Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Dakhli (mushahar)

Bogaganu waxaay kuu sheegayaan xuquuqda shaqaalaha ee ku saabsan mushaharkooda. Imisay tahay inay qaataan iyo sidii ay u xoogin lahaayeen xuquuq-daas.

Keebaa xaq u leh qaadasho (mushahar)?

Qof kasta oo hoos imanaya heshiiska shaqada, wuxuu xaq u leeyahay mushahar. Hadii aad heshiis ku shaqaysid kaa soo lahayn wax dakhli ah, waxaadku shaqaynaysaa tabaruc, mana lihid xuquuq lamida shaqaalaha (caadiga ah). Kuwa iskood u shaqaystaa waxay qaataan khidmad, had iyo jeerna kuwa qaata (mushahar) waa shaqaalaha.

Intee bay tahay in aan qaato?

Marka la soo xigto xeerka mushaharka ugu yar ee shaqaalaha la siin karo, sharcigu wuxuu dhigayaa in shaqaalaha oo dhan la siiyo dakhliga saacadii ee asaasiga ah. Dakhliga ugu yar ee shaqaalaha la siin karo, sanadkiiba marbaa la eegaa, had iyo jeerna Oktobar ayaa la kordhiyaa. Wixii faah-faahina ee ku saabsan bixinta ugu yar ee shaqaalaha, eeg www.tiger.gov.uk iyo www.acas.gov.uk.

Hase yeeshee shaqo bixiye wuxuu xaq u leeyahay inuu bixiyo in ka badan inta igu yar ee shaqaale la siin karo, ama intii laba dhinac ku heshiiyaan. Shaqo bixiye – si kasta ha noqotee – ma bixin karo in ka yar inta ugu yar ee shaqaale la siin karo.

Sidee u xisaabiyaa dakhligayga (mushahar)?

Hadii u baahantahay in aad xisaabiso qaadasho-daada saacadii, waxaad u baahantahay inaad ka jartid wixii dheeraada (overtime) ama khidmada. Qaadashada saacadii waxa ku jira wixii cashuur iyo caymiska guud ah. Ka dib waxaad u baahantahay inaad xisaabiso intii aad qaadatid bishii ama wiigii. Hadii ay soo baxdo in aad qaadatid in ka yar bixinta ugu yar ee shaqaalaha, shaqo bixiyeha ayaad ku leedahay inta u dhaxeesa intaad heshiis ku qaadatid iyo inta ugu yar ee la qaadan karo. Shaqo-bixiyehu wuxuu ku khasbanyahay in uu caddayn ku tuso inta aad saacadii qaadatid.

Jiwanka qaadashada

Shaqaalahoo dhami waxay xaq u leeyihiin in la siiyo jiwan faah-faahsan. Jiwankanu waa inuu ku tusaa wixii aad qaadatid ka hor iyo kadib cashuur iyo caymiska guud. Hadii aanu ku tusin shaqo-bixiye haagu macluumaadkan waxaad dood u gudbin kartaa gudida shaqaaalaha, siday u qeexaan wixii lagu qori lahaa jiwanka. Hadii wax lagaa jaray (sida cashuurta) adigoon lagu ogaysiin waxay gudidu ku amri kartaa shaqo bixiyaha in magdhow ahaan laguu celiyo wixii lagaa jaray.

Miyaa loo ogolyahy in shaqo bixiye-haygu wax ka jaro dakhligayga?

Hadii shaqo bixiye wax ka jaro dakhliaga shaqaale isagoon ogaysiin, tan waxa loo aqoonsayaa ‘’jaris aan sharci ahayn’’. Tani waxa kale oo ay noqonaysaa jebis heshiis (eeg bogaga heshiis-yada). Waxa jira marar loo ogolyahay in shaqo bixiye wax ka jaro (shaqaalaha). Tanu waa marka shaqaale kula heshiiyo qoraal, sida in laga jara wixii dheeraad qalada ah oo hore loo siiyey. Waa inaad si degan u baadhaa shuruuda heshiiska in uu jiro qodob dhigaya in wax-yaalahaa lagaa jari karo.

Maxay tahy in aan qaato markaan shaqo ka tago?

Marka shaqadu dhamaato, shaqaalaha oo dhami waxay xaq u leeyihiin in la siiyo maalmihii ay u shaqeeyeen shaqo bixiye. Waxa kale oo ah in ay qaataan muddada ogaysiinta hadii loo diiday in ay sii shaqaystaan (eeg shaqadii miyay kaa dhamaatay?). Waxa kale oo dheeraada gunada fasaxa, hadii aanad wada qaadan (taasoo laga xisaabinayo sanad guurada marka aad shaqada bilowday, ama taariikh kale oo shaqo bixiyehu kuu sheegay) dabadeed waxaad qaadan kartaa wixii gunnada fasaxa kaaga hadhsanaa.

Wixii faah-faahina ee ah xoojinta xuquuqdaada ,eeg www.employmenttribunals.gov.uk

This document was provided by Islington Law Centre www.islingtonlaw.org.uk

Islingtonlawcentrebanner1