multikulti

Hab dhaqameedka caruurta ee caabiska u baahan

childrens "challenging" behaviour

Buugan yari waxaa loo qoray in uu kaa caawiyo kalsoonida deberida xaaladaha adag ee caruurta ku saabsan; iyo in uu ku siiyo jahayn sidii aad uga fekeri lahayd ama u hagaajin lahayd xidhiidhka idiin dhexeeya adiga iyo caruurtaada; iyo inuu ku siiyo macluumaad sidii aad u garanlahayd marka qaab dhaqameedka caruurtu aanu macquul ahayn.

Waxa muhiim ah in aan caruurtu afcaashooda waxyeelo ugu geesan naftooda iyo dadka kale.

Fahan, waxa lagaa doonayo waalid ahaan

Korista caruurtu uma sahlana qofna markasta.

Awood yaraanta, lacagta, waxay noqon kartaa inaad dareemaysid diiqad iyo culays xiliyo badan. Laakiin saameen wayn kugu samayn karta marka dhaqanka ilmuhu uu noqdo mid adag.

Marka tani dhacdo nolosha reerkaagu waxbaa iska dhimi kara, mustaqbalka ilmahaaguna khatar buu geli karaa.

Hadii aanad kalsooni isku qabin waalid ahaan, waxaa sababi kara dhowr arimood oo ay ka mid tahy in aanad cilaaqad wacan la lahayn waalidkaa.

Kuwan oo dhami waxay kugu adkayn karaan sidii aad wax uga qaban lahayd dhibaatada ilmaha.

Dhaqanka ilmaha ee u baahan ‘dadaal’

Caruurtu waxay tijaabisaa xeerka

Caruurtu da’ kasta waxay tijaabiyaan xeerka. Tijaabinta xeerka waxay ka bartaan sidii ay kuugu kalsoonaan lahaayeen adiga iyo xuduuda aad u dejisay.

Dabeecad xumaanta ama dhahitaanka ‘maya’ iyo ‘waan rabaa’ had iyo jeer waa tijaabin xuuduudooda. Waxay tijaabinayaan xuuduuda, ee ma’aha awoodaada waalidnimo.

Maxaad caruurtaada ka filaysaa

Maxaad u rabtaa?

Sidaad doonaysaa inay u dhaqmaan?

Caruurteenu waa qayb inaga mid ah iyo muraayadeena, laakiin waa dad gaar iskood ah.

Maxaa macquul ah ee aad ka rabi kartaa?

Maxaa caadi ah?

Caruurtu waxay u dhaqmaan siyaabo kala duwan da’ kastaba, iyagoo waxyaalo kala duwan ama farsamo kala duwan baranaya, tusaale;

  • Ilmo 2 jir ahi wuxuu baranayaa xidhiidhinta xubnaha jidhka iyo af barashada;
  • Ilmo 10 jir ahi wuuxuu baranayaa dareenkiisa iyo fahanka dhaqanka faciisa;
  • Qaangaadhka 15 jirka ahi maskaxda ayuu aad uga shaqaysiinayaa sida kobcinta dareenka iyo sida aduunka ugu xidhan yahay.

Sida aad waalidnimada ugu dhaqmi lahayd waa inay debecsanaataa iyadoo muuqaal gooniya marba ku xidhan da’da caruurta iyo masuuliyadooda. Habka waalidnimadaadu way is bedelaysaa adoo marba wax cusub baranaaya, iyaguna korayaan.

Si kasta ha ahaatee, nidaamka waa isku mid da’da ay doonaan caruurtaadu ha ahaatee, hadii aad xeerintaada adkayso, caruurtaadu waxay dareemayaan amni.

Muxuu dhaqanka caabiska u baahani u dhacaa?

Mar mar caruurtu waxay ku muujiyaan dareenkooda afcaashooda waayo waa sida keliya ee ay kuugu sheegi karaan siday dareemayaan.

Dareenka cadho, diiqad, ama huubsasho la’aanta waxyaalaha qaarkood, ama dareenka denbi ama fool xumo waxay ilmahaaga ka dhigi karaan mid daalan ama caafimaad qabin; ama dareen iyo dhaqan isku dhac ah.

Dhinaanta feejignaanta ee qasnaanta firfircoonida (ADHD)

Caruurta aan fadhiisan ama firfircoonida dheeraadka ahi ku jirto waxa lagu sifayn karaa ‘hyper’. Caruurta haysta ADHD dhaqankoodu waa mid khatar ah waanay is dhaawici karaan ama diiqad gelin karaan reerkooda ama kuwa ku dhow.

Caruurta haysta ADHD waxay leeyihiin ujeedo dhow, waxayna leeyihiin boodo, khaasatan marka aad rabto inay is dejiyaan. Dhaqankooda adag waxa kamid ah in aanay sugin wareegtadooda, ama feker la’aan wax sameeyaan ama iyagoon fekerayn jebiyaan nidaamka.

Caruurtani way dhibi karaan naftooda, iskuulka kuma fiicnaadaan ama waxaa ku adkaan kara inay saaxiibo samaystaan. Waxay ku dhici karaan shil iyo cadho iyo hurdada oo aanay si fiican u seexanin.

ADHD waa xanuuun lagu daweeyo talo ama dawo. Raadsasho caawimo goor hore waxay caawin kartaa ilmahaaga iyo reerkaaga, waxayna ka dhigi kartaa noloshaada iyo tan xaafadaba mid fiican.

Wixii kaalmo ah ee ku ogaanaysid in ADHD –gu yahay kan dhaqanka ilmahaaga bedelay, la xidhiidh GP ga.

Isbedelka dhaqanka

Marka dhaqanka ilmahaagu adkaado, naftaada waydii:

  • Waa maxay isbedelku hadda, ama iska bedelaya nolosha ilmaha?
  • Waa maxay dareenka ka danbayn kara isbedelka dhaqankan?
  • Caruurtu isbedelka weyn ee noloshooda ku yimaada waxay ka dereentaa cidhiidhi, sida:
  • Bedelista iskuuulka;
  • Saaxiibtinimo ay waayaan; ama
  • isbedelka ku yimaada koritaanka jidhkooda.

Waxyaalaha kale ee raali laga noqon karin:

  • Si badan oo mar keli ah ay ficilkoodii joogtada ahaa wax uga bedelaan;
  • Dareen lumista,sida, hadii waalid ama daryeele guuro ama dhinto;
  • Dhibaatada iskuulka, sida, aflagaadeenta, ku adkaanta wax baxbarashada, iyo culayska facooda.
  • Dhibanaan ama aragtiin waxyeelo nafta ama jidhka ah; ama
  • Isticmaalka mukhaadaraadka.

Dhaqanka aan la aqbali karin

Waa maxay ‘xadgudubku’?

Hadii dhaqanka loogu talogalay waxyeelaynyta dareenkaaga, waa xadgudub.

Maskaxda ku hay da’da ilmahaaga: laba jir kugu qaylinayaa wuu ka duwanyahay ilme ah qaangaadh oo kugu qayliya.

Iska jir waxa dhici kara in aad u debecsanaatid dareemada iyo cadhada waayo aragnimo hore oo aad la kulantay awgeed.

Marka aad tahay ka waxyeeladu gaadhayso waxa laga yaabaa ‘inay kugu cuslaato’, oo aad dhahdo wax aan agtaada macquul ahayn.

Garashada dhaqanka aan la aqbali karin

Labada dhaqan ee soo socda way kaa caawin karaan waxa aan la aqbali karin. Waxa laga yaabaa inaad ka hesho liiska ‘Dhaqanka xadgudubka ah ee had iyo jeer dhaca’. Miyaad aqbali kartaa liiska?

Dhaqanka xadgudubka ah ee had iyo jeer dhaca

Waxaad bilaabi kartaa in aad waxyaalaha qaarkood wax kabedesho ama waxa ku caawin kara kala hadalka asaxaabada iyo reerkaaga.

Dhaqanka xadgudubka ah ee had iyo jeer dhaca waxa ka mid ah :

  • Inay ku caayaan, ama kugu buuqaan ama kugu qayliyaan;
  • Magacyo ku yeedhista, ama xaqiraada;
  • Gacan ka hadalka: sida riixida, cadaadiska, ruug u dhigista ama tukhun-tukhada;
  • Ku hanjabka gacan ka hadalka;
  • Ku dhagaysigaaga ama isticmaalka ‘farsamada aamuska’;
  • Ku jees-jeeska arrimaha xasaasiga ah – ceebaha jidhka ama taariikhda reerka; ama
  • Ku xadgudubka xuduuda shakhsiyeed - gelista qolka qof, ama akhriska buug gaar ah, ama ku dhowowga qof ogaan.

In kastoo dhaqamada noocani ahi ay caadi yihiin, hadana marka arintu kugu cuslaato waa in aad raadsato taageero.

Dhaqanka xadgudubka ah ee xad dhaafka ah

Dhaqanka xadgudubka ee xad dhaafka ahi waa ka ilmahaaga, adiga ama dadka kale wax u dhimi kara.

Dhaqanka xadgudubka ee xad dhaafka waxa ka mid ah:

  • Dhaawicista kuwa kale jid ahaan, iyagoo awoodooda isticmaalaya, dhererkooda ama laxaadka jidhkooda sidii ay uga roonaadaan una dhaawacaan dadka kale.
  • Hanjabada, u cagaguglaynta ardayda iskuulka, iyagoo isticmaalaya ka bajin, aflagaado, si looga baqo.
  • ka fidinta qof kale xan wax dhaawacaysa;
  • ula kac ahaan jarjarida xayawaan yar ama dilistiisa;
  • ula kac ahaan waxyeelaynta hanti qof kale;
  • xadista ama burburinta hanti qaran;
  • Dhaawacista naftiisa/nafteeda naafayn, is jaris, ama naf iska jaris; ama
  • kula kac anshax daro ilmo kale.

Marka xaaladahan khatarta ah, ama dhaqanka xadgdubka ahi dhaco, hadii ay kugu cuslaato waa inaad gargaar raadsato marka ugu horaysa ee aad awoodid, hana ku koobin asaxaabta iyo reerkaaga laakiin jaaliyada balaadhan.

Garawsiga in ay dhibaato jirto

Had iyo jeer way adagtahay in la garawsado in dhibaato jirto. Hadii ay ku asiibto afcaasha ilmuhu waxa laga yaabaa in aad is ilawsiisid adoo rajo ka qaba inay iska hadhi doonto, ama rajaynaya in uu ilmuhu kori doono oo dhibaatadan faraha ka qaadi doono.

Garawsiga in ay dhibaato jirto waa talaabada ugu horaysa ee go’aansato in aad u dul qaadanayn.

Xasuuso, in aad wixii awoodaada ah ka hagranayn ilmaha: waa in aanad dareemin dembi. Culayska waalidnimo ee maalinwalba joogaa wuxuu dhalin karaa niyadjab, waxayna u baahantahay dhiiranaan wayn in aad tijaabiso si ka duwan.

Hadii rabshad aad kala kulantay lamaanahaaga, aad bay kuugu adkaan kartaa marka ilmahaagu cadho keeno ama dadka kale la dagaalamo.

Raadsi kaalmo

Way fiicantahay in aan caawimo doonato marka feker werwer ku culaysiyo ama marka hawl maalmmeedkaagu, ama caafimaadkaagu uu khatar galo. Hadii caruurtaadu ay u dhibanyihiin ama ku suganyihiin dhaqan xumadan, iyaduna way fiicantahay inaad raadsato taageero.

Naftaada uun ha ku koobin

Waydiisiga taageero ma sahlana marka aad waalid keliya tahay. Waxa suuro gal ah in aad cadaysatay inaad isku kalsoonaato, naftaatadana ku filaato.

Laakiin xasuuso, raadsiga taageero waxaad qiraysaa awoodaadu inta ay gaadsantahay, caruurtaadana tusaale fiican bay u noqonaysaa.

Waa goorma marka aad taageero u baahantahay?

Hadii aad ku jawaabto ‘haa’ su’aalahan soo socda, waa markii aad dalbanlahayd taageero dadka kale sidii ilmahaagu uu naftiisa ama nafteeda dhaqanka xun uga hagaajin lahaa.

Miyaad ogaatay inaad:

  • adigu tijaabisay inaad wax hagaago, laakiin aan waxba is bedelin;
  • inaad culays dareenntay, aanad ogayn wixii aad samayn lahayd;
  • dareentay denbi inaad si fiican waxba u maamuulayn;
  • aad mushkilad kala kulanto hawl maalmeedka;
  • aad had iyo jeer diiqad dareentid;
  • aad gooni u dhibantahay, adoo ka baqaya waxay dadku kaa maleenayaan adiga iyo ilmahaaga?

Miyaad ka baqdaa:

  • in ilmahaagu kaa tago oo la noolaado waalid kale;
  • in ilmahaaga daryeel loo qaado; ama
  • nabadgelyadaada, ama baqdin sidii aad gurigaaga u tegi lahayd;
  • miyu dhaqanka ilmahaagu:
  • yahay mid adiga ama dadka kale waxyeelaynaya;
  • mid kaa bajiya in uu nabadgelyada caruurta kale waxyeelo;
  • mid kaa bajiya in ilmahaaga waxyeelo; ama
  • mid qasaaya dadaalka iskuulhiisa/keeda iyo soo xaadiristaba;

miyey waxyaalahanu sii adkaanayaan:

  • cilaaqada aad ilmahaaga la leedahay;
  • inaad ilmhaaga tijaabinaysid inaad waxyaalaha akhriska guriga oo kale ka caawisid;
  • cilaaqaadka ilmahaaga uu la leeyahay jaarka, asxaabta, iyo reerka inta kale;
  • cilaaqaadka dadka kugu xeeran, kadibna waxyeelaynayo caafimaadkaaga iyo sacaadadaada?

Miyaad ka werwersantahay inaad:

  • ilmahaagu leeyahay dhibaato u gaar ah, sida iskuulka, asaxaabta ama maandooriyayaasha ama khamrada?

Marka xadgudubku isu bedelo faro ka hadal

Hadii aad u dhibantahay xadgdub ay kuu geesteen caruur kaa weyni, ama aanad amaan ku haysan gurigaaga, waxa muhiim ah inaad joojiso. Waxa muhiin ah inaad taageero hesho oo aanad keligaa deberin.

Hadii aad haysid su’aalo la xidhiida sharciga la xidhiidh qareenkaaga. Hadii ay jirto rabshad joogto ahi oo kaaga timaada ilme ama qof wayn, waxa aad laxidhiidhi kartaa booliska ama adeega buulshada (social services).

Halkee baad ilmahaaga kaalmo uga raadisaa

La hadalka dadka aad ku kalsoontahay

Marka aad awoodid kala hadal saaxiib aad rayi’giisa ku kalsoontahay dhibaatadaada. Ama qof soo maray xaalad taada la mid ah.

Tijaabi in dadka kale soo geliso si ay kaaga taageeraan waalidnimodaada – sida waalidiinta kale ee aad taqaanid ama ururka waalidiinta ee deegaankaaga, kuwaas oo laybereerigu kuu raadin karo.

Dadka waajibku ka saaranyahay ilmahaaga

Jaaliyadaada waxa jira dad og, daryeelka ama masuuliyad ka saarantahay ilmahaaga.

Hadii ay yihiin kuwa barbaarinta, macalimiinta, hogaamiyaasha kooxaha dhalinyarada waxay wax kaaga sheegi karaan dhaqanka ilmahaaga markay la joogaan. Wixii isbedel ah, ama xaaladaha kala duwan ilmahaaga. Waa kuwa ilmahaaga ka masuuulka ah ee tusaale ahaan bari kara. Waxayna kuu sheegayaan nidaamka u dejisan iskuulka, barbaarinta ama jaaliyada.

Waxay ku siin karaan talo wax ku ool ah ama jahayn. Waxaad ka wada shaqayn karaysaan inaad xad u samaysaan ilmahaaga, waxaana isticmaali kartaan nidaamkaa.

waxa GP –gu kuu diri karaa daweeye ama kuwa cilmi nafsiga ah. Ilmaha yar kuwa caafimaadka ee dadka guryaha ku booqda ayaa ku caawin kara.

La hadal wakaaladaha deegaanka

Iskuulka ilmahaaga, ururka bulshada ama booliska damaantood way ku wada caawin karaan –siiba marka dhaqanku xumaado laakiin aanay weli khatar gelin.

Ururadan bulshadu waxay u shaqeeyaan si gaar ah:

Iskuuulada

Ku boori in waalidiintu ka soo qayb gasho kulamada macalimiinta-walidiinta. Way hagaajiyaan nolosha caruurta, waxayna noqdaan xarun macluumaadka ee xarakaadka iskuulada ee deegaankaaga.

Hadii aad iskuulka soo geliso arinta ilmahaaga, macalamiinta si fiican bay u fahmi karaan dhibaatada ilmahaaga. Adiga iyo iskuulka waad wada shaqayn kartaan si aad nidaamka iyo maamulka ilmaha u hagaajisaan.

ADEEGA BULSHADA (social services)

Miyaad u go’day in aad caawiso reeraha siday naftooda u caawiyaan. Khaasatan marka waalidiintu la xidhiidhaan. Waxay noqon karaan macluumaad iyo kaalmo aad u fiican.

Marka aad dareentid in dhaqanka ilmuhu yahay mid kontarolka ka baxay, adiga iyo inta kale ee reerkuna aad aawadeed u dhibaateesantihiin, adeega bulshadu way ku caawin karaan. Waxay kuu qaban karaan shaqaale bulsho (social worker) si uu ilmahaaga u siiyo feejignaan gaar ah, uuna u caawiyo siday cadhadooda u maamuli-lahaayeen.

Tan ugu danbaysa hadii aad maamuuli kariwaydo, waxay kuu diyaarin karaan hoy caruurta lagu hayo ilmahaaga.

Marka ilmahaaga la dayaco, ama la xumeeyo, shaqaaleha bulshadu waxay ahmiyadiisu noqonaysaa sidii uu u ilaalin lahaa ilmaha.

XARUUNTA BOOLIISKA EE DEEGAANKAAGA

Waxa laga yaabaa inay kuu qadimaan macluumaad barnaamijka ka warhaynta dhalinyarada, ururada dhimista rabshada dhalinyarada.

Hadii ilmahaagu uu rabsho lagalo booliska, maxkamadu waxay kugu amri kartaa kaalmo wax ku oola sidii ilmahaaga laguugu kaalmayn lahaa inuu rabshada ka fogaado. Tani waxay kaliifaysaa inaad tagto barnaamijka walidiinta.

BARNAAMIJKA WAALIDIINTA

Wuxuuu ku siin karaa fekrado aad gurigaaga ku teerigaraysid, wuxuu meteli karaa shebeked wax wadaqabsasho ah oo u dhexeesa asxaabta, wuxuuna kaa caawin karaa aqoonta sida caafimaadka iyo korintaanka ilmahaagu yahay.

Laybereerigaaguu, booqdaha caafimaad, adeega bulshada ama ururka tabaruuca adeega waxay wax kaaga sheegi karaan tan iyo kooxaha waalidnimo ee jira.

Ku suugnaanta kontaroolid aad fiican

Waxa haboon inaad ahaato kan la xidhiidhaya wakiiladan si aad marka aad kaalmo waydiisanaysid, si aad kontrol ugu sugnaatid.

Hadii iskuulku, boolisku, ama adeega bulshadu ay soo dhexgalaan reerkaaga iyadoo qof kale ogaysiiyey, waxa suurogal inaad dareentid inaad kontarol haysan.

Tusaale, hadii dhaqanka ilmahaagu waxyeelo ugaysto dadka kale ee gurigaaga ahayn, jaarku wuxuu qaadi karaa talaabo uu wakaalada arintanu khusayso ogaysiiyo intaanad adigu samayn.

Hadii aad wakaaldaha la xidhiidho, xusuusnow waxaad caawinaysaa ilmahaaga iyo reerka, waxaanad tahay waalid xil qaad ah. Waxa aad daryeelaysaa naftaada iyo reerkaaga si xilkasnima ah.

Waalidnimada: maxaa shaqaynaya?

Noqoshada waalid kalsoon

Farsamada aad leedahay iyo kuwa ah inaad isku tababartid

Fekredaha ku qoran qaybtan waxay ku xasuusin karaan wax aad ku fiicantahay iyo in kaa kaalmayso kalsoonidaada.

Fekradaha qaarkood waxa ku ilawsiiyey culayska diiqada, kuwa kalena waxaad ka baratay waayo aragnimo, ama asxaabta iyo reerka.

Xasuuso: caruurtaada waa taqaanaa waanad ogtahay waxa u fiican.

Siinta caruurtaada waqti iyo feejignaan

Waqtiga ilma kasta

Mid kastoo caruurtaada kamid ah wuxuu ubaahanayahay watigaaga, adiguna waxaad u baahantahay waqti aad ku dhegaysatid.

Adoo dhab ahaan xiisaynaya waxay leeyihiin, sameenaya, dareemaya – ma’aha marka ay adagyihiin oo keliya, laakiin sidoo kale marka ay macquulka yihiin – waxaad qaban kartaa dhibaatooyinka goor hore.

Kalgacalku waa waxay caruurtaadu u baahantahay sidii ay kalsoonidooda u dhisi lahaayeen, tus inaad qadarinaysid qof kasta shakhsiyadooda.

Waqti qaado si aad waxyaalaha mid-mid u samayn lahaydeen, sida wax akhriska, wada ciyaarista, isboortiga, ama soo wax wada iibsiga.

Amaanista ilma kasta

Fursad raadsiga qosol, amaan, laab ku qabasho, iyo mahad celin. Waxaynu dhamaanteen dareenaa fiicnaan marka la inoo sharaf celiyo.

Hadii aad u sharaf celiso ilmahaaga dhaqan wanaag iyo awoodooda iyo qiimahooda awgeed, waxaad ka caawinaysaa inay kobocdo kalsoonidoodu.

Intaad go’aan ka gaadhi lahayd, tijaabi inaad kala hadhsho wixii kuu muuqda ee aad dareensantahay. Sidan caruurtu waxay dareemayaan inaad ogaanaysid, khibradoodana fahansantahay. Tusaale:

‘Waxaan ku arkay inaad iskaga tagtay markii ay magacyada kuugu yeedhaysay…waxaan ku farxay in aad saaxiib kula ciyaara heshay.’

  • Isugu gee amaanta dhaqanka ilmahaaga kelmadaha sida::
  • ‘waxaad ka tagtay xaalad adag, taas waad ku nabad gashay.’
  • ‘aad baan ugu farxay in aad ii sheegatay. Waa jecelahay inaan ogaado wixii kula gudboon.’

Baadh dareenka ilma kasta

Wareerka iyo kulaylka Caruurtu waxa keeni kara inaanay odhan karayn wixii ay dareensanyihiin. Inay ogaadaan dareenkooda waa qayb ka mid ah korintaankooda and waxayna caawisaa inay dhinto kacsanaantooda.

Si dhaqso ah uu dhagayso ilmahaagu waxay leeyahay. Tijaabi inaad arinta ka eegto dhinacooda. Ku caawi inay yidhaahdaan waxay dareensanyihiin, tani waxay ka caawinaysaa inay bartaan maamulaan dareenkooda. Tusaale:

  • bar magacyo kuuu saabsan dareenkooda: ‘waxaan u maleenayaa in qaylada ay kugu kaliiftay cadho’;
  • tus inaad fahantay dareenkooda: ‘waxaan jeclaan lahaa inaan awoodi karo inaan baqdinta kaa saaro’;
  • tus inaad aqbali karto fahmina karto dareenkooda, xataa hadii aad rabto inay dhaqankooda bedelaan: ‘way ii muuqataa inaad u cadhaysantahay, ha ugu sheegin gacan’e ee kelmedo ugu sheeg’;

in kastoo aad xuduuda dejiso, waxaad tusaysaa inaad fahansantahay dareenkooda, ‘adoo kabahooda gashanaya’, waxaad tuusaysaa naxariis.

‘waxa la wareersantahay inaad kaa helayn, kuuma iibin karo kan hadda.’

Tani way adkaan kartaa inaad xasuuusatid, laakiin way kuu caawin kartaa hadii aad awoodid. Waxaad duwi kartaa cadha ilmaha, intii aad sii kordhin lahayd.

Waalidiinta qaarkood waxay ka werweraan aqbalka dareenka sida cadhada inay tahay oo kale inaad samaysid, ama hadii aad xadgudub ka raali noqon lahayd. Laakiin aqbalka dareenka waxaad qiraysaa dareenka ilmaha – dareen waad yeelan kartaa. Waanad odhan kartaa ‘maya’.

Ka caawinta caruurta barashada iyo koritaanka

Ka caawinta ilamahaaga barashada wada shaqaynta

Kaalmaynta ilmahaaga sidii uu fekrada qofka kale u arki lahaa. Tusaale, waxaad odhan kartaa ‘maxaad u malaynaysaa in walaashaa dareemayso?’. Intii aad odhan lahayd ‘waxaad tahay axmaq, weligaa qof kale kama fekertid’.

  • Ka kaalmee macluumaadka sahlan, tusaale intii aad odhanlahayd ‘imisa oo jeer baan kuu sheegay inaad qaylin?’ tijaabi ‘qayladu dagahayga yay waxyeeshaa’.
  • Dheh eray ama jumlad sahlan, tusaale, ‘qunyar!’, intii aad odhanlahayd hadal dheer oo macnihiisu lumo.
  • Ka hadal dareenkaaga, intaad odhanlahayd ‘jooji sanqadhaa’. Dheh ‘waxaan jecelahay inaan luquntayda la jiidin’.
  • Qor maqaal yar, kuu dheji TV –ga: ‘intii aanad daawan, dheh, carusadaada ma iska riixday?’.

‘daawo waxaan samaynayo, samee waaxan sameeyo’

caruurtu way daawadaan, oona ka bartaan dadka ku xeeran.

Hadii caruurtu ay qaylinayaan ama caytamayaan oo qaylo tooda ka badan ku dhawaaqdo, waxaad tusaysaa in awooda iyo cadaadisku yahay sida dhibaato lagu xaliyo.

Tijaabi inaad isdejiso si macquuul ah. U cadee inaad fahansantahay dareenkooda: ‘haa, waan ogahay, waa wareer’. Isla markaana u sheeg natiijada afcaashooda.

Ku kaalmee ilmahaaga inay madaxbanaanida

Marka caruurtaadu korayaan waxay si joogto ah u tijaabinayaan gegi cusub. Barashada go’aamiska iyo madaxbanaanida waa farsamo nololeed.

Caruurta yaryar

Waxa la hordhigi karaa laba ikhtiyaar, labadaas oo raali ka tahay. Tuusaale, ‘ma la wadaagaysaa caruusadan, mise mid kale baan kuugu bedelaa?’.

CARUURTA WAAWEYN IYO QAANGAADHKA

Had iyo jeer waxay rabaan in arimo kala duwan ka hadlaan, waxay rabaan inay dhacdo, iyo khatarta iyo faaiidada afcaashooda. Adaa waalid ah welina waxaad odhan kartaa wixii aan ka hadal u baahnayn.

Ixtiraan dedaalkooda

Hadii, tusaale, ay dhib ku tahay inay saaxiibo sameestaan, waad waydiin kartaa, ama uu ogolaan kartaa inay ardayda iskuulkooda guriga u soo raacaan.

Su’aalo badan ha waydiin. Tuusaale, dheh, ‘waan ku faraxsanahay inaan ku arko’, ‘intii aad odhanlahayd maxaa dhacay?’ ama ‘miyaad muuushkilad la kuulantay’.

Qaado wakhti aad ka jawaabto, tuusaale ‘su’aal fiican, maxay kula tahay?’.

Ku dhiiri geli ilmahaaga in uu dadka kale wax waydiiyo, tuusaale, ‘ka waran hadii aad macalinkaaga waydiisid?’.

Rajo sii ilmaha. Tusaale, ‘miyaad xiisaynaysaa?’ ‘intaad odhanlahayd iska ilow’. Ama ‘jid kale ma leedahay?’, intaad odhanlahayd, ‘suurogal ma’aha’.

Isticmaal nidaam joogto oo macquul ah

Caruurtu waxay ka barataa qaladkooda, waxaanay tijaabiyaan nidaamka markay barayaan. Isla markaana waxay doonaan inay ogaadaan nidaamku xadka uu leeyahay.

Guuriga nidaamku waa inuu cadaado sida iskuulka uu muuqdo, ama ciyaaraha. Ka dhig wax macquul ah oo qadarinaya da’da ilmahaaga.

Waxaad sameyn kartaa ‘nidaam guriga, meel qof waliba ka fiirin karo.

Ka dhig cawaaqibka dhaqan xumida mid fudud oo muuqda. Hadii aad ku hanjabtay in aad abaal marinta joojinaysid , waa inaad fashaa. Caruurta yaryar, abaal marinta ama natiijada degdeg ah baa u fiican.

Abaal mari dhaqanka fiican

Ogow marka ilmahaagu fiicanyahay.

Ogow oo abaal mari natiijada aad jeceshahay inaad wax badan ka aragto. Dhin eegida dhaqanka aanad jeclayn inaad aragto.

Markasta oo aad wakhti ku lumiso u fiirsiga iyo ka hadalka ficil, waxa suuro gelinaysaa inuu mar labaad dhaco. Markaa u fiirso ficilka aad jeceshahay.

Bedelaada dhaqanka xadgudubka leh

Hagida shilka iyo kacsanaanta caruurta

Ku tus tuusaale

Caawinta in ilmahaagu debero mushkilada shilka iyo dhacdada, waa farsamooyinka aad u muhiimsan ee aad u dhaafi karto.

Ku tus tusaale, samayn ama ficilka wada sameeya si aan qofna wax u noqon. Tus in hadalku fiicanyahay, markay gargaar uu baahanyihiina inay hadlaan fiicantahay.

Asluubta

Asluubtu waa u faaiido caruurtaada. Waxay ka caawisaa ilaalinta, waxa ka iman kara khatarta, waxay hubisaa in dhaqankiisa/keeda aanu mujtmaca wax u dhimin.

Dad badani waxay asluubta u haystaan ta la xidhiidha jidhka, ciqaabista jidhka, laakiin waxa asluub fiican u samayn kartaa ilmahaaga adoon ciqaabin.

Rabshadu ma aha jid.

Rabshadu ma’aha jid lagu xaliyo diiqada iyo qaska ama cadhada: dadku way dhaawacmayaan.

Hadii aad doorato in aad ilmahaaga wax ku dhufato, tani waxay tusinaysaa inay caadi tahay inaad wax kuu dhufato qof aad jeceshahay. Waxay siinaysaa afkaaro isku dhafan oo ay la koraan.

Sidoo kale dhirbaaxista, nabar ku dhufashada ilmaha qariban kama caawiso fahanka qaladka. Ma’aha khasab inay joojiso dhaqan xumida inay mar labaad dhacdo.

Ciqaabta jidhku waa khatar; waxay samayn kartaa dhaawac waara. Wadamada qaar waa mamnuuc. Dhirbaaxo fududi waxay abuurtaa nabar weyn. Ugu danbayntii ilmahaagii waa cadhaysanyahay, mana helin inuu fahmo sidii uu wax u hagaajin lahaa.

Tan ugu xun, caruurta ka yar ayey sidoo kale ula dhaqmaan marka ay cadhoodhaan.

Ka kaxaynta caruurtaada rabshada, ka mashquulinta afcaasha xun, waxaad tusinaysaa in rabshadu, qofna istaahilin in rabsho lagula kaco.

Nidaamka iyo abaalmarinta

Waa in nidaam jiraa guriga si qof kastaba uu si raaxo leh ula noolaado dadka kale. Laakiin nidaamka sida reerkaagu u shaqeeyo waa inuu isbedelaa marka caruurtu kortaba.

Waxaad bixin kartaa xasuusin adoo nidaamka cusboonaysiinaya, iyo arimaha inay sameeyaan. Waxaad samayn kartaa nidaam (qoraal) oo xidigo ku muujinayso sidaad u tusto qof walba inaad raali ka noqotay, marka ilmahaagu sameeyo wixii loogu talo galay.

Caruurta yaryar iyo rabshada

Baadh waxa dhibaaya

Caruurta yaryari waxa laga yaabaa inay yidhaahdaan ma haystaan cid ay sheekaystaan, marka ay wax qoonsadaan. Runtii waxa suurogal ah in aanay garanayn sidii waxa ku jira u sheegi lahaayeen.

Hadii aad buugaagta shookinka ee caruuur la mid ah akhridaan, waxa kala hadli kartaa waxa sheekada ku saabsantahay – tani waxay kaa caawin kartaa inaad ogaatid waxa ilmahaaga ku kaliifay dhaqanka adag.

Sida kale ee ay dareenkooda ku sharxi karaan waa ciyaarista ama sawiraada. Marka aad kala hadasho waxa dhibaya, waxaad awoodi kartaa inaad ogaatid natiijada ay tanu ku leedahay dadka kale.

Baadh wax bedela ciqaabta

Bar ilmahaaga inuu taageero:

  • ‘waxaa jecelahay inaad caruusadaha la ciyaartid ama wax sawirtid marka aan telifoonka ku hadlayo intii aad odhanlahayd ‘hadii aad dib u sameeso, waad heli doontaa’.
  • Tus inaad diiday afcaasha ilmahaaga, laakiin aanad iyaga diidin;
  • ‘magac u bixinta dadka waa wax xun. Way kaga cadhaysiisaa’, dheh ‘had iyo jeer waad qalafsantahay’.
  • Sii macluumaad intaad siin lahayd hanjabaad.
  • ‘waxa fiican intaad gidaarka ku qori lahayd, inaad warqad ku qortid’, intii aad odhanlahayd ‘hadii aad taa dib u sameeso, waxaan kugu dhufan dhirbaaxo’.
  • Samee ficil iyo xal mushkiladeed:
  • ‘hadii aad cadheesantahay, kubad debada ku laad, sida muraayadu u jabtay u jabimayso’e’.
  • cadee waxa aad rajaynaysid, iyo waxa aad jeceshahay:
  • ‘reerkayagu waxay jecelyihiin is dhunkasho, laab isku qabad, ee ma jecla nabar iyo dhirbaaxo’.
  • Tus ilmahaaga sidii uu u samayn lahaa kabniin:
  • ‘fadlan raali ahow ku dheh, tusna saaxiibkaa in aad si ka duwan samayn doonto marka danbe’.

Tus ilmahaaga ikhtiyaar, tusaale:

  • ‘waxaad tirin kartaa ilaa toban oo waad iska tegi kartaa, ama macalinka ayaan u sheegi’.
  • U sharax natiijada ilmahaaga afcaashiisa:
  • ‘hadii aad wax igu dhufato waan cadhoonayaa, laakiin hadii aad dareenkaaga ii sheegto waan ku caawinayaa’.

Waxa ciqaabta jidhka lagu bedeli karo

Hadii aad u malaynayso in ilmahaagu qaribanyahay, inaad u diido waxyaalaha dheeraadka ah ayaa ka waxtarsan ciqaabta jidhka (dilista).

Hadii ay dhaqan xumidu tahay mid aan la kantrooli karin, waxa caawin kara in ilmahaaga laga saaro kooxda, ama shaqada ay qasayaan, in gooni loo saaro inta ay is dejinayaan.

U diyaar garow xaaladaha adag

Caruurta yaryari waxay ku farxaan waqtiga cunada ee caadiga ah, wakhtiga hurdada, ama ciyaarta buuqa wadata. Caruurta way ku adkaan kartaa hadii joogtadooda la qaso.

U diyaar garee xaaladahan adag, ama hag una gargaar xaalada cusub. Sii wakhti ay u diyaar garoobaan adoo u sheegaya waxa maalintaa ama saacadaa dhacaya. Waxa ku caawin kara hadii aad ku celceliso tan dhowr jeer.

Caruurta waaweyn iyo dalinyarada, iyo rabshada

Ahow mid adag oo caadil ah

Marka aad tijaabinaysid in aad deberto dhaqan xumo iyo nidaam jebin joogto ah, tijaabi in aad noqoto mid adag oo caadil ah.

Marka hore, sii wakhti naftaada ahmiyada arintanu leedahay iyo inaad u baahantahay inaad wax ka qabato.

Fekerkaaga degani wuxuu ka caawinyaa ilmahaaga inuu tusaale ahaan barto iyo siday naftooda u maamulaan una dhaqmaan xaaladaha adag.

Hadii aad ka baqysid ku jawaabid rabsho

Hadii aad go’aansatay inaad waajahdo ilmo weyn ama dhalinyaro ah, aanad ka werwersantahay inay rabshad keenaan, sidan tijaabi:

  • marka hore naftaada sii wakhti aad isku dejiso, kadibna ka feker waxaad odhanlahayd ama samayn lahayd;
  • ka dibna u sheeg inaad doonaysid in ay jirto wax aad la gorfaynaysid; iyo
  • samee wakhti aad la gorfayso; malaa subaxda soo socota.

Hadii aad qorshayn karto arin si degan, ilmahaagu waxa laga yaabaa inaanu rabshad badan keenin. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad tidhaahdo wax, kulayl awgeed, kadiba aad qoomamayso.

Marka wakhtigu yimaado, waydii ilmahaaga waxaad dareensantahay, waxay sameeyeen, kadibna sii wakhti kaga jawaabaan waxay u maleenayaan.

Maxaa dhacaya ka dib

Ka hadal siyaabaha ilmahaagu dhaqankiisa u hagaagi karo, si ay macquul ugu noqoto adiga iyo dadka ee idunku xeeran.

Waxa laga yaabaa in aad dhexdhexaad gaadhaan, in kastoo aanay ahayn wada sax, laakiin waad ku noolaan kartaa, ilmahaagana way uu cuntami kartaa.

Kala hadal cawaaqibka hadii kula heshiin, ama heshiisku aan mudo dheer la fulin.

Marka ay khasabtahay inaad samayso cawaaqib

Hadii aad doorato inaad samayso ciqaab, tijaabi inaad ka dhigin mid adag. Ka dig mid u qalanta ficilka.

Waxaad go’aansan kartaa in ilmahaagu bixin, ama ka farxin, iyo abaal marin ayaad joojin.

Waxay u dhowdahay in qaylada iyo dhirbaaxadu aanay waxba tarin. Hadii aad tusdo in ay sidani tahay sida dadka waaweyni ula macaamilaan diiqada iyo cadhada, waxay u qaadan karaan in ay caadi tahay in sidoo kale yeelaan marka ay cadhoodaan.

Waxa dhici karta in caruurtaadu ay aad kaaga baqaan, si aanad filayn marka aad cadhaysantahay, ama ku diidaan inaad la hadasho.

Hadii aanay shaqayn

Hadii u malaynayso inaad meel ku gadhayn tijaabadaa, tijaabi inaad hesho kaalmo.

Hadii caruurtaadu la korto rabshad

Hadii caruurtaadu ku aragtay rabshad guriga, khasab ma’aha inay ku dhaqmaan sidoo kale ama noqdaan dad rabshad wadayaal ah.

Qaar waxay u dhaqmi karaan si xadgudub leh, marka kuwo kalena ay diidaan rabshada, kuwo kalena ay dhaqankoodii ku sii dhegaan.

‘ku dayasho’ ama dhaqan riixistu, wuxuu noqonkaraa inta u dhaxaysa mid caadi ah ama mid aad khatar ah.

Caawinta Niyadsamkooda

Eeg fursadaha sidii aad u tusi lahayd ilmahaaga sawir cusub oo noloshooda ah.

‘taasi waxay ahayd dhiiranaan, iyo isu dheeli tir marka aad gidaarka kortay’

  • dhig ilmahaaga xaalad cusub oo naftooda si duwan u arki karaan:
  • ‘runtii raali baan ka noqon lahaa hadii aad iga caawiso inaad alaabada xareeyo’
  • ha noqdo ilmahaagu kii aad u maqla adoo amaanaya:
  • ‘Runtii wey ku dhibaatootaa inay ka taageerto inay xisaabta isu geeyaan.’
  • Weligaa ilmahaaga ha barbar dhigin daalinka, afcaasha uun eeg.
  • ‘mid kaayana ma jecla dilista, waxaanu ka hadalaa daraynkayaga, wixii dhibaato ahna waanu xalilnaa’.
  • Muuji waxay ku fiicanyihiin, iyo wixii aad raali kaga tahay.
  • Ka hadal wixii tegay iyo waxa jooga.

Kaydi wakhtiyada iyo xasuusa fiican:

  • ‘Waxaan xasuusanahay shalayto markaad….’

Kala sooc wixii tegey, waxa soo socda iyo waxa jooga:

  • ‘Taasi waxay dhacday markii aynu halkaa ku nooleyn, laakiin waynu soo dhaafnay, waayo maynaan jeclaan. Waxa hadda samaynaa waa inaynu is taageerno. Haddii aad barkimooyin soo qaado, waxaan kuu akhriyayaa sheeko.’

Eeg fursadaha aad ku isticmaasho fekradahan. Shaykaysiga ugu fiicani wuxuu dhici karaa marka aad wax qabanaysid – sida wax maydhista ama weel qalajinta, ama adoo gaadhiga ku jira ama isboorti ciyaaraya.

Runta uga sheeg carurtaada dareenkaaga, sida ay kuula muuqato arin dhacday.

Talaabada aad qaadaysid in aad caaruurtaada taageerto

Ka feker waxa ka dhacaya guriga

Ka feker sababaha dhaqanka adag

Ka feker waxay caruurtaadu sida xun ugu dhaqmayso.

Waxa laga yaabaa inay daalanyihiin, gaajeesanyihiin, caajiseen, ama kacsanyihiin, kuwanoo dhami waa sababo aad wax ka qaban karto inaad joojiso.

Ma waxa jira wax ilmahaaga dhibaaya, aanay doonayn inay kuu sheegaan?

Dib uga feker marka dhibaatadu bilaamantay

Marka qaladku bilaabmay:

  • ma waxbaa dhacay ilmahaaga werwer geliyey, inkastoo ay adiga kuu tahay wax tegay?
  • Miyaad wax is ilawsiisay, aad umalaysay inuu ku dhaafayo?
  • Ma waxa jiray wax aad kuugu adkaa inaad ka hadasho, oo dabooshay kadibna aanad caruurtaada fursad ay waxay la tahay ama ka werwer qabaan siinin?

Dareenkaaga daboolan

Waxaad noqon kartaa mid dareenkiisa daboola; kadibna adoon is ogayn inaad ka filayso inay caruurtaadu sidoo kale sameeyaan.

Dareenka caruuurta ee la daboolaa waxay ka soo bixi karaan marka cadhoodaan, ama axmaqnimo gasho. Dhacdo tagtay ayaa abuuri karta sacaado darro daba dheeraata. Kala hadal-la’aanta ayaa sababi karta inay cadho dareemaan iyo madax adayg.

Ka hadal waxa jira

Hadii aad tahay mid fuurfuran kana hadlaaya waxa jira, waxay caruurtaada siinaysaa fursad ay ku waydiiyaan suaalo, waxayna ka dhigaysaa qaar deegan oo aaminimo dareemaya.

Kala sheekayso arimaha fudud, waxaanad awoodi kartaa inaad kala hadasho muhiimka ah marka ay soo baxaan.

Ogaysii caruurtaada sidaad dareensantahay. U sheeg waxa kuu fiicnaaday kuna faraxday, iyo waxyaalaha aad dhibaatada kala kulantay.

Wakhti adiga iyo caruurtaadu waxa aad dersi kartaan waxa jira, waxa tegay. Waxay fahmi karaan inaanay khasab ahayn in aad adigu, ama iyagu canaanta qaadato.

Sii malee xaaladaha

Waxay kaa caawinaysaa inaad ka fekerto dhibaatada soo socota, iyo rabshada ka soo bixi karta marka caruurtaada noloshoodu isbedelayso. Ka feker sida aad u maamulaysid iyo sida aad doonaysid in caruurtaadu ay isbedelka ula qabsadaan.

Xaaladaha keeni kara wareerka iyo farxad la’aanta.

Xaalado carurtaada u keeni kara wareer iyo farxad la’aan, kuwaas oo dhaqan xumi keeni kara, waxa ka mid ah:

  • Kala taga, furniinka, iyo lamaane cusub;
  • Ilme cusub, ama mid weyn oo tegey;
  • bilowga iskuul, ama bedelaadiisa;
  • hadii aad naafo tahay ama leedahay xanuun waara;
  • rabshada reerka gudihiisa;
  • geeri ku timaada reerka;
  • xaafad cusub oo aad u guurteen.

Waxa ay dareemi karaan in aduunyadu is gediday. Dareemi karaan inaan la rabin. Kalsooni darradu waxay bedeli kartaa dhaqankooda – qaska yaryar ilaa cadhada iyo rabshada kuwa waaweyn.

Kala tagu wuxuu keeni caruurta khasaare kale: gurigooda ay waayaan, sidii ay u noolaan jireen, asxaabtii, qaraabo waa, ilaa xataa xayawaanka la dhaqdo ay waayaan. Waxay bedeli karaan iskuulka, asxaab cusub way samaysan karaan.

Tijaabi inaad dhinto boodsanaantooda

Marka aad ka hadasho isbedelka noloshooda, xasuusi caruurtaada inaad weli jeceshahay. Sii xiisay iyaga, iskana dhig mid u debecsan dareenkooda.

Kala taga u muuji in la daryeeli doono, aanay waayeen xidhiidhkooda waalidka kale, xataa hadii xidhiidhkaagu adkaa. kala gorfee baahida ubadkaaga waalidiinta kale, hadii ay suurogal tahay.

Sidii aad u dhisi lahayd dareenka kalsoonida caruurtaada, tijaabi in aanad xarakooyinkii hore aanad wax badan ka bedelin.

U sharax waxa kaliifay in wax isbedelaan. Dhagayso rayiga kuwa waaweyn, laakiin xasuusnow, go’aamada waaweyn, sida xidhiidhka ilmaha iyo meesha uu ku noolaanayo ay tahay go’aan dadka waaweyn.

Naftaada daryeel

Waxa muuhiin ah in aad naftaada daryeesho. Hadii aad dareemayso caafimaad iyo awood waxaad si fiican u caawin kartaa ubadkaaga.

La wadaag waayo aragnimadaada

Ha sugin dhibaato. Ka hadal marka ugu horeysa ee niyadaada gasho, dhibaatadu waxay u dhowdahay inaaney dhicin.

Tijaabi inaad ku biirto kooxda waalidiinta ee xaafadaada, ama akhriska buugaagta waalidnimada. Waxa kaloo eegi kartaa jaraadidka iyo bogaga interedka ee faa’idoda leh, ama tijaabi khadka telifoonka ee (caawinta) waalidiinta.

Ogow kooxda taageerada reerka ka kooban waalidka keli ah: waxa joogi kara khabiir kaa caawin kara dhibaatada. Kuwa kale way kaala hadli karaan si aan nidaamsanayn. Waxay joogi karaan, iskuulka, meelaha lagu ciyaaro, iyo meelaha lagu cibaadaysto.

Laybereeriga xaafadaada, iyo la taliyaha muwaadinka (citizens advice) ayaa kuu sheegi kara kooxaha xaafada. Falaanqee waxa kuu fiican adoo la hadlaaya, ama su’aalo waydiinaya. Waxaad samaysan kartaa koox yar oo is taageerta, adoo waydiinaya dadka kugu dhow, lana gorfeenaya walidiinta kale waxa dhibaato haysta iyo fekradahooda.

Qorshee, deberna

Waxaad nolosha ka dhigi kartaa mid culays yar adoo:

  • u samaynaya caruurtaada wareegto joogto ah iyo xili go’an oo ay seexdaan, joogtadu caruurta way u fiicantahay waayo waxay dareemayaan kalsooni, adiguna waxaad ogaan kartaa xiliga aad wakhti iskaa uu heli karto.
  • Samee liis waxa loo baahanyahay, siday ukala muhiimsanyihiina u kala horaysii,
  • Qorshaynta iyo fekerka hore si aad diiqada aad maalintaa la kulantay aad uga dhigi lahayd mid fudud

Miyaad dhibaato la kulantay yaraantaadii?

Hadii aad la kulantay waxyeelayn caruurnimadaadii, hadii ay ahyad dayac, qiiro, ama waxyeelo jidh ahaaneed, waxa laga yaabaa inaad fursad helin inaad ka hadasho wakhtigaa, waxaana suurogal ah inaad weligaa fursad helin.

Hadii aad dabooshay dareenkaaga wakhtigii tegay, tani waxay kugu adkayn kartaa sidii aad caruurtaada diiqadooda iyo cadhadooda aad ula xaali lahyad.

Hadii aad kala hadasho qof ku khabiir ah waayo aragnimadaada, waxay kaa caawin kartaa garashada naftaada, iyo dhibaatada ilmahaagu marayo.

Sii naftaada wakhti

Waxa aad dareemi kartaa keli iyo cidla marka aad tahay waalid (keli koriya ah). Dareenkanu wuu kugu waynaan karaa marka aad hayso ilmo dhaqan xun.

Naftaada sii wakhti aad kaga fekerto wixii aad samayn lahayd. Hel nus-saac ama in kabadan oo aad ku samayso waxaad gooni u jeceshahay.

Ka feker si marmar fiidka u bixi lahayd. Hadii aad caruur yaryar hayso, makaga tegi kartaa saaxiib gurigiis?

Wakhti maalintii oo naftaada siiso waa muhiim. Hadii maamulaysid wax muhiim ah ama aad doonaysid inaad awoodaada soo ceshato.

Ogow awoodaada iyo marka aad u baahantahay taageero.

Marka culays ku fuulo ee aad ogaatid inaad qaadi karayn, ama cadhada aad qabtid kula dhacdo caruurtaada waa marka aad u baahantahay taageero kale.

Khadka telifoonka ee taageerada waalidiinta isticmaal, ama saaxiib ama qaraabo aad ku kalsoontahay fekradooda waydii.

GP gaagu wuxuu noqon karaa qof aad kala hadli karto. Waxayna kuu gudbin karaan khabiir reeraha ku saabsan.

Liis garayso nambarada aad sida degdega ah ugu baahan karto. Marka lagu daro, asxaabta, iskuulka, dhakhtarka, iyo kooxaha taageerada, ku dheji meel aad markiiba ka heli karto.

Waajibaadka caruurta iyo xuquuqdooda

Xuquuqda sharci wuu u kordhaa marba marka ay sii weynaadaan.

Xasuusi in xuquuqdooda ay ku lifaaqantahay waajibaad, kuna taageer sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen xuquuqdooda cusub.

Xuquuq da’da ku xidhan ee UK

Waxay heli karaan, marka laga bilaabo:

  • 10 jir in lagu heli karo denbi, hadii ay ogaayeen waxay sameenayaan qalad yahay;
  • 12 jir waxay iibsan karaan xayawaan yar;
  • 13 jir waxay dhig-dhigi karaan jaraa’idka iyo shaqo aan waqti buuxa ahayn (part-time);
  • 14 inay babka (mukhbaarada) geli karaan, laakiin khamri cabi karin;
  • 16 iskuulka iskaga tegi karaan, shaqo caadi ah doonan karaan, sigaar iibsan karaan, gurigana iskaga tegi karaan, hadii ay waalidka ka amar qaataan.
  • 17 qaadan karaan rukhsada gaadhi kaxaynta;
  • 18 noqon karaan qof weyn, oo ay sameen karaan inta badan ee qof weyn loo ogolyahay.

La xaajoodka markay koraanba

Caruurta waaweyni waxay doonaan inay caddaystaan madaxbanaani iyo isku filaansho. Waxa weeye xili la xaajood wixii la aqbali karayn. Sii caruurtaada ikhtiyaaro macquul ah, sidii ay u garanlahaayeen waajibaadkooda.

Caruurta waaweyni waxay u baahanyihiin wakhti wada hadal, waxaanay codsan karaan waqti aan haboonayn. Sidii kale adigu waxaad u baahan kartaa inaad la hadasho wakhti ay rabaan gooni. Hadii ay surogal tahay la balan wakhti idiin haboon.

Hadii ilmahaagu aad moodo inaanu rabin inuu hadal badan yidhaahdo:

  • u caddee inaad xiisaynayso iyaga iyo waxay rabaan, laakiin aanad suaalo ku koobnaan doonin;
  • dhagayso waxay leeyihiin iyo waxay dareemayaan;
  • wax ka qabo waxay leeyihiin, khaasatan dareenkooda, si aad u tusto inaad daryeelayso aanad doonayso inaad fahanto waxay samaynayaan.
  • Wax kastoo dhaca ha akhriyin buuga u gaarka ah ee xusuus qorkooda – waxa laga yaabaa inaad garanwaydo sidii aad uga hadlilahayd wixii aad akhriday.

Nabadgelyada marka caruurtu ay debada wareegayaan

Waa in aad gudoomiye ka noqotaa marka caruurtaadu debeda ku ciyaari karaan, ama dukaanka u lugayn karaan, ama iskuulka aadi karaan, ama jaalida iskuulka kadib aadi karaan. Dadka qaar waxay ku doodaan wixii sagaal ka yar inaaney bixin keligood.

Waxaad caawin kartaa carurtaada adoo kula heshiinaya nidaamka. Tusaale, waa inay saaxiibadood la joogaan, oo aaney keligood wareegin, ama waa inay telifoon kuu soo diraan marka ay guriga saaxiibkood gaadhaan ama marka ay soo noqonayaan (waxa ay u dhawdahay inay toos u soo noqdaan, dareemaana in la daryeelayo)

Cadaalada dhalinyarada

Fahanka caruurta natiijada denbiyada

Dadka yaryari waxay u baahanyihiin taageero sidii ay u garanlahaayeen masuuliyada marka ay korayaan.

Xuquuqda ku xidhan da’du waa wax cad, laakiin arimaha ku xidhan masuuliyada denbiyada ma cadda.

Marka toban jir laga bilaabo waxa laga soo qaadaa inay waynaan ku filan haystaan sidii ay u fahmilahaayeen denbiyada ay sameeyaan iyo in ay masuul ka yihiin.

Si kasta ha ahaatee, waxa laga soo qaadayaa caruur marka ay noqoto difaacooda wixii xadgudub sharafeed (kufsi, iwm) iyo shaqo noqoto.

Hadii aad ka baqsantahay in rabshada ilamahaagu la tago debeda, waxaad ka caawin kartaa ilmahaaga fahanka waajibaadkooda iyo cawaaqibka dhaqan xumida.

Amarada maxkamadi bixin karto.

Marka dadka yaryari lagu helo denbi ama dhaqan xumi, waxa jira amar ay bixin karto maxkamadu:

AMARADA KU SAABSAN DHAQAN XUMIDA

Waxa meel marin kara booliska ama dawlada hoose sidii ay u xadidi lahaayeen dhaqdhaqaaqa caruurta ka weyn 10 sano.

AMARADA KU SAABSAN NABADGELYADA ILMAHA

Waxa codsan kara dawlada hoose sidii ay uga hortegi lahaayeen caruurta ka weyn 10 inay ku kacaan dhaqan xumi iyo rabshad.

BANDAWGA ILMAHA

Waxa codsan kara dawlada hoose sidii looga mamnuuci lahaa caruurta 15 ama ka weyn meelaha qaarkood.

AMARADA WAALIDKA

Lagaa codsanayaa adiga in aad tagto balamo waalidnimo hadii ilmahaagu denbi galay, ama aanad hubin in ilmahaagu iskuulka tago si joogto ah.

DIGNIIN KAMA DANBAYS AH

Waxa loo gudbinayaa kooxda denbiyada caruurta sidii ay u hubin lahaayeen inaan mar kale denbi gaysan.

MAGDHOW

Waxa weeye in ilmaha denbiga geystay wax u qabto dhibanihiisa ama jaaliyada si uu u kabo denbigii uu geestey.

Kaalmo dheeraad ah

Ku biirista kooxda waalidiinta, akhris buug, daawasho fiidiyo ku saabsan waalidnimada, xataa qaadasho koorso waalidnimada ah – kuwan oo dhami waxay kaa caawinayaan sidii aad kalsooni u heli lahayd wakhti kugu culus.

Ahaanshaha waalid kalsoon waxay kaa caawin kartaa in aad tijaabiso fekradaha ku qoran buugan yar.

Ururada ku kaalmeenaya

ATTENTION DEFICIT DISORDER INFORMATION SERVICE

Tel: 020 8906 9068

www.addiss.co.uk.

Taageero khaas ah iyo talo bilaash ah oo kuu diyaara.

CHILDLINE

Tel: 0800 1111

24-saac khad loogu talogalay caruurta khatar ku jirta,ama dhibaato hayso.

CHILDREN’S LEGAL CENTRE

University of Essex, Wivenhoe Park, Colchester CO4 3SQ

Advice Line: 01206 873 820 (Mon–Fri 10am–12.30pm)

Talo qarsoodi ah oo ku saabsan arin kasta oo sharci ah oo khusaysa caruurta ama dadka yaryar.

CONTACT A FAMILY

209–211 City Road, London EC1V 1JN

Freephone: 0808 808 3555 (Mon–Fri, 10am–4pm)

Waxay taageertaa reeraha caruurta dhibaatada gaarka ahi hayso, waa xarunta macluumaadka ugu badan ee (xanuunada) isdhaafka ee gaarka ah

CRUSE BEREAVEMENT CARE

Cruse House, 126 Sheen Road, Richmond, Surrey TW9 1UR

Helpline: 0870 167 1677

www.crusebereavementcare.org.uk

waxay bixiyaan talo, fursado, iyo xidhiidhyo dadka murugaysan, marka lagu daro caruurta.

DADS UK

85a Westbourne Street, Hove, East Sussex BN3 5PF

Tel: 07092 391 489 or 07092 39092 39 0210 Mon–Fri 11am–10pm, Sat–Sun 2–6pm

www.dads-uk.co.uk

macluumaad, waxay bixiyaan taageero aabaha kelida ah, iyo xaasleyda murugaysan.

FAMILY MATTERS

13 Wrotham Road, Gravesend, Kent DA11 0PA

Helpline: 01474 537 392

Bixiyaan talo, dhegaysi, iyo macluumaad ku saabsan dadka waaweyn iyo caruurta 8 ka weyn, ee lagula kaxay anshax xumo jidkooda ah.

FAMILY SERVICE UNITS: REACHOUT

Helpline: 020 7402 5175 24 hr

Xarun reeraha la takooray; sidoo kale waxay la shaqeeyaan caruurta qariban iyo kuwa la dhibaateeyey. Xidhiidhin caruurta iyo reerka oo dhan.

HOMESTART

National Information Line: 0800 068 6368

Email: [email protected]

www.home-start.org.uk

taageero, saaxiibtimo iyo kaalmo ay bixiyaan dad tabaruc ah oo ay dadka haysta ilmo ka yar shan jir guryahooda ku caawiyaan.

MEET A MUM ASSOCIATION

376 Bideford Green, Linsdale, Leighton Buzzard LU7 2TY

Post-natal Helpline: 020 8768 0123 Mon–Fri 7pm–10pm

www.mama.org.uk

waxay isku xidhaan hooyooyinka cidloobay ama diiqadaysan dhalmada ka dib, sidii ay isu baranlahaayeen isuna taageeri lahaayeen.

NATIONAL FAMILY MEDIATION

9 Tavistock Place, London WC1H 9SN

Tel: 020 7385 5993

Waxay bixiyaan macluumaad turxaan bixin ah. Waxay bixin karaan liis furniinka ku saabsan.

NCH ACTION FOR CHILDREN

85 Highbury Park, London N5 1UD

Tel: 020 7226 2033

www.nch.org.uk

waxay UK oo dhan ka siiyaan dadka culayska iyo dhibaatadu haysato taageero iyo talo.

NFPI (NATIONAL FAMILY AND PARENTING INSTITUTE)

Tel: 020 7424 3470

www.nfpi.org

Qoraal waalidiinta ku saabsan.

NSPCC CHILD PROTECTION HELPLINE

Tel: 0800 800 5000 – 24-saac waxay leeyihiin shaqaale arimaha bulshada u tababaran, oo uu heli karo qof kasta ay khusayso ilmo dhiban.

Tel: 020 7825 2775 qoraalo iyo macluumaad Mon–Fri 9am–4pm.

PARENTLINE PLUS

Helpline: 0808 800 2222 24 hrs

Textphone: 0800 783 6783 helitaanku wuxuu u dhaxeeyaa 9am - 5pm, hadii kale cajalada dhegeyso.

www.parentlineplus.org.uk

waxay bixiyaan talo iyo taageero qof kasta oo wax koriya, sida awoowada iyo adeerada.

YOUNG MINDS PARENTS INFORMATION SERVICE

Tel: 0800 018 2138 Mon and Fri 10am–1pm, Tues, Wed, Thurs 1–4pm

Qoraalo arimo badan ah oo ku saabsan xaalada dadka yaryar. Waxa loogu talogalay dadka ay khusayso caafimaadka maskaxda caruurta, dadka yaryar iyo daryeelkooda.

Kooxaha aad ku biiri karto

Ku biirista koox waxay ku siin kartaa saaxiibo cusub iyo khubaro, kana yara fogaan kartaa reerka iyo xaafada, waad soo nasan kartaa, ama la kulmi kartaa dad aad wadaagtaan waayo aragnimo iyo fekrado.

GINGERBREAD

7 Sovereign Close, Sovereign Court, London E1W 3HW

Advice Line 0800 018 4318 Mon–Fri 9am–5pm.

www.gingerbread.org.uk

waxa jira in ka badan 100 kooxood wadankan oo ah GINGERBREAD oo maamula xarakooyin badan, sida qorshaha xanaanada caruurta, talo in taageero wax ku oola. Gidigood waxay leeyihiin fursad aad waalidiinta kale la kulmi karto.

SINGLE PARENTS ACTION NETWORK (SPAN)

Millpond, Baptist Street, Easton, Bristol BS5 0YW

Tel: 0117 951 4231

www.singleparent.org.uk

shebeked wadani ah, oo loogu talogalay waalidiinta midka ah ee iskood isu caawinaya, khaasan foqorka, cunsiriyada, iyo arimaha dumarka. SPAN waxay caawin kartaa ururada cusub dhisankooda.

Macluumaadka waalidiinta midka keli ah

Tel Helpline 0800 018 5026 khadka reeraha waalidka keli ah iyo liiska ururada waalidka keli ah ee deegaankaaga.

This document was provided by One Parent Families www.oneparentfamilies.org.uk

Document Links

www.oneparentfamilies.org.uk
The One Parent Families web site
http://www.oneparentfamilies.org.uk/
www.multikulti.org.uk