoo la qorsheenayo 19 sanadka 2004/2005. kala hadal GP –gaaga wiixii macluumaad ku saaban qorshahaas.
Balamaha la jaro, iyo xarumaha aanad imani waxay kordhinayaan liiska sugitaanka. Balamaha ay dadku buka aanay samayn ee cisbitaaladu sameeyaan ayaa arintan sii kharibta. Cisbitaaladu hada waxay dadka u qadimayaan laba xarunood oo takhasus oo mudo dheer la sugaayo. Kombuyuutar isku nooca ayaa wada shaqeeya, dadka xanuusanayaa waxay dooran karaan xiliga, maalinta/saacada dadka la dhigayo iyo kuwa kaleba.
Gaadiidka ku geenaya/kaa keenaya cisbitaalka
Cisbitaalada intooda badan waxay leeyihiin gaadiid aan kuwa degdega ahayn, oo ay dadk aan xanuun ahaan xamilayn inay taraagaan, gaadidna aan haysan lagu qaado. Qorshoyaashan waxa wada ururo badan oo ay ku jiraan konsulka iyo ku tabaruc ah, adeega tabaruca dumarka , ururka isku talaabta cas, ama kooxda tabaruca deegaanka. Ururka gaadiidka jaaliyada ayaa ku siin kara macluumaadka, hadii ay jiraan qorshe gaadiid xaafadaada.
Waxa kale oo jira qorshe loogu talo galy dadka dakhliga yar, kuwaas oo aan iska bixin karayn gaadiidka, sidii ay balanta dhakhtarka u tegi lahaayeen, ama daweeynta.
Dawo bilaash ah dadka 60 jir ka weyn
Qof kasta oo ka weyn lixdan ma bixinayo dawada adeega caafimaadka qaranka NHS ta. Waxa jira sanduuq yar oo aad saxaysid gadaasha warqada dawada ee laguuu qoray. Dhakhaatiirta qaarkood waxay leeyihiin kombuyuutar ku qoraaya da’daada warqada. Hadii aan tani jirin waxa lagu waydiinayaa caddayn da’daada ah. Weliba tani waxay aad udhici kartaa marka aad u tagto farmasii aan kaagii caadiga ahayn.
Farmasiiyada qaarkood waxay leeyihiin adeeg ah in ay dadka dawada guuryaha ugu geeyaan ama ay dawooyinka celceliska ah dhakhtarka uga soo qoraan. Hadii tani faaiido kuu yeelan karto waydii farmasiigaaga. Waxa laga yaabaa inay khidmad kaaga qaadaan hawshaa.
Tijaabada indhaha oo bilaash u ah dadka 60 jir ka weyn
Qof kasta oo 60 ama ka weyn wuxuu xaq ugu leeyahay NHS ta tijaabo idhaha ah oo bilaash ah. Waxa lagula taliyaa qof kasta oo weyni in uu tijaabo indhaha sameeyo 2 sanadoodba mar. hasa yeeshee waxa lagula taliyaa qofka 70 sano ama ka wen in uu 12 biloodba mar tijaabo iska qaado. (Waxa rayigaa leh) ururka kooxda wada shaqaynta ee qaybta caafimaadka dawlada iyo ururka farsamayaqaanka ee indhaha. Si kasta ha ahaatee, waxa ikhtiyaar u leh farsamayaqaanka indhaha in uu isaga aqoontiisa rayi arintaas ka gaadho qofkasta goonistiisa.
Dhakhaatiirta indhaha qaarkood waa kuwo gaar loo leeyahay (oo lacag uu qaata). Markaa waa in aad hubisaa in Caafimaadka qaranka NHS ta lagu daweenayo, marka aad balanta samaysanaysid. Hubina in ay hawlaha oo dhan qabanayaan.
This document was provided by Age Concern, April 2005. www.ageconcern.org.uk